Maalqabeenkii Gaajaysnaa! – W/Q: Abdifatah Sh.Nuux Jamac (Suldaanka)

cabditafaax NuuxWaxaan ku suganayay maqaaxi ku taala badhtamaha suuqa wayn ee hargaysa , waana goob camiran oo hadh iyo habeen lagu xoonsan yahay, waa maqaaxi ka caana guud ahaanba gayiga Somaliland gaar ahaana caasimada hargaysa, nin kasta oo maqaaxi fadhiistaa si fiican ayuu ugaranayaa magaca maqaaxidaasi, inta sida gaarka ah u qaxwaysana macne gaara ayuu u sidaa magaca maqaaxidaasi, hadii aan magaca maqaaxidaa idiin sheegana shaki igagama jiro in in badan oo idinka mid ahi uu maankooda iyo maskaxdooda markiiba ku soo dhacayo shaah macaan oo caano geel ku cadaynsani, waa maqaaxida loo yaqaan GAAFUUN, haa haa hadaan gartay inaad ila socotaan, aan qadar daqiiqadaa ku nasano cabitaanka shaahaa macaan, durtaba waan arkaa inaad dhidideen oo xaraaradii ay idinka dagtay.aan idiinla dheelmado dhankaa iyo wixii galabtii aan maqaxidaa ku sugnaa aan la kulmay, waa maalina khamiisa oo sidii ii caadada iyo dhaqanka ahayd maalmaha khamiista iyo jimcayaasha ee aan shaqada iyo waxbarashadaba fasaxa ka ahay  waxaan dhaqan isaga lahaa inaan soo booqdo oo aan lug ku soo maro faras magaalaha magaalada hargaysa, aniga oo u arkayay todobaad aan fasax ahay oo aan nafta ugu bishaarayn jiray inay soo tax taxaashto magaalada, waa galab ka duwaynayd galbihii aan yaqaanay, guud ahaan suuqu waa camirnaa oo dadka ayaaba buux dhaafiyay wadooyinka, kaaga sii darane hoonka iyo dhawaaqa baabuurka ayaa sawaxankii dadkuna ku darsamay markaasuu agagaarkii camirmay oo dhawaaqa meeshaa ka baxaya aad dhagaha faraha galinaysaa, waxaan sidii ku sii socdaba oo aan qunyar socdo anigoo wadada , gawaadhida iyo dadka sanka isku wada haya kolba si taxadir leh u dhex maraya, ayaan gaadhay goobtii aan ku lahaa maqaxidaasi, waa miis dhanka bidix ka soo jeeda oo amarka ilaahay aan fadhigiisa ka heli jiray, tolow maxaan ku jeclaaday kursigaas? Malahayga nafta waxaan ugu sheekeeyay inuu ku soo jeedo meel wajahada oo wax kastoo agagaarka ka dhacaya aan isha la raaci karo, miiska kaliday ayaa fadhiya hadii laga tagi waayana miiska igu xiga waxaa camirtay oo qosol iyo damaashaad isla dhacaya dhalinyar aan u maleeyay sidayda oo kale inay fasax kaga jiraan shaqooyinkii iyo waxbarasahdii, qaar badani way isku jiiminayaan, qaarna muran ayay kix ka tahay, halka qaar kalana ay maadays iyo xaraabaysi ku jiraan, maqaaxida cidna isma oga, waa halkii odhaahdii soomaliyeed ee ahayd ( ISMA OGEE WAY ISUGU TIMID ) qofkastaa waayihiisa ayuu laabtiisa ku haystaa, in badan oo dulman ayaa fadhida meesha, in badan oo kale oo dharagtay ayaa fadhida, in badan oo gaajoonaysa ayaa iyaguna meesha fadhiya, in badan oo aduunyadu ka tan badatayna meesha waabay joogaan, oo waxaad ku garanaysaa caloolaha waa-wayn ee dibirsan  ee miiska soo dhaafay  iyo macawisaha iyo camaamadaha boqolaalka doolara ee ka muuqda dharkooda, sidoo kale in badan oo waayaha iyo wakhtigu dafiray  oo uu adhaxda