Maayar Ku-Xigeenkii Hore ee Burco oo Beeniyey Inuu Muqdisho Xil U Doontay, Sheegayna Inuu Hawlo Ganacsi U Tagay

Hargeysa (SLpost)-  Maayar ku xigeenkii hore ee Magaaladda Burco Axmed Cabdi Falay ayaa beeniyey inuu xil u doontay Magaaladda Muqdisho ee dalka Somaaliya, waxaanu sheegay in aanu warkaasi yahay mid aan sal iyo raad-toona lahayn.

Axmed Cabdi Falay oo goor-dhaweyd khadka Telefoonka ugu waramay Tifatiraha Somaliland Media Group  Muniir Axmed Cigaal, ayaa sheegay in uu Magaaladda Muqdisho aanu xil u doonan, balse uu u tagay arrimo Ganacsi oo shakhsi ah, isla-markaana uu sidda ugu dhakhsa badan dalka ugu soo laaban doono.

Waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Waxaan doonayaa inaan halkan ka iftiimiyo aniga oo ah Axmed Cabdi Falay, ahaan jiray-na Guddoomiye ku xigeenka Golaha deegaanka Burco ee hadda xilka wareejiyay kana mid ah Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, waxaan doonayaa inaan halkan ka iftiimo Warbaahinta kala duwan ee maxaliga ah ee Somaliland oo qoray war aniga igu saabsan oo ay sheegeen inaan Xil u doontay Magaaladda Muqdisho, waxaan doonayaa inaan beeniyo arrintaas  waxaanan hadda fadhiyaa oo aan kala hadlayaa Magaaladda Muqdisho waanan Nabad-qabaa, waxaan caalamka, Somaliland iyo Shacabka u sheegayaa in aan xil u doonan Magaaladda Muqdisho ee Somaaliya, waxaan leeyahay anigu xil uma tagin Magaaladda Muqdisho mana jirto cid aan kala xidhiidhayna, waxaanan u tagay arrimo shakhsi ah oo aniga ii  gaar ah.”

Axmed Cabdi Falay waxa uu sheegay in qaranimadda Somaliland ay tahay mid muqadis ah, waxaanu tilmaamay inuu magaaladda Muqdisho u tagay arrimo Shakhsi, waxaana hadaladisii ka mid ahaa  “Xil Qaran oo aan hadda hayaa ma jiro, waxaan u tagay arrimo shakhsi oo aan cadaynayo Midnimadda Somaliland-na waa muqadis dhiigayga ayay ku jirtaa, Muqdishana hawlo ganacsi oo ii gaar ah ayaan u tagay,  waxaana muhiim ah in Saxaafaddu ay hadda iyo jeer ay wararka xaqiiqda ah qoraan, Xisbiga Kulmiye iyo shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan waxaan leeyahay warkaasi waa been.”

Maayar ku xigeenkii hore ee Burco waxa kale oo uu sheegay inuu sidda ugu dhakhsa badan dalka ugu soo laaban doono, waxaanu yidhi, “Waxaan ku celinayaa warkaasi inuu yahay war been-abuur ah INSHA ALLAH sida ugu dhakhsaha badan ayaan maanta haddii ay I suurt-gasho waan ku soo laabanayaa Dalka, si dhakhsana waan ugu soo laabanayaa Dalka Gaadhigaygii xitaa waan ka imid, Berbera ayaanan ka sood egi doonaa.”

SOMALILANDPOST.NET