Maamulka gobolka Hawd oo ka deyriyey xaalad abaareed oo gobolka ka taagan, baaqna u jeediyey Xukuumadda, Hay’adaha Waddaniga iyo kuwa Caalamiga ah

Hargeysa, 12 March, 2012 (SLpost)- Gudoomiyaha Gobolka Hawd Jamaal Xuseen Hure ayaa Maanta daboolka ka qaaday xaalad abaareed oo ka taagan deegaamada kala duwan ee gobolkaas isla markaana ugu baaqay Xukuumada,Hay’adaha Samo falka iyo Ganacsataduba sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen gurmad loo fidiyo dadka ku tabaaloobay abaartan.

Gudoomiyaha oo u Waramayay Warbaahinta ayaa ka xog waramay Xaalada Guud ee nabadgalyo iyo nololeed ee jiida gobolkaas, waxaanu sheegay in xaalada abaareed oo adagi ay la soo deristay dadka iyo duunyada.

Jamaal Xuseen Hure waxa uu u soo jeediyay Xukuumada, Hay’adaha Caalamiga iyo kuwa maxaliga ahiba sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen gurmadka abaarta.

Gudoomiyaha Gobolka Hawd mar uu ka hadlayay dhinaca wadada isku xidhi doonta magaalooyinka Baligubadle iyo Hargaysa waxa uu xusay in hawshaasi ay haatan bilow tahay isla markaana ay ku hawlan yihiin sidii loo samayn lahaa qaadhaan ay iska ururiyaan qaybaha bulshada iyo dawlada si ay u rumowdo riyada wadadaasi.

Gudoomiyuhu waxaa kale oo uu sheegay in dawlada Itoobiya oo xidhiidh qoto dheeri ka dhexeeyo Somaliland ay wada shaqayn ka leeyihiin dhinaca xuduudaha.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net