MAAN-GAD; Maanso Baroor-diiq U Ah Abwaan Gaarriye, Curinta Axmed-YAASIIN C/Raxmaan (DOOL)

Maansadan, waxan ugu baroor-diiqayaa abwaankii, mufakarkii, barihii sare ee caanka ah ee Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye), oo xalay (01/Oktoobar/2012)  ku geeriyooday waddanka norwey.

Maansadni waxay tilmaan kooban ka bixinaysaa waxyaabihii guud ahaan iyo gaar ahaanba loogu xasuusto maansayahan, muhindis iyo macallin Gaarriye. Sidoo kale waa maanso xambaarsan duco iyo in ALLE u naxariisto halyeega ka baxay ummadda Soomaaliyeed.

Waa kuwan meerisyadii maansada MAAN-GAD

Maalin waliba sheeggeed

Madal wali tilmaanteed

Taariikhdu mudankeed

Mahadhiyo abbaarteed

Maankiyo  dareenkii

Maansiyo awaasheed

Muhashiyo odhaahdeed

Marinteeda tuduc iyo

Meeriskeeda aadkaa

Sida loo macneeyiyo

Miisaankeeda doorka ah

Abwaankii min-guurshee

Maskaxdiisa curintiyo

Maankiis ka keenee

Afka ugu miciinoow

Abwaan Maxamed Xaashoow

Macallinkii duruustee

Aqoon muunaddeediyo

Cilmi laga macaashoow

Mudankii ha-doorkoow

Maalmahay qadhaadhayd

Kii mahadho reebee

Mashaqadii sokeeyahay

Midhkii ugu habboonaa

Aan ka maagin ereygee

Xaqa muujintiisii

Masrax kaga dhawaaqoow

Maaminteeda nabaddana

Nin maslaxo ku doonoo

Meelkastaba u aadoow

Makhluuq waari maayoo

Mawdku dhaafi maayoo

Macbuudkeena weyn baa

Midhkaa hore u sheegoo

Qofba maalin uunbaa

Loo maydhi diirkoo

Nafta laga mal-jiiddiye

Hadduu maanta kuu yimi

Xaquu Maaliggii yidhi

Maanka iyo laabtaan

Macallinooow ku taaloo

Naga maydhmi mayside

Milaygiyo qiyaamaha

Markay xaajo murugtee

Dadku maan wareerree

Muxubiyo walaal iyo

Waalid kala muqaartaan

Rabbigeen miciin iyo

Naxariis mug-weyn iyo

Deeqdiisa maaxda ah

Madal lagu qaboobiyo

Jannadii mudnayd iyo

Maqaamkii Rasuulkiyo (c.s.w)

Meel wacan lagaa gee! AAMIIN AAMIIN

CURINTII: MACALLIN AXMEDYAASIIN C/RAXMAAN AXMED (DOOL)

Ayaasiin55@hotmail.com