Maareeye-xigeenkii Telefishanka Qaranka Oo Ka Waramay Sababta Uu Somalia U Tagay Iyo Xilka Uu Doonayo Inuu Qabto

Hargeysa (SL.Post) Maareeye-xigeenkii telefishanka qaranka Somaliland Md. Mustafe Maxamuud Qodax, ayaa ka degay magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya, isagoo haya xilkii.

hqdefault-1

Mustafe Qodax, oo isagoo ku sugan magaalada Muqdisho ku sugan u waramay wargeyska Geeska Afrika oo aanu warkan ka soo xiganay, wuxuu xaqiijiyay inuu Muqdisho u tagay ka mid noqoshada baarlamaanka Somaliya, gaar ahaan aqalka sare, “Haa, waxaan joogaa Muqdisho oo aan tagay, waxaanan galayaa aqalka sare ee baarlamaanka Somaliya. Somaliland waan u maqanahay oo halkaas ayaan uga soo shaqaynayaa, waayo Somaliland wax badan ayay u baahantahay inay halkan [Somaliya] ka qabato.” ayuu yidhi Mustafe Qodax oo u waramay geeska Afrika, isagoo intaas raaciyay, “Waxaan halkan mahadcelin uga dirayaa madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo aanu wakhtigii KULMIYE iyo imika oo uu madaxweynaha Somaliland yahayba soo wada shaqaynay.”

Mustafe Qodax, ayaa Xamar tagay isagoo aan iska casilin xilkii uu hayay ee maareeye-xigeenka telefishanka qaranka, waxaanu hore xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo uga soo qabtay jagada agaasimaha guud ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha, isagoo ka mid ahaa dhallinyaradii wax baratay ee la jaan qaaday xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.

Wuxuu noqonayaa masuulkii saddexaad ee ka tirsanaa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee ka dega Somaliya. Agaasimihii guud ee Wasaaradda Maaliyadda Jaamac-oday iyo garyaqaankii guud ee qaranka Ibraahim Iidle Saleebaan, ayaa hore ugu biiray dawladda Somaliya.

 

Somalilandpost.net