“Maanta waxa laysku hayaa waa basiid, waxa ka adkaykaan doonto oo waddanka khatar galinaysa haddii….” Axmed Yuusuf Yaasiin

Ax,ed y- yaasiinHargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay doorka ay Maxkamadda Dastuuriga ahi ku leedahay go’aaminta iyo xal-ka-gaadhista khilaafaadka sharci eek u saabsan doorashooyinka dalka, waxaanu sharraxaad ka bixiyey sababaha sharci ee madaxweynaha ku kallifa inuu maxkamadda sare u gudbiyo ka-garsoorista khilaafkaas.

Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu soo qaatay go’aan maxkamadda Sare ku borisay xeer ka soo baxay golayaasha Baarlamaanka oo markii dambe madaxweyne Rayaale u gudbiyey Maxkamadda Sare kaddib markii ay labada gole aqlabiyad ku meelmariyeen muddo-kordhin loo sameeyey Golaha Wakiillada sannadkii 2005-kii, go’aankaas oo sababay in diiwaangelin la’aan lagu galo doorashadii Golaha Wakiillada ee wakhtigaas.

Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa uu qodobkan iyo Arrimo kale kaga hadlay, waraysi dhinacyo badan oo uu siiyey Wariye Ibraahim Cismaan oo ka tirsan mareegta wararka ee Hadhwanaagnews.

HALKAN HOOSE KA DAAWO WARAYSI AXMED YUUSUF YAASIIN