Maamul-goboleedka Puntland oo Ku Dooday in aan Shidaal laga Qodi Karin Deegaan ku Yaal Bariga Somaliland

 

SLpost-Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Puntland  Axmed karaash ayaa ka hadlay shidaal laga baadhayo deegaanka Xudun oo ka mid ah Somaliland islamarkaana hanjabaad hawada u soo mariyey Jamhuuriyadda Somaliland xili uu u waramayay TVga somali cable.

 

Karaash, ayaa ku dooday innaanay ogolayn in shidaal laga baadho deegaanka Xudun ee bariga Somaliland, halkaasi oo ay ka bilaabmatay sahamin shidaal oo la sheegay in shirkadda DNO halkaasi ka wado. Waxay shirkaddu heshiis kula jirtaa Somaliland.

 

“Meeshaa la leeyahay waxbaa laga baayacmushtaraynayaa waa gurigeygii, waa Xudun. Puntland aad bay uga soo horjeedaa arrinkaa oo ay xaasaasiyad uga qabtaa” ayaa hadalkiisa ka mid ahaa wasiirka ka tirsan maamulka Puntland

 

Halkan ka daawo dooda maamulka Puntland: