“Maamulka Xukuumada sare (Somaliland) ka socdow waxaan idiin sheegayaa Dadka halkan jooga Dadkoodii halkaa (Itoobiya) joogay meel ayaa lagu laayaa oo Dawladnimo ayaa lagu laayaa”

Gabiley (SLpost)-Chief Caaqil Cabdi Ciidle Amaan oo kamid ah Cuqaasha Waaweyn ee Gobolka Gabiley ayaa, si adag uga hadley weerarka dadka Shacabka ah loogu geystay Ismaamulka Kililka Shanaad ee Deegaanka Xarshin ee Ciidamada Liyuu Boolisku laayeen, Waxaanu Caaqilku ku canaantey Sida aanay Xukuumadu talaabo uga qaadin dhacdadaas iyo doorka looga baahan yahey in ay kaga qeyb qaadato.

Caaqil Waxaanu sigaar ah farta ugu Fiiqey Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, oo uu ku dardaarey in uu talaabo ka qaado arrintaasi, “Maamulka halkan joogow ee Xukuumada sare Somaliland ka socdow waxaan idiin sheegayaa Dadka halkan jooga iyo Dadkoodii halkaa (Itoobiya)joogay meel ayaa lagu laayaa, oo Dawladnimo ayaa lagu laayaa, Laba Dawladood oo is huwan oo Midina sarrayso, midina hoosayso ayaa Meeshan agteena ka samaysan, Dawladii hoose (Ismaamulka Soomaalida Itoobiya) Dadkeenii way laynaysaa, idinkaana Mas’uuliyad ka ah, Dadka Odayaasha halkan ka ah halkaa u tallaabi maayoo, wuxuu ku tallaabayaa Taysaro, Nin Taysaro ku soo tallaabayna oo Fiise ku soo tallaabayna qiimo ma leh, Dadkii Miyigaa joogayna dhibaato wayn ayaa ku socota min koone ilaa koone ayaa laga soo bilaabay adaana Muusow Xil kaa saran yahey,” ayuu yidhi Caaqilku, waxaanu intaas ku daray, “waxa la leynayaa dadkii Xoolaha la joogey,  waxa la leynayaa, Macalimiintii Quraanka dhigeysey, hadaaney Dowladeenu howshaa dhameynin qoriyagii iyo hubkayagii intaanu doonano ayaanu wax iska celin ileyn dalkan ayaa kaayagii lagu difaacayaaye hadey dowladii aynu heshiiska la laheyn ee Itoobiya aanay jirin oo ay Dowlad kale oo hoose ka hoos sameysantey aynu taa hoose kala hadalno dadkeenaa la laynayo hadii ay jirto tii aynu Xidhiidhka la laheyna waa in aynu kala hadlnaa dadkeenan la laayay ee direyska iyo shaadhka dowladnimo laguleynayo, Waa waxaan xaley ka gam,I waayay oo aa Saaka lasoo Toosey,” ayuu yidhi Chief Caaqil Cabdi Ciidle Amaan oo shalay ka hadlayey munaasibad Xisbiga Kulmiye magaalada Gabiley ku soo bandhigay murashaxiinta uga qayb-galaysa doorashada deegaanka magaaladaas.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net