Maanta Aan Ka Bilownee Musuq-maasuqa Diidda! W/Q: Bashe Ali Beddel

Dal iyo dad wuxay ku horumaraan cadaalad iyo sinaan loo sinaado addeegyada dawlada, kheyraadka dalka iyo sharciga iyo qawaaninta dalka u yaala. Somaliland waxay sanado badan ku naaloonaysaa nabad xili ay dadyawga iyo dalalka la jaarka ahi la jahawareersanyiin qalalaase iyo xasarado ahli ah taasoo ragaadisay noloshoodii iyo hiigsigoodii mustaqbalka.

Nabada iyo xasiloonida Somaliland Allah ha inoo siyaadiyee waxay u baahantahay koriin iyo kobcin dhan walba ah, kaliya nabada laguma ilaaliyo ciidamo iyo xoogag adag, Cadaalada iyo sinaanta shacabka, danaynta iyo ahmiyad siinta danta dalka iyo shacabka ayaa ah tiirarka amniga iyo xasiloonida u keeni kara bulsho ama shacab meel kuwada nool, Waa sifaha iyo sunaha qofka qofka muwaadinka dhabta ah.

Shacabka reer Somaliland waxay tabayaan muwaadin xilkas ah oo u noqda tusaale iyo haldoor fiican oo ay ku daydaan kana dhex arkaan cadaalad iyo sinaan kaas oo ay ku aaminan masuuliyadooda hogaamintooda. Inta badan masuuliyiinta iyo u addeegayaasha shacabka waxa laga tirsadaa caddaalad daro iyo sinaan la’aan hawsha ay qaranka u hayaan.

Madaxweynaha dalka iyo dhamaan masuuliyiinta kale ee dawlada waxaan kugu baaqaynaa inay xilka dadka iyo amaanada dalka iyo dadka u dhiibaan shaqsi ku sifooba hawlkar iyo caddaalad usamaynta dadka uu xilka u qabanayo, kana dheeradaan aafada qabiilka iyo qabyaalda ee ragaadiyay bulshadeeda. Waxa inta badan dhacda shaqsi xil umadeed loo dhiibo kaas oo layaqaano dhibaayin iyo dayac hore oo uu ku sameeyay hantida umadda, dayrka iyo xayndaabka uu ku gabanayaana ay tahay qabiil iyo qabyaalad.

Shacabka reer Somaliland ahna waxan usoo jeedinayaa inay kala saaraan masuuliyiinta xilalka u haysa iyagoo masuul walba ku qiimaynaya caddaaladiisa, aaminimada iyo hawlkarnimadiisa, iyadoo ay lasocoto nidaam dabagal iyo cad-cadaan isla xisaabtan oo dhamaystiran.

Somaliland waxay gaadhay horumar balaadhan oo dhinaca bulshada ah lakiin waxa wali dayac iyo habacsanaani ka muuqataa dhanka dawlada, Xukuumada waxaan usoo jeedin lahaa inay samayso nidaam adag oo shaqaynaya oo lagu ilaaliyo hantida umadda, laguna dagaalamayo cidkasta oo musuq-maasuq iyo xadgudub ku samaysa hantida dalka iyo dadka nooc kasta iyo sifo kasta oo ay leedahay.

Qore: Bashe Ali Beddel

Email: basheali@outlook.com

Tell: 002522 2 634425224