Maamulka Haamaha Shidaalka Berbera oo ka hadlay Wax-qabadkooda iyo Qorshaha wax-qabad ee mustaqbal

Berbera, 10 January, 2012 (SLpost)- Maamulka haamaha Keydka shiidaalka ee Berbera ayaa ka warramay wax-qabadkiisa intii uu maamulka haamaha Keydka shiidalka hayay tan iyo wakhtigii ay kala Wareegeen shirkaddii TOTAL.

Shirkaddaas hore ee TOTAL oo ay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo bilowgii xukunkeeda kala wareegtay ruqsaddii Haamaha Shidaalka bishii May 22, 2011 wareegto madaxweyne oo ku suntanayd JSL/MXER/249-507/05/2011, waxay haamaha shidaalka magaalada Berbera maamulaysay muddo 13 sannadood ah.
Warbixinta ay maamulka haamuhu soo bandhigeen oo aheyd mid qoraala oo uu ku Saxeexanyay maareyaha haamaha keydka Shiidaalka Berbera Cismaan Cabdi Barkhadle (Dr shiine) ayaa waxa qoraalkaasi ku caddaa waxyaabaha ay muddadaa qabteen oo ay Ka mid ahaayeen dayactirka haamaha qaarkood oo aan shaqeyn jirin dhaawacyo iyo dayactir la,aan baahsan oo ku dhacday sidoo Kale waxa uu iyana xusay maareeyuhu in uu xalilay jaahwareer ka dhextaagnaa shaqaalaha dhexdiisa, maamulka iyo xuquuqdii Shaqaalaha oo ay bixiyeen mudadii ay maamulka haamaha hayeen. qalabeyn lagu sameeyay shaqaalaha oo aan haysan wakhtigii ay maamulka haamaha la wareegtay xukumadu kadibna loo dalbaday qalab dhamaystiran oo ay shaqaaluhu ku hawlgalaan.waxa Kaloo uu iyana sheegay maareeyuhu in ay bixiyeen deymihii lagu lahaa haamaha,
Waxa kaloo oo iyana ku xusan nuquladaa qoraalka ah ee uu ku saxeexanyay maareyaha haamaha keydka shiidalka berbera Dr Shiine qorshayaasha uqorsheysan sanadka cusub ee 2012.

Qoraalka maamulka Haamaha ee Wax-qabadkooda oo dhammaystiran ayaa u dhignaa sidan:

(A)Xaalada ay ku sugnayd haamaha keydka shiidaalku
(1)Mudo kusiman 3sanadood oo ka horeeyay 22kii bishii may 2011 waxba lagama qaban haamaha shiidaalka berbera(lama dayactirin)dhinaca qalabka ay shaqaaluhu ku shaqeeyan oo uyalayna may jirin gabi ahaanba.

(2) Waxa kaloo jaahwareer balaadhani oo Xoogani ka taagnaa dhonaac maamulka haamaha.

(3)waxa laga siibtay in la bixiyo xuquuqdii shaqaalaha iyo deymihii taagnaa  oo aad ubadnaa,

(B) Wax-qabadkii 2011
1-Waxa aanu soo kireysanay(Product surveyor)waxaana dib loo sugay wixii shiidaal ahaa ee uyaala shirkadaha shiidaalka keena
2-Waxa la bixiyay xuquuqdii shaqaalah iyo deymihii taagnaa
3-Waxa dayactir-weyn lagu sameeyay albaabka 1aad ee xerada haamaha oo markii hore aad ugu yaraa booyadaha iyo gaadiidka Waaweyn waxaanu ahaa albaabkaasi hal ferdad waxaana imika aanu ka dhignay laba ferdadood oo(In&out)ah waxa kaloo iyana Aanu samaynay Checkiing room isla albaabka agtiisa ah.
4-waxa dib loo kiciyay Riigii biyaha ee xerada haamuhu ku leeyihiin Airportka oo markii hore taagnaa wax shaqo ahna aan haynin Mudooyinkii udanbeeyay.
5-waxa dib loo hawlagaliyay Taagiga S5 oo fadhiyay mudo(13)sadex iyo toban sanadooda oo qaada shiidaal dhan(3780)M3 oo Shiidaal ah waana taagiga afraad ee taagiyada xeraada haamaha ugu ugu muga weyn.
6-Waxa la dalbay PPe(Personnel Protective Equipment)sida direyska shaqaalaha,kabaha,koofiyadaha,muraayadaha indhaha& Gacmo-gashada oo dhamaan shaqaalaha haamaha lagu qalabeeyay.
7-Waxa aanu dalbanay mitirada shiidaalka(Bulk Meters)oo markii aanu shaqada la wareegnay kuwii aanu ugu nimi cilado Ufadhiyeen.

QORSHAHA SANADKA 2012
1-Waxa qorsha noogu jirta in aanu dalabano Electric Generator 380KVA ah kadib markii ay daaleen Generator-adii hore ee aanu Haamaha ugu nimi  oo qaarkood ay shaqeynaayeen 13sanadood waxa dayactirana aanay helin 13kii sanadaood ee udanbeeyay
Waxaana si dagdag ah loo dalbaday Electric Generator 380KVA ah oo ku iman doona 7-10 toban cisho
2-Waxa qorsha ku jira in la dalbado qalabka adeega shiidaalka sida bamamka shiidaalka &gacmaha dhaaminta
3-waxa noo qorsheysan in dhamaan Taangiyada iyp mitirada shaqeeya dib loo cabiro(Calibration)
4-In la dayactiro dhamaan haamaha,bamamka shiidaalka, gacmaha dhaaminta shiidaalka,hanaanka dabdamiska,mitirada dhaaminta,dhamaan beebabka shiidaalka iyo kaagaga shiidaalka shuba.
Waxa kaloo qorshaha sanadka cusub noogu jira toobabaro aanu shaqaalaha utoobabarayno shaqada,dayactir aanu ku samayn doono dayrka haamaha ku soo wareegsan,Dhismaha Product laboratory .dhismaha masajid haamaha aanu ka dhex dhisno iyo dhismaha wadada xerada dhexdeeda iyo dabadeedaba.”

SLpost News Desk

yasiin_29@rocketmail.com