Maalinta Kaluunka Somaliland oo Sanad Walba La Xusi Doono 7da Diisambar

 

Hargeysa(SLpost)-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ku baaqay in laga wada shaqeeyo sidii looga faa’iidaysan lahaa khayraadka kala duwan ee ku duugan badda, gaar ahaan kalluunka ka buuxa biyaha dalka.

Md. Saylici oo hadal ka jeediyey carwo lagu soo bandhigay noocyada kala duwan ee kalluunka ku jira badda Somaliland oo lagu qabtay magaalada Berbera shalay, waxa uu sheegay in bulshada Somaliland ka qatan yihiin kalluunka badda ka buuxa oo siyaabo kala duwan looga faa’iidaysan karo.

“Waa in aynu isu gayno muruqeenna, maskaxdeenna iyo maalkeennaba si aynnu uga faa’iidaysanno khayraadka ku jira badda, sidoo kalena uga faa’iidaysanno suuqa ummadaha kale ee bilaa badda ah iyo meelo kale oo caalamka ahba u dhoofinno.

Adduunyada kale waddanka leh 200km oo bad ah waa qani, laakiin innaga oo leh bad dhererkeedu yahay 800km ayeynu ka qatannahay maanta,” ayuu yidhi Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland.

Wasiirka Kalluumaysiga Md. Cali Jaamac Buureed oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in boqollaal nooc oo kalluunka ah ku jiro biyaha badda Somaliland, kuwaasoo loo dhoofin karo suuqyada caalamka.

“Noocyada kalluunka ku jira baddeenna sida uu sheegay khabiir ka socday hay’adda FAO waa ilaa kun iyo dhawr boqol oo nooc, waxana suuqa geli kara oo la dhoofin karaa 450 ilaa 650 nooc oo ka mid ah kalluunka ku jira baddeenna,” ayuu yidhi Wasiir Buureed.

Waxa uu intaa ku daray, “Suurtogal ma aha innagoo haysanna barwaaqadaas in aynu nahay baagamuudo oo sugno gacan shisheeye, waxaanan runtii ku dedaalaynaa in dadkeennu isku beddelaan bulsho kalluumaysato ah.”

Waxa kaloo Wasiirka Kalluumaysiga uu si rasmi ah ugu dhawaaqay in sannad kasta 7-da bisha December la xusi doono maalinta kalluunka Somaliland, “Inta aynnu xusayno maalmo dibadaha la innooga soo waariday, sida maalinta caafimaadka, maalinta biyaha iyo maalinta HIV/AIDS, laakiin maalinta kalluunka Somaliland ayaa sannad kasta la xusi doono 7 bisha December, taasoo la samayn doono inta aynu nool nahay oo dhan haddii Ilaahay yidhaa,” ayuu yidhi wasiirku.

Somalilandpost.net

Berbera-Somaliland