Maanso: Hargeysa – W/T: Cabdiraxiim Cismaan Maxamed.

Maansadani waxa ay tilmaamaysaa u soo hillawga qofku u soo hilloobo dalkiisa iyo dadkiisa waxaanu Hal-abuurku ku sifaynayaa Hargeysa iyo sida ay kashiisa ugu sawiran tahay, waxaanu tibaaxayaa waxyaabaha ay Hargeysi ku caana maashay iyo tilmaamaheeda .

Hor Allee dharaartaan

Ka hadaafay gayigeen

U baqoolay hawl kale

Hurdo saani uma bogan

Hiyigaygu goornaba

Hagaag uma shaqaynoo

Hoygaan ku ababiyo

Hargeysuu tabaayoo

U harraadan yahay wali,

Garaadaw haddeertana

maankani hugmaayaa

Halaan-hal buu i leeyay

Dhimbiil igu huraysa

Hogaynaysa laabtoo

Dal-tabyadu hubaysee

Hawraarta maansiyo

Dhakhso hees u qaadoo

Hiimada ilmada kulul

Aan u helo ayaan qudha

Hawraar dawaysiyo

Heello aan ka daawado

Hargeysiyo dadkaygii,

Aniguna Hargeysaa

Hooyadii dalkaygaay

Halbeegii dhulkaygaay

Hadhac lama huraaneey

Hoos lagu qaboobiyo

Hogol lagu badhaadhaay

Hoodiyo barwaaqooy

Hoy nabad ku caanaay

Inaan kugu hadaaqoo

Hibashada naftaydani

Kugu hirato adigoo

Hillaacaagu ii baxo

saw ma tihid halbawlaha

dhiigayga habayiyo

Hedda aan ku nooliyo

Hawadaan ku soo koray,

Herereey Hargeysaay

Hoy baad ku leedahay

Hareeertayda bidixoo

Wadnahayga Hoos yaal

Hantidaada weeyoo

Adaan kuu hilloobee

Hargeysaay ma nabad baa ?

Haabkayga kama go’in

Ciidaada hodankiyo

Xareedaada hoortiyo

Caanihii hor-weyntiyo

Hibaaqii dhirtaadee

Hobaladu amaaneen,

Nafi waxay u hotayaa

Hawl yari ku gama’daa

Meel aanay hiifiyo

Ka soo gaadhin hadimoo

Haybadeeda sharaftiyo

Hantideeda lagu dhicin,

Waxa loo hayaamaa

Badi loo han-weyn yahay

Nafta lagu hagaajaa

Hoy laga samaystaa

Meel aanay huriniyo

Hayb-hayb qabiiliyo

Hal-gaad aan lahaynoo

Loo wada hammuun qabo,

Lama hura Hargeysaay

Halalkaa sareen dhigay

Adigaa ku hodanoo

Astaantaadu waa hibo

Hablo-naaso kugu taal,

Hormoodkii xorriyadaay

Himilada dalkaygiyo

hagihii aqoontaay,

Hagoogtii saboolkana

Halasaha ka dhawrtiyo

Barta loogu hiishaay,

Hanqal taaga xiisaha

Ma hilmaamo ruuxii

Hargeysaay ku soo maray

Kugu laday habeen qudha,

Hubaal weeyi Herereey

Hinqashada xagaagiyo

Inuu kugu hawaawiyo

Hal-hayskiisa kaa dhigo,

Hiddo diintu hagaysiyo

Hoo ruux ku caan baxay

Hidin iyo waxsiinba le,

Halyay geesi hanadoo

Hal-qabsiyo tilmaanba leh,

Haween gaari qalanjiyo

Hufnaaniyo hubqaadba le,

Hal-abuur murida hela

Waayeel murtida haga

Hal-adayg u dheer yahay,

Adigaa ku hodanoo

Astaantaadu hibo tahay

Hablo-naaso kugu taal,

Hargeysaay ha dheeliyin

Sahraa kuugu heestee

Maantana hormoodiyo

Meel la hiigsadaad tee

Ha hantaaqmin waligaa.

Waxa tiriyay: Cabdiraxiim Cismaan Maxamed

Email: Guudle-11@hotmail.com

Email: ibnuothman.mohamed@facebook.com