Maamul-goboleedka Puntland oo Mar kale Dalbaday in laga Qayb-galiyo Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamul-goboleedka Puntland

 

Garowe (SLpost)- Maamul-goboleedka Puntland, ayaa sharci-darro ku tilmaamay wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo aanay iyagu qayb-ka ahayn, waxaanay ku gooddiyeen inaanay maamul ahaan aqbalayn inay dowladda Soomaaliya gasho wada-hadalladaas haddii aan laga qayb-gelin Puntland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamul-goboleedka Puntland

Guddoomiyaha baarlamaanka Maamul-goboleedka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa sheegay inaanay aqbaleyn wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo aanay ku jirin Puntland, isla markaana ay sharci-darro tahay.

Guddoomiyaha oo ka hadlayey Shirweynaha wada-tashiga ee Maamul-goboleedkaas oo maanta ka furmay magaalada Garowe, waxa uu sheegay in loo baahan yahay in lagu dadaalo sidi shirka uga soo bixi lahaa go’aan ku taxaluqa mowqifka maamulkooda ee ku wejahan wada-hadallada Dowladda Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Somaliland.

“Waxaan rabaa inaan ku baraarujiyo Madaxda iyo shacabka reer Puntland inaan wax iska weydiinno Soomaaliyada cusub iyo reer Puntland meesha ay ka geli doonaan iyo kaalinta ay ku leeyihiin isbeddellada dalka ka socda iyo Soomaaliyada cusub iyo meesha aan u dhaqaaqeyno, sidaas ayuu yidhi Mr Cabdirashiid Jibriil.

Isagoo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhio, “Waxaa jira wada-hadallo dowladda federaalka Soomaaliya oo ay ku baaqday oo ay leedahay waxaan la galeynaa Somaliland. Wada-hadalladaas iyo ergooyinka ay dowladda federaalka samaysatayba waxaan u arkaa inaanay sax ahayn xaaraanna yihiin.”

“Halka lagu wado waxaa la rabaa in wadahadallaas loo dhigo in Koonfur iyo Waqooyi wax loo wada qaybsado, Puntland xaggey markaa ku dambaynaysaa,” sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntand bishii November ee sannadkii hore, kaddib markii xilka laga tuuray guddoomiyihii hore Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) oo ay dhanka siyaasadda isaga hor yimaaddeen Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland.

Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa dhalasho ahaan ka jeeda gobolka Badhan ee Somaliland.

Hadalka ka soo yeedhay maamul-goboleedka Puntland, ayaa noqonaysa markii labaad ee ay dalbadaan in laga qayb-geliyo wada-hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana hore arrintan loogaga hadlay war-murtiyeed ka soo baxay shir ay yeesheen Golaha wasiirrada maamul-goboleedkaas oo soo jeediyey in laga qayb-galiyo wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana arrintan dabada ka riixayey madaxweyne ku-xigeenka maamul-goboleedkaas Axmed Karaash oo isaga laftiisu dhalasho ahaan ka soo jeeda degmada Taleex ee gobolka Xaysimo ee Somaliland.

Somalilandpost.net
editor@somalilandpost.net