Maansada Xorriyad-dood

****** ****** *******
Intaan geedo-xaadhkaba,
Loo guran xamaamada,
La gorfaynin xaajada,
Aqoontaada xaadiri,
U xiddigi abbaartoo,
Xigmaddiyo daliilkiyo,
Sii xulo caddeymaha.

Xagga kale ee dooddana,
Xogogaal u sii noqo.

Xagjirnimadu waa ciil,
Xanuun weeye halisee,
Ka xoree garaadkoo,
Xa xayirin awoodaha,
Iyo xoogga garashada.

Guul soo-xareyntuna,
Ha ahaato xaal go’an,
Ku darsoo xisaabaha,
In lagaa xog badin karo.

Xarakee afeeftoo,
Xalladee araaraha.

Xarbi dooddu maahee,
Intaad hadallo xayraan,
La xabeeban layd buuq,
Doodaaga xagga kale,
Inaad soo xeraysiyo,
Xaq u muujintiisuun,
Xasanaad ka doondoon.

Xaqa lama-daboolee,
Ka dillaaci xuubkoo,
Ha ka baqan xorriyad-dood,

Gartu waa xil gudashee,
Ha u xilanin ruuxnaba.
Erayada xajiinta ah,
Weedhaha xasaradda ah,
Xurgufii horee jiray,
Xadantaynta boogaha,
Utunaha xusuustood,
Xanaf iyo ibtilo-doon,
Inaad xiisad kicisiyo,
Inta ficil xun ee jira,
Ka ilaali xaajada.

Maah-maaho xigashada,
Xikmad hore waxay tidhi:

“Eraygii xumaadaa,
Abaar dunida xaaqdiyo,
Isagaaba xaaluf ah”.

Xardhay oo haddana dhigay,
Xaraf kalena wuxu yahay:

Hadalkaaga xubintii,
Xayndaabka guud iyo,
Yay ka lalin xarriiqaha,
Xeerka doodi leedahay.

Xusul-duubka orodkana,
Xuquudaadu yay lumin,
Ha ku tuman xuduudaha,
Xaqa ruuxu leeyahay

Daruuraha Xagaagiyo,
Sida xaab dabeyshaday,
Yay dooddu xiiniyo,
Kor-kaxaadis kaa noqon.
Kolba xagal ka eegoo,
U miyiri xisaabaha,

Xassillooni-dhuuxiyo,
Xushmaddiyo dhegaysiga,
Ha dafirin xaqiiqada.

Maah-maaho xigashada,
Xikmad hore waxay tidhi:
Nin xanaaqay laga badi.

Xaajadaadu yay noqon,
Dab ku xoor addoomaha,
Ku dabool xabaalaha,
Xanan iyo xas jiidhsii,

Wixii dunida xay’aba,
Xidid baa isugu yaal,
Inta xadhig caqiidiyo,
Ku xidhiidhay diintuna,
Xigto iyo tol weeyaan.

Iska daa xigaalkee,
Xataa gaalka saynta li,
Xaq wuxuu u leeyahay,
Xor inuu u doodee,
Ha cabudhin xorriyadaha.

Hayska dhigin xadiid bira,
Maskaxdiisu xidhan tahay,
Xorshoshaha sidiisana,
Xarku yuu ku kala jebin.

Xaafaddaad ka dhalatiyo,
Xulufada xertaadiyo,
Xaashee qof kula midi,
Tabta xoolahoo kale,
Xawayaan sidiisii,
Yuu kuugu xidhan meel.

Maah-maaho xigashada,
Xikmad hore waxay tidhi:
“Garawshiiyo xaalkeed,
Waa xoolo-siin dhaba”.

Xaqiraaddu waa cudur,
Xinku waa gunnimo weyn,
Xaasidnimadu waa belo,
Xaqu meeshu raacoba,
Ninna haw xistiyin guul.

Ha noqonin xinjiro-nuug,
Xanta iyo ku digashada,
Midna xaal gob maahee.

Xardhay oo haddana dhigay,
Sheekooyin xulashada,
Xaraf kalena wuxu yahay:

Xeerbeegti guunoo,
Xirribuhu caddaadeen,
Xilli hore wuxuu yidhi:
Abid xaajo aan galay,
Xaqa maan hareer marin!

La ye xaaji hebeloow,
Xeeladdaada noo sheeg.

Xikmad iga qoruu yidhi:
Gar nin kale xaqiisa ah,
Xalay-dhalay koluu yahay,
Weligay ma xaadirin.

Xardhay oo haddana dhigay,
Sheekooyin xulashada,
Xaraf kalena wuxu yahay:

Habartii xufta ahayd,
Itaal xumida goortay,
Hinjin weyday xaabada,
Xusbad li’ida waa tii,
Xidhmo kale ku badisee,

Guntimii horoo xidhan,
Ha ku xiiqin jeernaba,
Xadhig kale furfuriddii.

Arrinkoo Xamaas yaal,
Xamar haw la taw odhan.

Waxba yay xawaaraha,
Ila jiidan xadhiggee,
Waxa aan xorriyad-dood,
Maansada ku soo xidhay,
Xoog guushu maahee,
Xamdi Eebbe uga celi.

 

Maansada Xorriyad-dood, Dec, 2015.
Aadan Daahir.