Maamulaha Guud ee Dahabshiil Group oo Sheegay inay Xoojinayaan Xidhiidhka ay la leeyihiin Baanka Dhexe ee Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Maamulaha guud ee Shirkadaha Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid, ayaa sheegay inay wada-shaqayn fiicani ka dhaxayso Baanka dhexe ee Somaliland, isla markaana ay sii xoojinayaan wada-shaqayntaas hore.

Cabdirashiid Dahabshiil waxa uu sidaa ku sheegay hadal uu ka jeediyey Munaasibad ay xilka kula wareegayeen Guddoomiyaha iyo Agaasimaha cusub ee Baanka dhexe ee Somaliland oo Khamiistii maanta lagu qabtay magaalada Hargeysa.

Hoos ka daawo Hadalka Maamulaha Guud ee Dahabshiil Group.