Maayar Jiciir oo ka hadlay tirada dhimasho iyo Dhaawac ka dhashay Shaqaaqo ka dhacday Warshaddii Hore ee KABISTA iyo Dadka ilaa hadda loo xidhay dhacdadaas

Hargeysa  (SLpost)-Maayarka caasimadda Hargeysa Eng Xuseen Maxamuud Jiciir ayaa ka hadlay shaqaaqadii keentay dhimashadda iyo dhaawaca ee ka dhacday aggaarka Wershaddii hore ee Kabista ee magaaladda Hargeysa.

Maayarka oo maanta marti u ahaa barnaamijka TV-ga Qaranka ee MAQAL-DADKAAGA, ayaa waxa uu sheegay in ay dhacdada ku geeriyoodeen saddex ka mid ah ciidamadda amniga ee dalka iyo afar ruux oo rayida ah.

Maayarku waxa uu sheegay inay dhacdani timi  ka dib markii ay dad rayid ah oo dul-degay xero ciidan oo halka ku taalaa ay shaqaaqooyin dhul doon ah ay abuureen, taasina ay keentay inay ciidamada Amaanku ay ka hortagaan.

Eng. Jiciir waxa kale oo uu sheegay tirada dadka loo qabtay shaqaaqadan sababtay dhimashada iyo dhaawaca, “Ugu yaraan laba iyo toban ruux ayaa loo qabtay hurinta shaqaaqadaas,” ayuu yidhi Maayar Jiciir oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey arrintaasi.

Waxaanu Maayarku u soo jeediyey dadweynaha caasimadda in wixii cabasho ah  loo maro sida uu sharcigu inoo tilmaamayo.

SLpost News/Hargeysa