Maareeyaha Dekadda Berbera oo Si Adag u Beeniyay Warar Sheegayey in Dekadda La Wareejinayo

Berbera(SLpost) – Maareeyaha dekedda Berbera Eng Cali Xoor-xoor iyo kuxigeenkiisa oo goor dambe oo xalay ah saxaafadda kula hadlay dekedda Berbera ayaa ka jawaabay wararka ku saabsan in dekedda la wareejinayo, isagoo ku dooday inaanay hayn qandaraas lagu wareejinayo dekedda.

 

Waxa uu sidoo kale sheegay in weftiga Imaaraadka ah ee dalka ku sugan doonayaan inay Somaliland soo degaan, islamarkaana sahmiyeen degmada Sheekh, buuraha Gacan Libaax iyo Berbera, kuwaasi oo uu ku dooday inay horumar la socdaan.

Socdaalka Madaxweyne Siilaanyo ku joogo Berbera ayay madaxtooyadu ku sheegtay mid shakhsi ah, balse waxaa muuqatay soo dhaweyn loogu sameeyay degaannada uu sii marayay iyo Berbera.

 

“Caawa  [xalay] waa habeen jimce ah oo waxaa weeye shaqadii dekedduna way socotaa oo maraakiibtu way ku wada xidhan tahay, sheekadaas yar ee raqiiska ah ee ay dadka qaarkii warbaahinta ka sheegeenna  ayuun baanu is nidhi dadka u bayaamiya oo runta u sheega” sidaa ayuu yidhi Maareeyaha dekedda caalamiga ah ee Berbera Eng. Cali Xoor-xoor oo xalay habeen badh ku dhawaadkii warbaahinta kula hadlay dekedda dhexdeeda oo ay xilligaas hawlo dejin iyo dhoofin ahi ka socotay.

 

Maareeyaha oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi  “ Dekedda anigaa ka masuul ah, cumarna [maareeye ku xigeenka] waa ku xigeenkaygii, run ahaanna wax qandaraas iyo barnaamijkaas la sheegayo [ ee wareejinta] dekedda ah oo meesha yaallaana ma jiraan. Madaxweynuhuna hawl dalku leeyahay uun buu u yimi oo kormeer qaran buu u yimi oo uu Berbera u joogaa, annaguna socdaalkiisa waanu ka faa’iideysanaynaa oo mashaariicda sanadka soo socda aanu bilaabayno iyo kuwii dhammaadayba in uu nala arkaabaanu doonaynaa  iyo xaaladda ay shaqada qaranku ku sugan  tahay. Waxaa kale oo aanu doonaynaa barnaamijyo qaran oo aanu rabno in naloo ogolaado in aanu madaxweyneha tusno, runtiina in badan oo hore ayaan madaxweynaha ku idhi md. Madaxweyne noogu kaalay meesha [Dekedda], markaa barnaamijkani [hadallada  mala’awaalka ah ee wareejinta dekedda] mid jira maaha.”

 

Eng Cali Xoor-xoor, ayaa ka hadlay weftiga carbeed ee dalka ku sugan “qolada carbeed ee joogta ee imaaraadka ka timi horta waa masuuliyiin dawladeed ee shirkad maaha ganacsi, annagana ka deked ahaan hawl badan iyo wada shaqayn dheer baa naga dhaxaysa, waxaanay doonayaan in ay wadanka soo degaan, degmada Sheekh bey tageen, waxay tageen buurta Gacan libaax, berbera way yimaadeen oo way sahamiyeen, run ahaanna wadankaas ay weftigu metalayaan ee Imaaraadkuna waxtar mooyee waxyeello somaliland ka fili mayso, in ay dawladdeena wixii ay ka caawin karaanna ay ka caawiyaan iyada lafteedu meesha way ku jirtaa . run ahaana waxaa nasiib darro ah in dadka qaarkood ay waqtiyadan dambe ay markay arkaan qof carab ah ama cadaan ah si khaldan u fikiraan oo ay yidhaahdaan wax kale ayaa la wadaa, taasna waxaan leeyahay runtii waa caqli xumo, waa horumar diid, masuuliyadda dalkuna ciduun bay saaran tahay, barnaamijka wadanka lagu horumarinayana qof hadlay loo joojin maayo oo loo deyn maayo”  ayuu yidhi Eng-ku.

 

Waxa isna arrimahan kahadlay maareeye xigeenka dekedda “annaga oo ah maarayntii sare ee maamulka dekedda Berbera, waxaanu halkan doonaynaa in aanu kaga hadalno barnaamij warbaahinta aad loo geliyey, masuuliyiinina ay ka hadashay oo ku saabsan safarka madaxweynaha iyo wufuud carab ah  oo Berbera jooga oo ay leeyihiin dekedda ayaa lagu wareejinayaa , arrintaasi ayaanu rabnaa inaanu si cad u beenino, oo aanu dadka tusno in aanay sal iyo raad toona lahayn ee madaxweynuhuna shaqooyinkiisii caadiga ahaa ee qaranka uu gudanayo safarkiisuna kuwaas uun la xidhiidh” sidaas ayuuyidhi Maareeye ku xigeenka dekedda Berbera. Sida laga war qabo warbaahinta maxalliga ah ee Somaliland ayaa tan iyo markii Madaxweyne siilaanyo safarka shakhsiga ah ku tegey magaalo xeebeeda Berbera waxaa ay wax ka qorayeen warar lagu xidhiidhinayo wefti dalka imaaradka ka socda oo iyaguna berbera sii joogay kuwaas oo masuuliyiinta mucaaridka qaarkood ay naqdiyeen ujeedooyinka weftigaasi u yimaadeen dalka iyo safarka madaxweynaha, iyaga oo ku xidhiidhiyey qorsheyaal muddooyin dhawayd saxaadda siyaasadda ku jiray  oo ku saabsanaa wareejinta dekedda berbera.

 

 

Somalilandpost.net, Berbera