Maanso: DAGAMSI! – Waxa curisay: Yaasmiin Maxamed Kaahin

Maansadani waxay ifka u soo baxday 17/07/2013, waxaanay ku saabsan tahay guud ahaan caruurta dayacan ee Afrikaanka, gaar ahaan kuwa Soomaalida. Sababtoo ah, waxa dhacda in Hay’ado badan oo magacyo kala duwan sitaa ay mashaariic badan ku qaataan in caruurta dayacan ee Soomaalida iyo afrikada kaleba wax loo qabanayo, ka dibna inta ay maalin u astaysteen ay xuska maalintaas uun ay kharash ku bixiyaan Istiikarro (Calaamado) iyo hudheello xaflado lagu qabsado, iyaga oo da’yartii dayacnayd aan waxba loo qaban. Waxa u dheer oo ay maansadu ka hadlaysaa in faro-xumayn, kufsi iyo tacaddiyo lagula kaco caruurtaa iyo kuwa kale ee iyagu daryeelka helaba. Asma yar oo ay maansadu xustayna waxay ka mid tahay inta dhibban.

 

Yaasmiin+MAyaamahaa maanso daayay,

Ka dhawrsaday ibo-furkeeda,

Inaan gabay iyo ku sheego,

Wixii agahayga yaalla,

Ologgiyo docaha teedsan,

Ilkaankiyo faalladeeda.

Aniga ereygaygu maaha,

Amaan iyo faan ku raadso,

Aagaan iyo lacag ku doono,

Inaan xaqa  hoos u sheego,

Xilkaa oogadayda saaran,

Ka wayne amaanadiisu.

 

Waxaan beryo aamusnaado,

Waxaan amakaag la guuxo,

Naftaa edegtii ba diiday,

Waxay indhaheeda saartay,

Addoon isagoo kaleeto,

Dhibkiyo aafada dul taala,

Durbaano u soo amaahda,

Sidii isticmaar gumaysta.

 

Aqoontuna saas ka roone

Haddaad u itaali leeday,

Haddaad ku addinto xaqooda,

Agoonkiyo cunugga baahan,

Dhibkooda adoon ku wiirsan,

Isaga waydii xogtiisa,

Umalkiyo waayihiisa,

Iimaha u qarsoona daawo

Tabaalaha aasan dayday.

Bal eeg baallahaaga dheeho,

Ilmaha dayacee ka muuqda

Asma yar waydii kasheeda,

Wixii urugee ku duugan,

Bal day ummalkiyo xanuunka,

Da’deedoon afarba gaadhin

Ninkaa arbaciinka sheegtay

Cirroolahan aayo beelay,

Aboodiga dhaafi waayay,

Axdigii bulshadani ka booday,

Adhaxdeeda saw ma wiiqin?

Aayaheedii kuma ciyaarin?

Waxaan Allaheen bannaynin,

Inaan lagu taagsan maati,

Caruurtiyo ubadka dhawrno,

Isagu dayrkeed ma jebinin?

Ujeedadu labadan maaha,

Arrintu intaa ka weyne,

Bal dhawr oo ologyadaada,

Waxaa subaxa iyo alaylka,

Baroor hooyo uun dhacaysa,

Waxaa ubadee la tuuray,

Abkoodna bal sheegan waayay,

Bal dhawr daranyada idlaysay,

Caloosha oontiiba wayday,

Afkaan cabiddiiba haynin,

Haraga lafihii ku aasmay,

Garaad waa hore abaaday,

Muuqii aadame ka guuray,

Isagoo maydkuun la jaada,

Ortiyo may qayladaadu,

Aware ka toosinaysaa?

 

Allaha Iyagaba  abuuray,

Nolosha udugiyo wanaagga,

Nolosha anficiyo bidhaanta,

Umuu waayin badhkoode,

Aduu kugu eegayaaye,

Fahan oo amuurahaaga,

Alooskiiyo hool taggaaga,

Afkaa laba yeedhiddaada,

In dad soo ururintooda,

U heeskiyo mashxaraddaada,

Ilmaha Afrikada ku nool ee,

Ayaantani loo asteeyey,

Abaal u gal hadaad isleeday,

Isaga oofahaad ku jiidday,

Dhibkiisana waad ku iiday,

Istiikar intaad ku xaradhay,

Isaga Roodhay u goyn layd.

 

Hadaad gaalada addeecdo,

Hay’adda u addoonsanaato,

Adoo garashiyo aqoon le,

Ogow guul ku gaadhi maysid,

Irbad dun u miiqi maysid,

Gacantaa kuma oon baxaysid,

Naafana cid ka oolin maysid,

Dhufaan dabran baad ahaan.

 

Aafadu ma hadhoo ninkeeday,

Ubadkuu dhalay jartaa baa,

Odhaahdii jirtay ahayde,

Ogow ina ragoow falkaagu,

Kufsi iyo eediyo dhibaatadu,

Inay u dambayso taada.

 

Ugubkiyo ubaxii dalkeena,

Haddaad aayar uun idlayso,

Ujeeddo-la’aan hogayso,

Ilaahay sideed ka yeeli?

Adduunkani waari maayo,

Ayaan baad kaba hulleeli,

Iilkiyo aakhiro hoggaaga,

U tudho aayatiin dambeeto.

 

 

Maanso: DAGAMSI

Waxa curisay: Yaasmiin Maxamed Kaahin

Email: qalinbila01@gmail.com

Hargeisa, Somaliland.

Blog: www.kaariye.blogspot.com