“Maanta, nin kastaaba Suldaanbuu qaatay, ninkii la doonaaba Caqilbuu qaatay, waxaan leeyahay nidaamkii Salaadiinta yaan la kharribin”.

Xaaji Cabdi WaraabeHARGEYSA (SLpost)- Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-Waraabe), ayaa ka hadlay isbeddel uu sheegay inuu ku yimi qiimihii ay lahayd iyo kaalintii ay bulshada ugu jirtay mansabnimada iyo hoggaaminta madax-dhaqameedka oo uu ku dhaliilay inay lumiyeen doorkii nabadeynta iyo isku-soo-dhaweynta bulshada ee loo cumaamaday.

Xaaji Cabdikariim oo maanta saxaafadda kula hadlay munaasibad xadhigga lagaga jarayey laba garoon oo kuwa kubadda cagta ah laga hirgeliyey degmada Axmed-Dhagax, waxa uu ku baaqay in madax-dhaqameedku isu-soo-dhaweeyaan bulshada.

“Rag waaweyn oo madax ahbaa shiraya, waxay odhanayaan Salaadiintii Reer Habel baanu nahay ama cuqaashii reer Hebel baanu nahay, kaasi ma waxbuu tartay mise waxbuu isyeelay? Hadduu Suldaan noqdo Caalamkuu ka dhexeeya, madaxweynaha ilaa ilmaha yar ee dhashay ayuu oday u yahay,” Sidaas ayuu yidhi Xaaji Cabdikariim.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas raaciyey, “Maanta, nin kastaaba Suldaanbuu qaatay, ninkii la doonaaba Caqilbuu qaatay, waxaan leeyahay nidaamkii Salaadiinta yaan la kharribin oo dhalinyarada yaan xumo loo horseedin ee samo haloo horseedo.

Ninka Fidnada abaabulaa madax noqon maayo, ninka qolo sheegtaana madaxnimadiisa waxbaa ka dhiman,” ayuu yidhi Xaaji Cabdikariim Xuseen.

Somalilandpost.net