Maanso Cusub (DUUR XUL) Erayadii Abwaan barkhad yare

abwaan barkhad yare maansadan waxa uu kaga hadlayaa in fanka somaaliyeed aan loo adeegsan qaab qabiil leeyaheyna qiime iyo milge loogu talogale waxaanu yidhi

 

 

Dayac iyo Darxumadiyo
Diihaalka sharafeed
Doc kastaba aduunyada

Daafahay ka muuqdaan
Darayaduna halkeeday
Da,kastaba ku Dubataa

Diwaanka gabaygiyoimage_1363656130422092 Heeskuna bulshada
Daad xoortu qaaday
Doolarkiyo la,siistay diinaar

Maantana Dawlad
Wanaag iyo Dabayl
Caafimaad Iyo loo
Soo Diray Dabiib,

Diwaanka gabaygiyo
Heeskee Dusha loo
Saaraay Dambiga

Aan kuu Daliilshee
Muraayadii shacabkoo
Dihin weeye Dulqaadkiyo
Dadnimadana in lagaga
Daydo weeye,

Dockastaba ka eegoo
Diwaanka gabaygiyo
Heeskuba qabiil uma
Duur xulaan bulshada

Ma kala Daadiyaan
Dantooda ma iibiyaan
Iyagaaba u Damqadoo
Dhan kastaba Dareenk.

Siduu yahay ku cabira
Diwaankee ku Dayashiyo
Darajo fiican intaba iyaga
Iska leh,

Marnaba Damiirkayga
Qaaliga siyaasad ku
Doorsan maayo
Darajo ku raadsan maayo

Dulqaadka ku Dayrin maayo xumaanta Daah-
Furkeedana Diwaanka
Ku Duugi maayo….

(Waa maansadii Difaaca)
By Abwaan Barkhadyare