Maamulka Jaamacadda Hargeysa Oo Go’aan Kasoo Saaray Arday Dhibaato U Gaysatay Guddida Jaamacadda

Hargeysa, (SLpost)- Qoraal ay soo saareen maamulka jaamacada Hargeysa, ayaa lagu sheegay in dhammaan jaamacadda laga Eryay arday Arbacadii la soo dhaafay rabashtay shir guddida sare ee jaamacadda Hargeysa ku lahayd xarunta jaamacadda.

Maamulka Jaamacadda ayaa sheegay in rabashkaasi uu ka dhashay khasaare naf iyo maalba leh oo soo gaadhay guddida iyo maamulka Jaamacadda ee shirkii Arbacada ka qayb qaadanayay,sidaas darteedna talaabo laga qaaday ardayda arrintaasi sababta u ahaa.

“ 18 June 2015, waxa maamulka iyo Guddida Sare (BOD) aad uga xun yihiin in karaamadii iyo maamuuskii Jaamacadda iyo weliba mustaqbalkii ay dhisayeen ee hagaajinta iyo tayeynta jaamacadda meel lagaga dhacay, kaasoo ay ku kaceen koox arday ah oo gaystay fal argagax leh oo sababay dhaawac isugu jira naf iyo maal.

Maalintii Arbacada ee taariikhdu ahayd 17 June 2015, saacaduna ahayd abaaro 10:15am, ayaa waxa ka dhacay fal weerar ah hoolka shirarka ee Kuliyadda Caafimaadka Jaamacadda Hargeysa, goob-joogna ay ahaayeen guddida sare iyo xubnaha ka tirsan maamulka sare (Senates).

Haddaba, dhacdadan foosha xun oo ahayd markii ugu horaysay abide e ay ka dhacdo Jaamacadda Hargeysa, taasoo u muuqatay fal abaabulan oo la soo qorsheeyey, waxa falanqayn dheer kadib Jaamacadda Hargeysa go’aansatay;

  1. Inay ku abaalmariso ardayda falkaas gaysatay si waafaqsan xeerka ardayda ee jaamacadda
  1. In la eryey dhammaan kooxdii ardayda ahayd ee falkaas gaystay, laga bilaabo taariikhda falkan dhacay oo ahayd 17 June 2015
  1. In aanay jaamacaddu mar dambe u dulqaadan doonin fal noocan oo kale
  1. In ciidanka boolisku ka guto waajibkiisa sharciga ah, xil gaar ahna iska saaro ilaalinta nabadgelyada iyo kala dambaynta
  1. In dhaawac muujin loo sameeyo masuuliyiinta dhaawacu ka soo gaadhay falkaas foosha xun,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Cabdi Xuseen Gaas.

Amarka Maamulka jaamacadda ka soo baxay ayaa ka dambeeyay Arday gudaha u galay hool shir uga socday guddida Jaamacadda kuwaasi oo madaxda Guddidaasi ku jirta oo iskugu jira wasiiro,saraakiil dawladeed, madaxda jaamacadda iyo xubno kale u gaystay garaacis, iyagoo u adeegsaday Kuraas iyo caagadaha ay biyaha ka cabayeen sida uu shalay sheegay Wasiir Sacad Cali Shire oo guddidaasi madax u ah.

Ardayda ayaa ka gadoodsanaa Hormuudada Jaamacadda Hargeysa ee Sayniska iyo Dhaqaalaha oo shaqada ka maqan muddo kadib markii muran kala dhex galay madaxda Jaamacadda iyo labadaasi masuul.

Somalilandpost.net