Maamulka Gobolka Saaxil oo ka Warramay qaabka ay uga hawlgalayaaan dareerinta Dadka Soo-galeetiga ah

Berbera (SLpost)- Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Saaxil Khadar Cali Cilmi, ayaa ka warramay xaaladda guud ee hadda Gobolku marayo iyo qaabka ay uga hawlgalayaan, isla markaana ay u fulinayaan baaqii Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland soo saartay dhawaan ee la xidhiidhay inay dalka ka baxaan dadka aan sharciga haysan ee Somaliland jooga.

Badhasaab ku-xigeenku Saaxil oo wareysi siiyay Weriye ka tirsan Shabakadda Somalilandpost iyo Wargeyska Ogaal oo Xafiiskiisa ku booqday waxa uu sheegay inay shir wada yeesheen dhammaan hay’adaha dawladda ee Gobolka Saaxil, isla markaana ay ka wadahadleen qaabkii loo saari lahaa dadka soo-galeetiga ah iyo qaabka gobol ahaan ay uga qaybqaadan lahaayeen caawimada dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu ku barakiciyeen Koonfurta Soomaaliya. Waxa kale, oo uu Guddoomiye ku-xigeenka ka hadlay shirka dhawaan la filayo inuu ka qabsoomo deegaanka Dubur oo ka tirsan Gobolka Saaxil ee Beesha Ciise Muuse shaacisay.

Wareysiga Guddoomiye ku-xigeenka oo dhinacyo badan taabanayaana waxa uu u dhacay sidan:

S: Guddoomiye, bal xaaladda guud ee gobolka  war bixin naga sii?

J: Gobolkan Saaxil waa gobol ballaadhan oo gobollada inta badan xuduud la leh markaa nabadgalyada guudna waa mid caadi ah oo wax dhib ahi ma jiraan hawluhuna si wanaagsan ayay u socdaan, waxaa jira shirkii hay’adaha dawladda oo aanu todobaadkiiba mar yeelano, kaasoo lagaga  warramo oo la iska xog waraysto hawlaha qaranka hay’ad waliba siday ay u qaabilsanatahay, anaga oo ka wada hadalna waxyaabaha ugu mihiimsan tirada hay’adaha ka soo qaybgalay oo gaadhayay dhawr iyo laabatan haya’dood oo dawladda oo ah Wasaaradeheeda  iyo kuwa madaxa-bannaan iyo ciidamada nabadgalyada haday tahay kuwa booliska iyo kuwa baddaba, waxaa ugu muhiimsanaa ee ajandahayagu ahaa sharciga guud ee ay soo saartay dawladdu ee ay noo soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha gudaha ee ah sidii waddanka looga saari lahaa dadka sharci-darrada ku jooga iyo si mar dambe aanay dalka dad sharci-darro ah aanay soo gelin. Waxa kale oo aannu ka hadlaynay sidii loo taakulayn lahaa oo looga qayb qaadan lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen ee Koonfurrta Soomaaliya. Waxa kale oo aannu ka hadlaynay  iyadoo sannad dugsiyeedkii furmayaan sidii ardayda iyo macalimiinta waxbarashadooda loo tayayn lahaa, maaddaama gobolku leeyahay Dekad iyo dawladda oo aad u taageeri jireen haddana la daboolo baahida waxbarasho ee gobolka oo Guddiyana waannu saarnay si ay hawlahaasi wax noogu qabsoomi lahaayeen.

S: Waxaad sheegatay  inaad ka tashanayseen sidii dadka Soo-galeetiga ah aad gobolka uga saari lahaydeen oo Wasaaradda Arrimaha Guduhu horeba ugu dhawaaqday, idinku ka gobol ahaan sideed doonaysaan inaad dadkaa dalka uga saartaan, gaar ahaan gobolka Saaxil?

J: Runtii waa arrin aad u ballaadhan, laakiin annaga waxa noo qorshaysan inaannu marka hore wacyi-gelin siinno dadkan bilaa sharciga ah oo intaa bishaa loo qabtay sidii ay uga bixi lahaayeen oo ciddii sharci lehna sharcigooda loo eegi lahaa, si aan wax dhib ah loogu geysan, isla markaa dadkaasi waa dadkii sharci-darrada ku joogay dalka marka laga reebo dadka barakacayaasha ah, annaguna ka bixitankooda haddaannu taageeri karno waa taageeraynaa oo markaa bishaasi dhammaatana waxaannu yeelaynaa wixii tallaabo ah ee uu sharcigu ka qabo.

