Maamulka Haamaha Shidaalka oo masuuliyadda Qiimo-bararka Sicirka Shidaalka Dusha ka saaray Ganacsatada Tafaariiqleyda ah

Hargeysa (SLpost)- Maamulka Haamaha Keydka Shidaalka ee magaalada Berbera, ayaa ganacsada iska leh Kaalmaha Shidaalka lagu iibiyo ugu baaqay inay jabiyaan qiimaha Shidaalka oo sicirkiisu hoos uga dhacay caalamka iska markaana ay jabiyeen shirkadaha waaweyn ee dalka keena, waxaanay uga digtay iibinta Shidaal tayadiisu liidato oo dalka laga soo galiyo dhinaca maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

Maareeyaha Haamaha Keydka Shidaalka ee magaalada Berbera Saleebaan Siciid Cali oo maanta warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in sicirka shidaalka Caalamku hoos uga dhacay isla markaana ay shirkadaha dalka keenaa hoos-u-dhigeen Qiimihii shidaalka, balse mulkiilahayaasha Kaalmaha Shidaalku ay kali ku yihiin qiimo-bararka Shidaal ee dalka ka jira.

HALKAN KA DAAWO