Maamulka iyo Ciyaaryahanada Xulka Gobolka Maroodi Jeex Ayaa Ku Hanjabay In Aannay Hadhin Ee ay Iyagu Badiyeen

 

Hargeysa(SLpost)-Xulka gobolka maroodi Jeex ayaa cod dheer ku sheegay in aannay koobka ka hadhin, islamarkaana aan laga badin ee ay iyagu ka badiyeen xulka gobolka Awdal. Waxa kale oo ay sheegeen in cadaalad daro cad lagu sameeyey, aynna soo baxeen oo ay ciyaarayaan wareegga sideed-dhammaadka ee Hargeysa ka bilaabmi doona.

Isuduwaha ciyaaraha ee gobolka Maroodijeex ayaa sheegay in gobolka Awdal lagu saaray sifo aan sharci ahayn oo baal marsan nidaamkeenna iyo caalamkaba. Isaga oo ka hadlaya hawshaasna waxa uu yidhi “Waxaynu arkaynay in uu calan waduhu soo cararay oo uu awoodii garsooraha dhexe ugu yimid oo uu isagu u tilmaamay rikoodhe, kumaynaan arag khaladka noocaas. Waxa aannu aamminsanahay in Xulka gobolka Maroodi Jeex ay leeyihiin 6 dhibcood oo aannay hadhin, oo cadaalad daro lagaga qaaday. Haddii aannu nahay maamulka ciyaaraha ee gobolka maroodi jeex ma yeelayno, waxaanaanu cadaynaynaa in aannay waxba ka jirin waxaa saxaafadda laga sheegay”

“Iyaga oo cabsi dareemayey ayey xidhiidhka ciyaaruhu soo saareen go’aan kala laba ah, mar waxa ay sheegeen in ay hal iyo hal ciyaartu ku dhammaatay, waxana aynnu ognahay in aan wax rikoodhe ah la laadan. Cod dheer baannu ku sheegaynaa ciyaartoyga Gobolka Maroodi jeex in aannay hadhin oo la doonayo in af lagu reebo. Waxaanna aannu wasaaradda iyo xidhiidhka ciyaarahaba ka codsanaynaa in ay wax sharciya nagu sheegaan oo na qanciyaan” ayuu yidhi Isuduwaha gobolka Maroodijeex.

Tababaraha xulka gobolka Maroodijeex Maxamed Maxamuud Dhiridaba oo isagu shirkan jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in aan gobolna gobolka kale dhibcihiisa looga qaadi Karin, guusha Awdalna ku sheegay sharci daro.

Tababare Diridhabe isaga oo ka hadlaya waxa uu yidhi “Xulka gobolka Maroodijeex waxa lagu sameeyey cadaalad darro weyn oo aan aduunka lagu arag, taasoo nagaga timid xidhiidhkii, dadweynihii, ciyaaryahanadii iyo askartiiba naga yimid. Waxa aynnu la wada soconay intii uu yidhi badhasaabka Awdal intii aannay ciyaaruhu bilaabmin ma qaban karayo gobolka Awdale naga daaya, isaga oo garanayey in aannu gobolkiisu ammaan ahayn”.

“Ciyaartayadii ka hor ayaabay magaalada kusii jirtay in dadweynaha reer Awdal oo dhani noo dhaaranayaan annaga. Taasi waannu u dhabar adaygnay lkn markii ay sidaa ciyaartu u bilaabantay ayaa la nagu bilaabay handadaad iyo shiid, ciyaarta inteedii hore oodhan annaga ayaa ka gacan saraynay intii dambe ee rikoodhaha khaladka loo dhigayna waa raaligalin lagu sasabayo gobol khaakhuul ka taagan yahay” ayuu yidhi Tababare Diridhaba

Ciyaaryahan Guji ayaa isaguna sheegay in khaladka laga lahaa, kuna dhaartay in uu gacanta ku horeeyay calanwadaha oo ku dhuftay calankii uu hayey kabtanka xulka Maroodi jeex. Waxa uu xusay in ay u hogaansameen dhammaan shuruucdii wasaaraddu fartay oodhan ee anshax iyo asluubba lahaa, laakiin aannay wasaaradda iyo gobolka Awdalba tixgelin siinin.

Ugu dambayn Xildhibaan Cagayare oo halkaa ka hadlay ayaa isaguna sheegay in ay barabogaando ahayd in ay dagaalameen ciyaaryahanada xulka gobolka Maroodijeex laakiin iyaga lala dagaalamay. Waxa kale oo uu xildhibaanku sheegay in kubaddii la is lahaa qabyaaladdu ha ku baaba’do ay iyadii ku sii abuurmayso imika.

Ciyaaryahanada, tababaraha, isuduwaha iyo xildhibaankuba waxa ay cod dheer ku sheegeen in aannu xulka gobolka maroodijeex hadhin oo ay soo baxeen  kana safanayaan oo ay ciyaarayaan ciyaaraha garoonka Hargeysa Stadium ka bilaabmi doona.