Maamulka Khaatumo Oo Sheegtay In ay Ka Dambeeyeen Maxaabiistii Xabsiga Laascaanood Ka Baxsaday

 

Laascaanood(SLpost)-Maamulka Khaatumo ayaa markii ugu horraysay ka hadlay maxaabiis ka baxsatay xabsiga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool bishii lasoo dhaafay, kuwaasoo la sheegay inay Buuhoodle u baxsadeen.

Madaxwayne ku xigeenka maamulka Khaatumo, Cabdalle Maxamuud Haybe ayaa sheegay in maamulkiisu uu ka dambeeyay baxsashada maxaabista oo uu ku tilmaamay kuwo si sharci-darro ku xidhnaa, sidoo kalena tilmaamay inay iska kaashadeen baxsashada maxaabiistan qaar ka mid ah saraakiisha xabsigaas xukuma.

Sidoo kale, Madaxwayne ku xigeenka maamulka Khaatumo ayaa intaas ku daray inay iska kaashadeen howshan dhallinyaro is xilqaantay oo ku sugan Laascaanood iyo xubno ka tirsan maamulka Khaatumo; taasoo ay ku guulaysteen. Wuxuuna ku daray hadalkiisa inay xabadeeyeen xabsiga taasoo ahayd mid lagu jahwareerinayay ciidanka Somaliland xiligaas maxaabiistani baxsanayeen.

Dhanka kale, Cismaan Maxamed Guuleed oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada Somaliland ee saldhigga magaalada Laascaanood ayaa xusay inuu ka qayb qaatay fakinta maxaabistan oo qaarkood uu sheegay in si sharci darro ah ay ugu xirnaayeen xabsiga.

Guddoomiyaha baarlamaanka Khaatumo oo ku sugnaa kulankaan lagu soo bandhigayay maxaabistii ka fakatay xabsiga Laascaanood ayaa tilmaamay inay maamulkiisu ku guda-jiraan sidii ay u soo furan lahaayeen maxaabiis kale oo ku xidhan magaalooyin dhawr ah kuwaasoo shacabkooda ka mid ah.

Ugu dambeyn, dhawaan ayay ahayd markii 35 maxbuus oo dambiyo kala duwan ugu xirnaa xabsiga Laascaanood ay ka baxsadeen xili ay is-rasaasani socotay; waxaana ku geeriyooday iska-horimaadkaas mid ka mid ahaa maxaabistii halka uu mid kalana ku dhaawacmay.