Waxay Jawaab u tahay Maansadii Abwaan Deeq Maxamed Nuux (Deeq-dheer) ee lagu daabacay Websaaydyada qaarkood.
Erayadii Abwaan Abdihakim Mohamed Taajir
Maansadu waxay ku bilaabmaysaa sidan:
Saaxiibkay rumaadoow
Rixim kaan wadaagnow
Dugsi wada rafiiqnoow
Riyaalkana qaybsanoow
Rugteenii togdheeroo
Naxariis rushaysoo
Roobkuna hardamayoo
Heegadu rablaysoo
Onkod kuna rigleeyoo
Daad kuna rogmanayoo
Rahuna dhadhabayaan
Kaa soo riddeeyee
Reexaan udgoonoo
Roobkaasi wadayoo
Bari sare ka soo raray
Raas kaan ku jeellaa
Rab ku tidhi mar keliyaan
Risaaladdan u tiriyee
Ra’yigaagii dhuuxoo
Rog-rogoo u fiirsaday
Dhegahana u raariday
Balse raalli kuma noqon
Run ma sheege tuurliyo
Rukaasaa ku warramayoo
Wehee! Way ku rogayeen
Raandhiis male warkoodiye
Ruuxii wax garad ahi
Runta kama hagoogtoo
Caad uma riyaaqee
Ha ka roorin qaybaha
Ha rakoocin saaxiib
Ha u riyaaqin rooxaan
Riyo beena weeyee
Runta aan u daadego
Rugtu waa rugteedii
Rug barwaaqo weeyaan
Waxa u roogmay mooyee
Wax ka riiqmay may jirin
Musuq-maasuq rooriyo
Laga raysay tuugtii
Ragaadiyey dalkeenii
Raasamaalka yaalliyo
Waxa maal rasaysane
Rubbi beeso miidhane
Bangiyada ku raasuqay
Raagoow ma maqasheen??
Waxa raxamo ciidana
Rayfalada ku jeerane
Roondada u taagane
La rigleeyey ma argteen??
Waxa raydab baxayee
Laamahaa ruxaayee
Rastadii hadheeyee
Ruuxii mar eegaa
Raaxada ku doogsado
Rawlow ma moogtahay??
Reeruhu badhaadhiyo
Raxmad bay ku suganyiin
Rayska iyo ugbaadkaa
Rarab rarab u jiifoo
Beerahaa la rimiyaa
Rumaankiyo qudaartaa
Rakab loo raseeyaa
Badarkaa la riiqaa
Barqadaa la radiyaa
Duhurkaa la ruugaa
Misna rooti subaglaa
Fiidkana la raamshaa
Dabadeed rafaaj baa
Hadhow lagu rakaataa
Risiq eebbe weeyee
Madaxduna ma reentoo
Rati kuma qadeeyaan
Wixii raarta yaalee
Rubucyadu u waynyiin
Kulligood u raashina
Ramad geed hadhwaynoo
Rucub midho kor lulatoo
Hoostana ris baxayoo
Raaxeeye la magac baxay
Hoostiisaa roonbbaa
Rayidkii hadhsanayaan
Raxligaa u kala furan
Raatibbaa la leeyahay
Quraankaa la ruugaa
Ramadaanta soontiyo
Rukunada islaamkiyo
Rakcadaha salaaddaa
Saf-saf loo rukuucaa
Reer magaal ha noqone
Bal waree raggii shalay
Rixlo noogu yimidee
Runta soo xaqiiqsaday
Saaxiibkay rumaadoow
Rixim kaan wadaagnow
Dugsi wada rafiiqnoow
Ninkaad u raxlaynaysee
Kursiga u rakaynaysee
Codkaaga u raacisee
Rabbaaska u mudatayee
Ruumiga u gogoshayee
Wuxuu rabay siisayee
Siilaanyo rakee tidhee
Rucle orodku daashaday
Afkaad ku riyaaqaysay
Inaad ku riddaa rasaas
Waa kuu raqiisnimo
Axmed waa rijaaloo
Rag rageedi weeyaan
Ruug cadaa qab waynoo
Rooxaani wadatoo
Loo rabbaaso weeyaan
Rabitaanka beeshuu
Rugtan uu ku joogaa
Dalkanaa ka raalliya
Dadkanaa u raalliya
Sida uu u roonyahay
Badahaa u reemoo
Ruxay mawjadoodii
Wuu raagayaayoo
Rabbiyoo kalkiisii
Runta mawdku taabtoo
Ruuxduna ka dhooftoo
Loo raro xabaalaha
Ha ka yaabin riditaan
Saaxiibkay rumaadoow
Rixim kaan wadaagnow
Dugsi wada rafiiqnoow
Yaan lagu ruqsaynoo
Rajiim lagugu eedayn
Ama raacdo meel mara
Rabshadaha ka dhiidhiya
Rugta aad ku nooshahay
Intay kugu rifaanoo
Nafta kugu riqiisaan
Raran daba ku saaraan
Warmo kugu riddeeyaan
Dhagax kugu rajiimaan
Godka lagugu raaridin
Hadal wuxuu ku roonyay
Intuu raartaada yaalee
Dabaylaha rogmanayaa
Danabkay ridaayaan
Yaanay ku raadsane
Raxmaddaada ku ekow !!
Abdihakim M.taajir