Maareeyihii hore ee Haamaha Shidaalka Berbera oo Xarunta Ciidanka Dambi-baadhista looga Yeedhay

 

Hargeysa (SLpost)- Maareeyihii hore ee Haamaha Keydka Shidaalka ee magaalada Berbera, Sheekh Saleebaan Siciid Cali, ayaa sheegay in looga yeedhay xarunta Ciidanka Dambi-baadhista Somaliland ee magaalada Hargeysa.

Sheekh Saleebaan oo shalay warbaahinta la hadlay, ayaa xukuumadda madaxweyne Biixi ku eedeeyey falal musuq-maasuq, isagoo sheegay inay xukuumaddu ku mashquul san tahay iibinta qalab Iskaraab ah ee Haamaha Shidaalka magaalada Berbera. 

Sheekh Saleebaan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Bebera, waxa uu yidhi, “Xarumaha dawladda waa la iskaga yeedhi karaa oo waa la is-waraysan karaa, walina maan gaadhin, markaa insha allaahu marka aan gaadho.”

Sheekh Saleebaan ma sheegin sababta rasmiga ah ee keentay in xarunta dambi baadhista looga yeedho, waxaanu ku gaabsaday inuu eegi doono marka uu tago, balse mar la waydiiyey in yeedhmada looga yeedhay xarunta dambi baadhistu la xidhiidho shir-jaraa’id oo uu maalintii shalay ku qabtay Berbera oo uu eedo ugu jeediyey xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, waxa uu yidhi, “Wali ismaanaan arag, mana doonayo inaan ka hordhaco waanan eegi doonaa, balse arrintaasi waxaan u malaynayaa inay ahayd arrin sharcigu ii baneeyey oo ra’yigayga ah oo xoriyatul qawlka ah, taana waxa isiinaya distoorkeena inaan ka hadlo, markaa taa uma arko inay khusayso”.

Sheekh Saleebaan oo xilligii xukuumaddii Siilaanyo hayay Xilka Maareeyaha Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera oo Md Siilaanyo u dhibaabay, ayaa bishii December, 2015-kii loo magacaabay inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta kaddib marii  Maareeyaha Haamaha Keydka Shidaalka ee magaalada Berbera, isagoo xilkaas hayey ilaa bilowgii 2018-kii.

Somalilandpost.netÂ