S: Guddoomiye ku-xigeen, dadkani waa dad dalka ku yimi dhaqaaale la’aan oo suurtagal ay tahay inaanay haysan dhaqaale ay ku baxaan, markaa dadka sidaa u dhaqaalaha haysan idinku shirkiinna ma kaga wadahadasheen oo ma u diyaariseen wax dhaqaale ah?

J: Kollay waxa jirta xidhiidh intaa dhaafsan oo aannu ka sugayno Wasaaradda oo ah baahiyaha soo baxa iyo sida loo saarayo markaa ka dib ayaannu faahfaahin doonnaa.

S: Waxaad sheegtay inaad shirkiinna kaga hadasheen sidii loo taakulayn lahaa dadka ay abaaruhu aafeyeen ee Soomaliya qaabkeebaad uga wadahadasheen, ma lacag baa ururinaysaan ka gobol ahaan mise cid kale oo aad gacan ka sugaysaan ayaa jirta?

J: Taasi waxa weeye marka hore Diinteenna ayaa inna faraysa inaannu caawinno keenna taagta daran, markaas sidaa daraaddeed dadka jilicsani ma laha qabiil iyo qoomiyad oo cid kasta oo jaarkaaga ah illaa kuwa fog-fog la caawiyo. Markaa, hadday dawladdu soo jeedisay in la caawiyo dadkaas, annaguna waxaannu u gudbin doonnaa dadka Ganacsatada ah iyo Masaajiddada in Guddi loo qabto sidii dadkaa loo caawin laha, isla markaana waxaan ka reebbanayn horta dadkaa Koonfur waa la caawinayaa haddana gobolkan Saaxil waxa ka jira abaaro oo markaa iyagana wixii taakula ah ee la bixinayo waa lagu darayaa oo laga tagi maayo, taasaana noo qorshaysan.

S: Markaa ka gobol ahaan lacag intee le’eg ayaad iska ururiseen illaa hadda?

J: Hadda ayaannu bilaabaynaa oo wali waxba  iskamannaan ururin, markaa wixii immika ka dambeeya ayaa la bilaabayaa oo loo gudbinayaa Culamada iyo dadweyanaha. Markaa, waxay dadkan u caawinayaan sida ay iyagu isku caawin jireen.

S: Guddoomiye, waxa jirta beel ka mid ah beelaha Saaxil dega inay shir Ku qabanayaan goob ka mid ah gobolkan Saaxil ee aad xukuntaan, taasoo imika waxoogaa muran ka bilaamay oo ay ku kala jajabeen beeshii shirka qabanaysay idinku ka maamul ahaan maxaa idiinka qorshaysan shirka halkaa lagu qabanayo?

J: Marka hore waxa weeye shir lama diiddana, waxaanan filayaa cid shir iskugu timi inaanay wax xumaan ah soo saarayn, markaa nagu ka gobol ahaan waxaanu leenahay ha la shiro, laakiin shirku ha noqdo mid wax u taraya dadka, dawlada iyo gobol ahaanba oo aan qaab siyaasadeed looga faa’idaysan, waxa kale oo aan intaas ku darayaa reer Saaxil, magaalada cid gaari malaha waa gobol balaadhan oo bad, bari iyo buuraba intaba wuu leeyahay waxaan leeyahay waa in la iskaashado dadka jilicdasan la caawiyo sida aanu horeba u soo xusnay dadka kale ee ajinabiga ah ee gobolkeena jooga, maadaama laga yaabo in inta badan  baahi keentay in sida ugu haboon ee loo taageeri karo loo taageero oo aan naf iyo maalba wax loo gaysan oo dhibaatooyinkan wax cusub maaha oo meel kasta way ka dhacaan, waxa kale oo aan soo jeedin lahaa dadka ajinabiga wixii sharci haystaa waa inay haya’daha dawlada la soo xidhiidhaan waliba waxa aanu leenahay dadka barakacayaasha ee ka yimi dalka Soomaaliya iyaga laftooda waxaan leeyahay waa inaad guddi samaysataan, si aad noogala qaybqadataan dadka la saarayo oo aanay idin ku dhex milmin.

Somalilandpost.net

yaasiin_29@rocketmail.com

Berbera, Somaliland