MAALI: Howlgalkii Hudheelkii la Weeraray oo la soo Afjaray iyo Xaalad Deg-deg ah oo la Geliyay Dalka

 

 

Bamako(SLpost)-Ciidamada amniga dalka Maali iyo kuwo caawinayay ayaa soo afjaray howlgalkii weerarkii Radisson Blu Hotel oo ku yaalla magaalada Bamako ee xarunta dalka Maali, waxaana ku dhintay Sideed iyo labaatan qof oo ay ku jiraan qaar ka mid ah kooxihii weerarka qaaday.

Maanta oo Sabti ah ayaa waxaa Maali ka billowday saddex casho oo loogu baroor-diiqayo dadkii weerarkaas lagu dilay oo ay ku jiraan saddex qof oo u dhashay dalka Shiinaha, nin Mareykan ah iyo nin u dhashay dalka Belgium.

Weerarka oo ay mas’uuliyadiisa sheegatay kooxda Al-Murabitoun ee xidhiidhka la leh ururka shabakadda Al-Qaacida, ayaa kooxihii waxay muddo sagaal sacaadood ah ay gacanta ku hayeen hoteelka iyo dad ay ku afduubeen.

Xukuumadda Maali ayaa ku dhawaaqday toban casho oo xaalad deg-deg ah uu ku jiri doono dalkaas, taasoo ka billlaabanaysa maanta oo Sabti ah; taasoo ay ku sheegtay xukuumaddu in lagu sugayo amniga guud ee dalka.

Sidoo kale, saddex ka tirsan kooxihii weerarka qaaday ayaa la sheegay in la dilay, inkastoo aan la ogeyn in intii kale ay baxsadeen iyo in la dilay halka ay aadeen intii kale, waxaana tani ay kusoo beegmaysaa iyadoo toddobaad ka hor la weeraray Paris.

“Howlgalkii Hoteelka waa dhamaaday. Waxaa socda qorshe lagu adkeynayo Ammaanka,” ayay yidhaahdeen ilo wareedyo dhanka ammaanka ah. iyagoo xusay in la nadiifinayo gudaha iyo hareeraha hoteelka.

Madaxweynaha Maali, Ibrahim Boubacar Keita oo kasoo laabtay shir muhiim ah sabab la xidhiidha weerarka ayaa sheegay in ciidamada geesiyaasha ah ee Maali ay ku guuleysteen inay ka adkaadaan argagaxisada, isagoo sidoo kale u mahad-celiyay ciidamadii ajnabiga ahaa ee howlgalka ka qaybgalay.

Wasiirka gaashaandhigga dalka Faransiiska Jean-Yves Le Drian ayaa sheegay in Mokhtar Belmokhtar oo ah hoggaamiyaha jabhaddii Weerartay Radisson Blu hotel uu yahay ninkii loogu doonista badan yahay caalamka, kaasoo ka dambeeyay weerarro badan oo ka dhacay Galbeedka Afrika iyo Waqooyiga Afrika.

Dhanka kale, heesaaga u dhashay dalka Gini, Sekouba Bambino Diabate ayaa ka mid ahaa dadkii laga soo badbaadiyay hoteelka, isagoo markii uu dibadda u soo baxayna u sheegay Warbaahinta. “Gudaha hoteelka ayay rasaas badan ka ridayeen, waxayna u ridayeen dhinac walba.”