Maareeyaha cusub ee Hay’adda Waddooyinka oo kormeeray Dhismaha jidka Hargeysa ilaa Kala-baydh oo habsami u socda

Hargeysa (SLpost)- Maareeyaha cusub ee dhawaan Madaxweynuhu u magacaabay Hay’adda horumarinta Waddooyinka oo ay weheliyaan ku-xigeenkiisa iyo saraakiil kale, ayaa kormeer indho-indhayn ah ku tegay dib u dhiska lagu samaynayo jidka isku-xidha Hargeysa iyo Kala-baydh maraya duleedka Magaalada Gabiley.

 

Jidkan oo hagaajintiisu ka bilaabantay duleedka Galbeed ee Magaalada Hargeysa, intiisii badnaydna la dhigay lakab cusub oo laami ah, waxa samaynaysa oo gacanta ku haysa Shirkadda Somalilandhonogroup.

 

 

Maareeyaha Hay’adda jidka Axmed Yuusuf Maxamed oo xilka la wareegay todobaadkan, ayaa hadal uu halkaa ka jeediyey ku sheegay in loo baahan yahay in dib bulshadu isugu abaabusho olollihii horumarinta waddooyinka, isagoo intaasi ku daray in dhismaha waddadani kamid yahay mashaariicda uu ku wareejiyey Maareeyihii hore “waddooyinku waa nololshii bulshada, beryahan dambe waxaad moodaa in laga gaabiyey abaabulkii bulshada ee horumarinta waddooyinka, laakiinse waan soo celinaynaa” ayuu yidhi.

 

Maareeye ku-xigeenka Hay’adda Waddooyinka Mustafe Faarax oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in dhismaha Waddooyinku yihiin howl baaxaddeeda leh oo u baahan in loo samro wakhtiga ay qaadanayso, waxaanu tilmaamay “ma daawanayno waddooyinkeena oo dayacan ee howsha waddo marka la samaynayaa waa shaqo culus oo baaxaddeeda leh”ayuu yidhi Maareeye ku-xigeenka oo ah madaxa waddada Ceerigaabo ilaa Burco.

Saraakiil ku hadlayey Shirkadda dhismaha waddada gacanta ku haysa iyo madaxda Mashruuca, ayaa soo dhaweeyey maamulka cusub ee loo magacaabay hay’adda waddooyinka, waxaanay ka rejeeyeen wada shaqayn hufan.