Maamulaha Guud ee Dahabshiil oo Khudbad-aqooneed ka Jeediyey Jaamacadda Culuumta Dhaqaalaha Ee London (LSE)

London, 24 January,  2012 (SLpost) – Maamulaha Guud ee Shirkadda Dahabshiil Md. Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale, ayaa dhowaan khudbad-aqooneed taabanaysa fursadaha iyo maaraynta adeegyada dhaqaale ee dalalka soo koraya ka jeediyay jaamacadda culuumta dhaqaalaha ee LSE oo ku taalla magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Madasha uu maamuluhu khudbadda ka jeediyay oo lagaga doodayay mawduuc cinwaankiisu yahay “Gaadhsiinta iyo Socodsiinta Adeegyada Lacageed ee Meelaha Adag ee Dhibaatooyinku ka Jiraan,” waxa soo abaabulay Ururka Daraasaadka Dhaqaalaha Maalgelinta Yaryar ee dalka Ingiriiska oo ah urur madaxbannaan oo ka shaqeeya horumarinta sida ugu habboon ee hirgelinta maalgelinta yaryar ee mujtamacyada saboolka  ah ee adduunka, iyada oo sidoo kale qabanqaabada munaasabaddan lala kaashaday jaamacadda culuunta dhaqaalaha LSE iyo Machadka Daraaseynta Horumarinta Dhaqaale ee Jaamacadda LSE (DESTIN).

Khudbaddii uu halkaasi ka jeediyey Cabdirashiid Dahabshiil waxaa uu ka warramay isla markaas talooyin ka siiyay dadkii dhageysanayey in la aqoonsado horumarka muhiimka ah ee laga samaynayo sidii loo kordhin lahaa degganaansho dhaqaale dalalka soo koraya, isaga oo dhinaca kalena dooddiisa kaga hadlay isbarbardhigga heerarka degganaanshaha qaybo ballaadhan oo ka jira dhulka ay degaan dadka Soomaalida ah – Isaga oo tusaale u soo qaadanaya koboca ganacsiga iyo wershadaha iyo weliba horumarka dhinaca waxbarashada iyo fursadaha shaqo-abuurista.

Cabdirashiid waxa kale oo uu soo qaaday dhibaatooyinka la soo gudboonaan kara ururrada iyo shirkadaha ka shaqeeya gobolka iyo wixii ka baxsanba, isaga oo oo faahfaahiyey sida shirkadda Dahabshiil ay u awooddey inay u maarayso dhibaatooyinka caynkaas ah ee soo waajaha, ayna noqoto shirkad caalami ah, waxaanu yidhi: “Aamminka iyo niyad-samida mujtamacyada aanu u adeegno gudaha ayaa xuddun u ah guulaysiga shirkadda – hawlaha adeegayadeeda iyo daryeelka badbaadadeeda ka shirkad ahaan labadaba.”

Adeegyada shirkadda Dahabshiil waxa uu gaadhsiisan yahay degaannada ugu fogog ee Geeska Afrika iyo qaybo ka tirsan Bariga iyo Badhtamaha Afrika, waxanu yahay adeeg ay ku xidhan tahay nolosha dadka badankoodu. Degaannada qaar ay ka dhacday Intii ay cunno-yaraanta amma macaluushu jirteyna, shirkadda Dahabshiil waxay kala qayb gashay heyadaha kale ee waaweyn ee gargaarka, hirgelinta barnaamijka qaadhaanka lacagayow loogu beddelayo cunno gargaar ah dadkaasi, taas oo ay ku jirto lacago naqad ah oo loo xawilayo si ay ugaga soo iibsadaan raashin suuqayada gudaha. Dahabshiil imika waxay waddaa qorshe iyo hindisayaal ay la kaashanayso ururrada horumarinta sidii loo samayn lahaa barnaamij joogto ah oo dhaqaale oo lagu daboolayo baahida mujtamacyada qaar sida kuwasaboolka ah.

Cabdirashiid Dahabshiil waxa kale oo uu ka hadlay sida la isku waafajin karo adeegsiga tiknoolojiyadda casriga ah, haddii ay tahay dhinaca ganacsiga ama gargaarka bani’aadminnimo, iyo qaababka dhaqanka oo si habboon la isku waafajiyo, isaga oo tusaale u soo qaatay qaabka  shaqooyinka lacagta loo bixiyo oo loo adeegsado hababka isgaadhsiinta ee casriga ah iyo habka dhaqanka Soomaalida ee beelaha si loo helo macmiilkii saxda ahaa oo aanu qof kale u qaadan ama loo heli karo caddaynta ama aqoonsigiisa intaba.