iyo halbawlayaasha ka jabiyay ayaa meesha ku sugnaa, nin kastaa waayihiisa ayuu laabtiisa ku haystaa, in badan gooni gooni ayay isaga fadhiyaan, in badan oo kalena laba laba ayay u fadhiyaan oo sheekada gabtaa isku hayaan, halka in ka badan tobaneeyo kalena meelo halkana shirar koob kooban iyo falanqaynta arimaha siyaasada ku jiraan, waan indho indheeyay waxaanay xaqiiqsday kala duwanaanshaha ilaahay iyo abuurtiisa, waxaan arkaya in qosol gariiraysa oo farxadu wajigooda ka muuqato,waxaan arkaya in kale oo murugo iyo muraara dilaac wajigooda ka muuqdo, waxaan arkayaa in badan oo kale oo duruufaha dhaqan dhaqaale ee wadanka ka jiraa tagoogaha ka jabiyeen, halka aan arkayo in kale oo maal qabeeno ah oo u soo shaah doontay maqaaxidan shaaha macaan, indho indhayn badan ka bacdi ayaan ku war helay ninka I dul taagan ee miskiinkaa ee iga codsanaya inaan koob shaaha u shubo, nasiib daro jeebkayga kumay jirin aduun ka baxsan inta aan shaaha ku cabayaa, se anoo u muujinaya is dhul dhigid iyo ixtiraam ayaan ugu jawaabay inaanan haysan wax aduuna oo dhaafsiisan intaa aan shaaha ku cabay, isaguna isagoo ii ducaynaya ayuu iiga dhaqaaqay miis halkan ah oo dhankayga bidix ku beegnaa, ayuu mar labaad dul istaagay waxaana meesha fadhiyay nin ay hunkiisa iyo hugiisaba ka muuqatay dhalaal badani, wuxuu lahaa gadh wayn oo madow oo isku jooga, wuxuuna ku taagnaa macawus qaali ah , shaadh cad iyo go kaakiya oo shaala oo bar bar lahaa, malahayga gacantana wuxuu ku haystay tusbax madow oo aan is idhi wuu ku digriyayaa, wuxuuna ku war helay dhaqaawa miskiinka ka dalbanaya inuu shaah u shubo ama aduun wixii uu ku dhaamo siiyo, se nasiib daro iska daa inuu wax ka heloo wuxuu kala kulmay hiif iyo hiiritaan, waxaan sii maqlayay dhawaaqa ereyada nacabka ah ee ninkaasi maal qabeenka ahaa afkiisa ka soo baxayay, Waxay ahayd  shucuur xanuun badan, waxaanay ahayd  murogo aan wax loo dhigaa jirin, ninkii maal qabeenka ahaa wuxuu dalabkii ninkii miskiinka ahaa ku qaabilay  xaqiraad iyo in uu ku  sheego masuuliyad darro ay sameeyeen kuwii maqaaxida lahaa inay u ogolaadan miskiin meeshooda…isaga oo hor taagan miskiinkii  ayuu dalabkisii dhinbiisha ahaa  gaadhsiisay, markaasuu bilaabay in uu ku eedeeyo in uu yahay doqon, ku fashilmay noloshii iyo in uu qayrkii wax la qaybsado…  miskiinkii oo ka codsatay in uu koob shaaha uun ka bixiyo  waxa uu u sheegay in aanay suurtogalba ahayn  in uu koob shaaha  ka bixiyaa, waayo sida uu sheegay waxa uu ku idhi waxaad tahay nin khiyaali ku nool oo qof aanu garanayn wax waydiisanaya, wax yaabaha uu dadkii meesha fadhiyay maqashiinayay waxaa ka mid ahaa inuu ninkani yahay dawarsade xun oo dadka aanu garanayn kolba shaah waydiisanaya, hadalada uu ninka miskiinka ahi ku jawaabayay waxaan ka sii xasuustaa  oo uu  ku lahaa ninkii maal qabeenka ahaa  kuwa aan awoodin  in ay u adkaystaan dhibta  & rafaadka wadanka ka taagan oo noloshu ay ku qasabtay inuu hadba cidii uu arko inay