Maamulihii Cashuuraha Berriga Gobolka Saaxil oo shalay Isu-dhiibay Ciidamada Ammaanka

Cabdixakiim (Cawaale)Berbera (SLpost)- Ciidamada Booliiska ayaa gacanta ku dhigay maamulihii Cashuuraha Berriga gobolka Saaxil Cabdixakiin Maxamed Guuleed (Cawaale) oo maalmihii u dambeeyey ciidamada boolisku baadi-doonkiisu ku jireen, ka dib markii Hanti-dhowraha Guud ee Qaranku Waaranka Soo qabashadiisa u gudbiyey Maxkamadda gobolka Saaxil.

Qabashada maamulaha Cashuurasha Berriga Berbera oo qayb ka ahayd waaran soo-qabasho ah oo loo jaray shakhsiyaad shakhsiyaad ka hawl-gali jiray Cashuuraha Berriga ee gobolka Saaxil oo loo haysto Falal Musuq-maasuq ah, ayaa ku soo beegmaysa laba bilood ka dib markii la xabsiga loo taxaabay sarkaal ka hawl-geli jiray Xafiiskaas oo  falal musuq-maasuq lagu helay.

Xadhiga maamulahii hore cashuuraha berriga Berbera oo maanta xabsiga Berbera loo gudbin doono, ayaa warar kala duwan sheegayaan inuu ku yimi markuu cagahiisa ku tegay saldhigga Berbera, isaga oo wakhtigaas ka yimi dhinac degmada Sheekh ee gobolka Saaxil.

Shan maalmood horteed ayey ahayd markii Maamule Cabdixakiim oo saxaafada gudaha qaarkood wareysi siiyey uu ku sheegay inaanu isu dhiibayn sharciga, isaga oo ku dooday inaanu wax kalsooni ah ku qabin.

SOMALILANDPOST.NET