Maayar SOLTELCO Oo Hadhimo-sharafeed Ku Maamuusay Mujaahid Axmed Mirre

Hargeysa (SLpost)- Maayarka Caasimada Hargeysa Md.C/raxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa maanta hadhimo sharafeed balaadhan ku maamuusay Mujaahid Axmed Mirre Maxamed oo kamid Hogaankii Sare ee Halgankii hubaysnaa ee dalka lagu xoreeyey.

Munaasibadan hadhimo sharafeedka ah oo maanta ka qabsoontay Ambasador Hotel Hargeysa ayaa waxa kasoo qayb-galay marti sharaf aad u tiro badan oo kamida haldoorka qaranka Somaliland.

mire1Ugu horeyn waxa madasha hadalo kooban oo Maayarka Caasimada Md.C/raxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco isagoo isla markaana u mahadnaqay Muj.Axmed Mirre iyo marti sharafta kale ee tirada badan ee kala soo qayb-gashay hadhimo sharafeedkan uu ku maamuusay Mujaahidka taasi oo xusay inay waajib tahay in la muuneeyo lana xuso shaqsiyaadka mudan ee qarankeena qiimaha ugu fadhiya ,

Maayarka ayaa sidoo kale xusay muhiimada ay dalka ugu fadhiyaan Mujaahidiintii dalkan iyo dadkan naftooda u horay ee ka xoreeyey Cadawgii ku habsaday.

Sidoo kale waxa isna madasha hadalo kooban kasoo jeediyey Maamulaha Shirkada Shiraaqle Company Ganacsade Nuur Muuse Shiraaqle isaga oo si weyn ugu hambalyeeyey Maayarka Caasimada Hadhimo sharafeedkan uu ku maamuusay Mujaahid Axmed Mire taasi oo uu xusay in Maayarka Caasimadu uu uga dheereeyey isla markaana kaga horeeyey Masuuliyiinta kale ee Xukuumada iyo Maayarada kale ee dalkaba.

Ganacsade Nuur ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay qiimaha weyn ee uu qaranka ugu fadhiyo Mujaahid Axmed Mirre iyo qiimaynta iyo maamuuska uu qaranka ka mudan yahayba

Sidoo kale waxa iyana madasha ka hadlay Xildhibaan Axmed Cali Haybe,Xildhibaan Saleebaan Dogax,Xildhibaan Mubaarik Cabdi Malaw oo dhamaantood kamida golaha deegaanka ee Caasimada Hargeysa iyagoo isla markaana si wadajira Maayarka ugu hambalyeeyey hadhimo sharafeedkan uu u sameeyey Mujaahidka iyagoo isla markaana Mujaahid Axmed Mire uga mahadnaqay inuu kala soo qaybgalo hadhimo sharafeedkan.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net