Maalinta Wadajirka iyo Waxwada Qabsiga Somaliland Oo Shalay Dhir La Beeray Xarunta Agoomaha ee Hargeysana Buug Loogu Deeqay

 

Hargeysa(SLpost)-Waxa guud ahaan gobalada dalka mar labaad shalay laga beeray dhir tiro badan si loo nooleeyo maalinta loo asteeyay wadajirka iyo wax wada qabsiga Somaliland oo ku beegan 19 bil kasta.

waxa Hargeysa dhalinyaro is abaabushay ay dhir ku soo beereen xarunta darbijiifka Maxamed Mooge ee magaaladda Hargeysa, halkaas oo sida oo kalena ay gaadhsiiyeen buug loogu talo galay in ardaydaasi ay wax ku dhigtaan.

sida oo kale magaalooyinka Berbera,Burco,Boorama, Ceerigaabo iyo Laasacaanood ayaa iyagna si sidan la mid ah waxa dhalinyaro is abaabushay ay ku beereen tiro badan oo dhir noocyo kala duwan ah leh, si ay u nooleeyaan maalintan wada jirka iyo wax wada qabsiga Somaliland oo ku beegan 19 bil kasta.

11903591_865889200168484_1297103666_n 11900077_882998098414084_2210157928292399202_n 11221884_908307895923993_8958130809521866661_n 11057278_908307459257370_2273074139117178439_n 11217533_960731687317573_6906713924735334237_n 11855630_882997931747434_4573099370783049167_n 11912984_865889300168474_200733956_n 11890916_908307699257346_5235945050408258482_n 11905406_908307965923986_3428738558501298283_n
kooxahan dhalinyarada ah oo ka hadlay meelo kala duwan ayaa ka codsaday dhalinyarada Somaliland in ay kula soo biiraan maalinta loo asteeyay inay dadka reer Somaliland wax wada qabsadaan, maalintan ayaa loogu talo galay in lagu taageero deegaanka,dadka tabaalaysan isla markaasna dhalinyarada ay u noqoto xudun ay kaga baraarugaan wax u qabashada dadkooda iyo dalkooda.