Xidhitaankii khudbaddiisa, waxa uu Cabdirashid sii ifiyey ahmiyadda weli lacagta dibadda laga diro ay u leedahay dalalka soo koraya, sida dadka Soomalida ah iyo kaalinta muhiimka ah ee adeeggaasi uu ka qaadan karo kobcinta horumarka dhaqaale. Baanka adduunkuna waxa uu ku qiyaasay in sannad kasta lacagaha loo diro dhammaan dhulka ay degaan Somaalidu ay gaadhayaan illaa $1.6 bilyan oo doollar. Baadhitaan la sameeyeyna waxa uu muujinayaa in dakhligaasi sannad kasta, in ku dhawdhaw saddex-dalool meel ahaan, la geliyo qaybaha dhaqaalaha amma ganacsiga gaarka ah.

Ka sakow adeegyada noocaasi ah ee ay ku xidhan yihiin nolosha dadka, qoysaska iyo baayacmushatarku, Dahabshiil waxa kale oo uu u fuliyaa adeegyadani oo ku xidhan amma isticmaala oo la macaamila hayadaha caalamiga ah badankood ama 95% hey’adaha iyo ururrada caalamiga ah ee ka shaqeeya dhulka Somalida. Qaramada Midoobey waxay ku tilmaantay Dahabshiil inay tahay: “ Shirkadda keliya ee ugu aamminsan ee la isku hallayn karo, uguna adeeg fiican ee laga xawili karo hantida loo wado mashaariicda.”

Intaasi ka dib waxa isna munaasabaddaasi ka hadlay Tom Sanderson oo ah maamulaha guud ee hey’adda magaceeda la yidhaa Microfinance UK oo guddoominayey shirkii ururka Microfinance ee Ingiriiska ee maalgelinta, waxanu yidhi: “Barnaamijka Microfinance waxa uu haddaba gacan ka geysanayaa oo uu ka caawinayaa dadweyne ka tirsan Soomaalida ah sidii ay u qorshayn lahaayeen mustaqbalkooda, uguna adkaysan lahaayeen, iyo sidii ay uga soo kaban lahaayeen darxumadii ka soo gaadhay dagaallada iyo macaluusha. Khibradihii iyo waayo-aragnnimada laga helay shariikadaha ay Dahabshiil ka mid yihiin ee ay ka kasbadeen ka shaqaynta gobollada noocaas ah, waxay noqonaysaa mid muhim ah, haddii la rabo barnaamijyadani inay sii jiraan oo ballanqaadyadoodii hirgalaan.  Waxannu aqoonsannahay kaalinta mudan ee qurbajoogto ay ku leeyihiin koboca dhaqaalaha, iyo taakulaynta mujtamacyada jilicdasan. Cabdirashid Ducaalena muxaadaradiisii waxay ahayd mid xiiso leh, dadweynihii jaamicadda LSE ee dhageysanayeyna aad ayay u danaynayeen oo ula dhaceen, wax badanna ka korodhsadeen su’aalihii la soo jeediyey iyo jawaabihii laga bixiyey.”  sidaas waxaa yidhi Tom Sanderson.

Cabdirashiid waxa uu isna hadalkiisii ku soo gabagabeeyey: “Mujtamacyadu, si ay horumar u sameeyaan, waxay u baahan yihiin inay helaan nidaam iyo adeeg sugan oo la isku hallayn karo oo lacagayowgii ku gaadhi karaan, kuna heli karaan meel kasta oo ay ku nool yihiin. Waa in aan kor u qaadnaan wacyiga dadweynaha. Ka sakow barnaamjyada gargaarka, shirkadda Dahabshiil waxa kale oo ka go’an inay ka qayb gasho barnaamijyada iyo qorshayaasha dhaadheer ee ku saabsan sidii xal loogu heli lahaa wax ka qabashada saboolnnimada, waxayna shirkadda Dahabashiil si weyn u qaddarinaysaa una tixgelinaysaa wada tashiga iyo iskaashiga ururrada ay ka midka yihiin micrifinance ee dalka Ingiriiska sidii looga wada shaqayn lahaa gaadhista ujeeddooyinkan iyo bartilmaameedyadan la hiigsanayo.”

Ururka Microfinance waa urur madaxbannaan oo kulmiya in ka badan 360 urur oo kale oo xubno ka ah.

Jaamicadda dhaqaalaha iyo culuunta Siyaasadda ee London (LSE), waxay iyana ka mid tahay jaamicadaha ugu caansan uguna horreeya xagga culuunta bulshada ee adduunka, waxana la aasaasay boqol sanno ka hor …sannaddii 1895, waxayna sumcad weyn ku yeelatay daraasaadka akademigga ah. Machadka Daraasaadka Horumarinta (DESTIN) ee Jaamicaddaasina waxa la furay 1990-kii, waxanu ku takhasusay daraasaadka dhibaatooyinka saboolnnimada iyo dibudhaca horumarka mujtamacyada gudaha, habaka dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed ee dalalka iyo kuwa caalamiga ah intaba.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net