Maamulihii Kastamka Berbera oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday iyo Madaxweynaha oo Tacsi u diraya

Hargeysa  (SLpost)- Alle ha u naxariistee waxa maanta shil-baabuur oo ka dhacay deeganka Jiifto ee Jidka u dhaxeeya Hargeysa iyo Berbera ku geeriyooday Agaasimihii Kastamka Berbera isla markaana ahaa isu-duwihii wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Saaxil Marxuum Cali Axmed Bul-bul, ka dib markii Gaadhigiisii oo uu isagu watay kula qalibmay jidkaasi.

Alle ha u naxariistee waxa ay maqaadiirtu asiibtay Marxuumka isaga oo maanta ka ambo-baxay magaaladda Hargeysa si uu u shaqo tago xafiiskiisa magaaladda Berbera oo uu shalay ka yimi si uu maalinta Jimcaha ah (maanta) ula joogo qoyskiisa. Isla maantaba waxa maydkiisa la keenay magaaladda Hargeysa oo berri lagu aasi doono. Ma jirto cid kale oo wax ku noqotay Shilkan waxaana la sheegay in Marxuum Cali Bul-bul oo kaliyi uu saarnaa baabuurkiisa oo ahaa Surf.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa  dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum- Cali Axmed Bul-bul oo ku geeriyooday Shil baabuur. Madaxweynuhu wuxuu ILAAHAY uga baryay marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, qoyskii qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo. Dhambaalka tacsi ah ee madaxweynuhu u diray qoyskii Marxuum- Cali Axmed Bul-bul wuxuu u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Guud ahaan Shacbiga Somaliland, Qoyska Reer Bulbul, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Maamulihii Kastamka Berbera, MARXUUM CALI AXMED BULBUL, oo ku geeriyooday (01.06.2012) Shil Baabuur oo ka dhacay Wadada u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera gaar ahaan Meel u dhaw Kantaroolka Berbera Abaaro 4:00 PM (Galabnimo).

Madaxweynuhu waxa ILLAAHAY uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo MARXUUM CALI AXMED BULBUL, waxa uu ka mid ahaa dadka fara ku tiriska ah ee dhinaca dhaqaalaha ku xeel dheer ee u dhashay Dalka Qiimo weyna ugu fadhiyey bulshada iyo Qaranka Somaliland, waxaanan illaahay ka baryayaa inuu dhamaanteenba Samir iyo iimaan inaga siiyo.

Marxuumka wuxuu ahaa masuuliyiinta ugu aaminsan saraakiisha wasaaradda maaliyadda waxaanu xilkan hayay labadii sanadood ee la soo dhaafay, waxaana xilkan u magacaabay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Md. Maxamed Xaashi Cilmi.

SLpost News/Hargeysa