jeeb dhaanto uu koobka shaahaa waydiisto ayaan ka mid ahay  maadaama oo aanan ehel, qaraabo iyo cid kale toona aanan magaalada ka garanayn.Hadallada xaqiraadda iyo ihaanada ah ee uu maal qabeenku  ku lahaa miskiinkaasi shaki igama uu saarnayn inay  hadaladaasi ay dhaawac weyn u gaysteen miskiinkii iyo sidoo kale guud ahaanba dadkii meesha fadhiyay oo ana aan ka mid ahaa, laakiin waxa aan doorbiday in aan aamuso, marar badan ayaan isku qanciyay kac oo miskiinkaa u hiili hadana calool adayg oo naftaada ka adkow ayaan isku qancinayay anigoo dajinaya xamaasada naftayda iyo qiirada I haysay,talaabo kasta oo aan qaado oo aan shucuurtayda ku dajinayay waxay ahayd mid igu adkaatay la tacaalideedu, waayo dadkaa kala dhiig kulul ana marnaba uma dul qaadan karayn tacadi lagula kacayo qof miskiina oo ilaahay inagu eegayo,  qof kasta oo caqli iyo damiir lihi wuu ogyahay durufuufaha dhaqan dhaqaale ee wadanka gudhiisa ka jira iyo xaalka ay ku sugan yihiin inta dan yarta iyo saaxibul ciyaalka ahi, waynu ognahay halka ay maanta maciishadu marayso iyo halka uu taagan yahay sixir bararka aan marnaba kala joogsiga lahayn ee malinba maalinta ka danbaysaa samada isku shareerayaa, waynu ognahay xaalada qariban ee ay ku sugan yihin danyarteenii, shaki inagama jiro in maanta xaafado dhan aan dabka loo shidin, halka xaafado kale ay samada joogaan oo intay dharag dhafeen cuntada banaanada ku soo daadiyaan,waa iska xaaladaha aduunka in la kala awood bato, ilaahayse wuxuu inagu eegayaa marna ma ogola in la isku tacadiyo oo la isku dul kaajo, inagoo wada ogsoon oo wada xasuusan duruufta aan ku jirno iyo weliba guud ahaan dalku duruufaha uu ku jiray, ayaynu hadana is diidsiinaynaa xaqiiqda oo kuweenii aduunka iyo maalka uu ilaahay siiyay ay maanta yihin kuwa ugu ayaanka daran,ugu dhibta badan, ugu tacadiga badan ,uguna nolosha adag, uguna gaajaysan, bal u fiirso imisa maal qabeen ayaad taqaanaa, shaki kaagama jiro in ninka aad maal qabeen u haysataa ee aduunka ilaahay ku manaystay uu yahay ka ugu bakhaylsan ee ugu gacanta adag, oo tolow miyuu awoodi kari waayay inuu koob shaaha oo shan boqol oo shilina u shubo miskiin gacantiisa hoos hoorsaday, oo miyuu ilaaway xadiiskii ahaa gacanta sare ayaa ka khayr badan gacanta hoose, mise tolow isaga laftiisa ayaa uba baahnaa in koobka shaahaa laga bixiyo, suáashaas iyo suáale kale ayaa maskaxdayda sida mawjadaha bada oo kale ka soo butaacayay oo madaxayga isu cidhiidhiyay,anoo muraaco dilaac iyo cadho jaha wareersan oo naxdintii aan naxay iyo tacadigii aan u dul qaadan kari waayay awgeed cagaha jiidaya sidii qof faalig ku dhuftay ayaan goobtii ka huleelay, waxaanan jeclahay inaan sheekadaydan ku soo gababeeyo ilaahay sharkiisa ha inaga kaafiyo MAALQABEENKII  GAAJAYSNAA  oo kani ka midka ahaa iyo maal qabeenada gaajoonaya oo dhanba.

Qalinkii: Abdifatah Sh.Nuux Jamac (Suldaanka)

Email: samriye99@hotmail.com

Mobile: 4474468

MBA Student in Jomo Kenyata University