Maalinta Biyaha Adduunka oo Maanta laga Xusay Somaliland wakhti Biyo la’aan ka jirto meelo badan oo dalka ah + [SAWIRRO]

Hargeysa, 22 March, 2012 (SLpost)- Xuska maalinta biyaha adduunka oo sannad walba la xuso 22 bisha March, ayaa maanta si weyn looga xusay Somaliland, gaar ahaan caasimadda Hargeysa. haku dhaga sanadkan oo ah (ilaalinta biyaha cuntada ).

Xuskan oo qabanqaabisay Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha, laguna qabtay xarunta wasaaradda, waxa ka qaybgalay dhammaan hay’adaha caalamiga ah ee gacanta ka siiya arrimaha macdanta iyo biyaha, ururrada bulshada, masuuliyiin ka kala socda hay’adaha kala duwan ee dawladda.

Mareeyaha-ku-xigeenka Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Cali Ibraahin Cabdi oo munaasibadaas ka hadlay, ayaa sheegay in wakaaladda biyuh ku hawlan tahay sidii biyo ballaadhin loogu samayn lahaa caasimadda Hargeysa, isaga oo xusay inay dhawaan dayactir ku sameeyeen ceelal farabadan oo wax badan ka tari doona baahida biyaha loo qabo.

“Magaalada Hargeysa waxa ku nool hal milyan oo qof, kuwaas oo dhammaantood u baahan inay biyaha si fiican u helaan. Biyuhu imika kuma filna magaalada oo waxa caadi u caba inta dhexda ku jirta ee aan darafyada magaalada ahayn. Waxaana noo diyaar ah laba mashruuc oo aannu hirgelinayno, kuwaas oo aannu filayno inay wax badan ka tari doonaan biyo yaraanta ka jirta magaalada Hargeysa, sidoo kalena waxaannu samayn doonaa inaannu afarta koone ee magaalada ka hirgelino ceelal, iyagu ka qaybqaadan doona sidii magaalada biyo ku filan loogu heli lahaa,” ayuu yidhi Md. Cali Ibraahim.

Agaasimaha Guud ee Macdanta, Biyaha iyo Tamarta Mr. Siciid Axmed Jibriil, ayaa u mahadnaqay hay’adaha caalamiga ah oo uu tilmaamay inay wax kala qabtaan arrimaha biyaha iyo macdanta, waxaannu yidhi; “Marka hore waxaan u mahadcelinaynaa hay’adaha UNICEF, FAO iyo UNHABITAT oo wax badan nagala qabtay dhinaca biyaha.”

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay masuuliyiin ka socday hay’adaha FAO iyo UNICEf, kuwaas oo soo bandhigay hawlahay wasaaradda wax kala qabtaan, isla mafrkaana waxay sheegeen inay door laxaad leh ku leeyihiin mashruuca biyo ballaadhinta loogu samaynaayo caasimadda Hargeysa.
Hay’adda FAO waxa kale oo ay shahaadooyin guddoonsiisay qaar ka mid ah shaqaalihii kala qaybqaatay sahamintabiyaha ku hoos jiradhulka.

Sidoo kale ururka dhallinyarada ee SOCSA waxay halkaas ku soo bandhigeen riwaayad ka turjumaysa faa’iidada biyaha, waxaanay riyaawadaas oo ka qaybgalayaashu si weyn uga heleen gudbinaysay farriin ah in dadku ka faa’iidaysgaan biyaha dabiiciga ah.

Xuska munaasibadan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha, isla markaana ay fuliyeen ururka SOCSA, ayaa maalgelisay hay’adda caalamiga ah ee UNICEF.

Dhinaca kale, waxa munaasibaddo noocan oo kale ah lagu qabtay Magaalooyinka Bebera, Boorame iyo Burco.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net