Maamulka Garoowe oo Sheegtay in Madaxweynaha Puntland Amray Sii Daynta Madaxda Komishanka Doorashooyinka ee Sanaag

 

 

Hargeysa(SLpost)- Maamulka Garoowe,  oo ka hadlay xadhiga ay u gaysteen xubno ka socday komishanka doorashada Somaliland oo degaannada Badhan iyo Dhahar ka fulin lahaa wacyigalinta diwaangalinta codbixiyaha Somaliland, ayaa ku dooday in xubnahaasi ku soo xadgudbeen dhul maamulkoodu ka taliyo. Waxay sheegeen in markii xubnahaasi ka soo baxayeen Ceerigaabo loo sii diyaariyay ciidamo qabta. Xubnahan ayaa shalay la sii daayey iyaga oo sheegay in taliyaha ciidamadii qabsaday uu bixiyey amarka sii dayntooda

 

 

“Sidaad la socotaan shalay galinkii dambe ayaa ciidamada Daraawiishta ee Puntland waxay hawlgal ka sameeyeen meel  40KM dhinaca bari ka xigta magaalada Ceerigaabo, halkaasna waxay ka soo qabteen dad rabay inay soo galaan degaanka Puntland, waxaana lagu soo xidhay saldhiga magaalada Badhan,” ayuu yidhi Maxamuud Ismaaciil Ciyoon oo maamulka Puntland ugu magacaaban Bariga Sanaag.

 

 

 

Ciyoon oo la waydiiyay sababta ay u xidheen hawl wadeennada Somaliland wuxuu ku dooday “Dadkaasi waxay wadeen qorsheyaal olole doorashooyin ama diwaangalineed oo ka yimid dhanka Somaliland, kaas oo aanay degaannada bariga Sanaag ee Puntland raali ka ahayn, markaa ciidamadu way la socdeen markay Ceerigaabo ka soo baxayeen, sidaas darteed ayaa hawlgalka loo sameeyay.”

 

 

 

Ugu dambeyn Ciyoon oo la waydiidayay sababta dadkaasi loo sii daayay wuxuu ku jawaabay “ Waxay ahaayeen lix shaqaale ah, laba darawal iyo laba gaadhi oo ay wateen, waxaa lagu sii daayay amarka madaxweynaha dawladda Puntland oo ah hogaamiye nabada iyo horumarka  ka shaqaynaya,”  ayuu yidhi isagoo intaasi raaciyay inaanay ogolayn hawlo doorasho oo Somaliland ka fuliso bariga Sanaag.

 

Source:VOA

 

 

 

Somalilandpost, 2015