Maalmihii Jabuuti iyo Maansada Masayr – W/T Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr
Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr
Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr

Tixdan Masayr waxa ay soo baxday 20/Disember/2012-ka oo aan ku sugnaa magaalada Jabuuti oo aan kaga qaybgalay afartan-guurada qoraalka farta Soomaaliga…. Waxa ay ka warramaysaa waayo iyo dhacdo martay shakhsi ummadda ka mid ah..

Waa kuwan meerisyadii maansada Masayr:

Mafsuuska gobeed kashkaa mahadshoo

Mudeeca haween naftaa muhatee

Markaan ku bartaan muquurtay dhiboo

Intaan haftay mawjad baan mur dhamoo

Milgii adigaa maamuuska nacoo

Walaac maskaxdayda mashquul ku ladhoo

Tabtii mudacaad garaadka muddoo

Kolkaad maqalkii madluufisay baan

Ka maarmay inaan miciin ku bidee

Majiire xunbaad masayr hirdidoo

Adoo minan qoys masuul dhan ahbaad

Muraad dhagareed u mayrac tagtoo

Mamnuuc Alle diiday baad miratee

Waxaad midig saari midhaheedee

Maalmaa hadhay milicsandoonneeyey

Qacdaan milyan jeer masaalix unkeed

Jawaabta mayaa dhab soo mutuxday

Qalbiga murugadu ku meersantayoo

Sidaan milil cudur la jiifay mudduu

Dharaar midabkaygi muuqu libdhoo

Samii an mudnaa imaad marinoo

Macaanki darraad marwaan ahaydii

Shirqool mug lehbaad ku hoos macmashoo

Lurtaan maray maanso tirin maysee

Majiire xunbaad masayr hirdidoo

Adoo minan qoys masuul dhan ahbaad

Muraad dhagareed u mayrac tagtoo

Mamnuuc Alle diiday baad miratee

Waxaad midig saari midhaheedee

Maalmaa hadhay milicsandoonneeyey

Anoo madi geel ku maala gu’yaad

Malkooyin naqloo man daawada’oo

Xilkii madaxeedna maanka gashoo

Riyaaq la mushaaxa baad mudh tidhoo

Illaa meherkii mashaakiil dhacaa

Dhammaan muruq jiidh hankii murdiyoo

Dartaa magac dumar mas buu igu yoo

Inaan martiyaan ka maagaayoo

Midhkaad ku kacdaa macquul ka fogbee

Majiire xunbaad masayr hirdidoo

Adoo minan qoys masuul dhan ahbaad

Muraad dhagareed u mayrac tagtoo

Mamnuuc Alle diiday baad miratee

Waxaad midig saari midhaheedee

Maalmaa hadhay milicsandoonneeyey

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

Hargeysa

saedmgahair@hotmail.com