“Maalgashigii La Filaayey Iyo Barwaaqadii La Tilmaamayey, Waxay Keentay Bog-dooxii Somaliland” Xildhibaan Qabile

Hargeysa (SL.Post) Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa soo saaray War-murtiyeed qaylo dhaan ah, isagoo sheegay in Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud dawlaha Carabta la soo saxeexday heshiis uu ugu gacan-gelinaayo Garoonka Diyaaraddaha ee Berbera si ay saldhig Ciidan uga sameystaan, iyado ujeeda ka danbeysana uu ku micneeyey qorshe cunaqabateyn ah oo la saarayo Somaliland. Warkaa oo ay daabaceen Wargeysyada Sucuudiga Iyo Masar, waxa uu Xildhibaanku cadeeyey in qorshaha lagu minjo xaabinaayo Gooni isku taaga Somaliland ee Xasan sheikh Maxamuud iyo dawlaha carabtu wadaan uu la ogyahay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo oo qorshaha hadda isna u jooga Dawladda Imaaraadka Carabta. War-murtiyeedka Xildhibaanka oo dhinacyo badan uu qaylo dhaan ugu kala diray Beesha Caalamka iyo xisbiyadda ayaa u dhigan Sidan.

img_f884d8-8bf61d-136f5f-5abf7d-e345ac-3c3bee

“2012-kii waxa si sahal ah loo furay oo xeeladaysan looga gudbiyey labada gole ee Guurtida iyo wakiiladda, dabarkii iyo Xeerkii gooni isku taaga qaranimada Somaliland. Waxana markaa lagu khiyaameeyey Somaliland gooni isku taageeda meeshii la doonaba waa loo tagi karaa. Arrinkaa waxa lagu bannaysanaayey wadahadallada Somaliland iyo Soomaliya, laga soo bilaabo xilligaa socdaalkii ugu horreeyey ee Madaxweyne Siilaanyo ku tagay Chet House 1, Chet House 2, Istanbuul 1, Istanbuul 2, Ankara 1, Ankara 2. United Carab Imaarat, Jabuuti Iyo dib u celintii kale ee Inqilaabku ka dhacay ee Turkiga, ee Madaxweyne Siilaanyo degdega uga soo noqday. Tan Imaaraadka ee Maanta ma jirin arrin la horkeenay golaha sharci dejinta ee Wakiiladda oo ah gole xaq u leh sida uu tilmaamayo qodobka 53, waa Xil iyo waajibaadka ay iska leeyihiin golaha wakiiladdu heshiiskaas lama keenin. Heshiisyo kale oo caalami ah oo la galayna lama keenini, waa laga dhursugaayey natiijadda uu iskugu biyo shuban doono wadahadallada Somaliland iyo Somaliya.

Waxa ayaan darro weyn ah War Maanta kasoo baxay Jaaliyadda Somaliland ee Imaaraadka. Isla markaana ay qorayeen Wargeysyada kasoo kala baxa Sucuudiga iyo Masar. Wargeysyaddu waxay cadeeyeen Socdaalkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Imaaraadku ku wargeliyey lana Kulmiyey isagga iyo Taliyihii Ciidamadda mideynta Saldhigga Berbera, arrintaa oo isaguu iska difaacayo Safiir Baashe Cawil waa Beentii, oo Warkaasi waa xaqiiqo, waxaananu la xidhiidhnayn Jaaliyadda Imaaraadka ee Somaliland oo noo cadeeyey inuu Warkaasi jiro. Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu saxeexay in saldhiga Milatery laga siiyo Isbahaysiga Carabta Berbera, Madaxweyne Siilaanyo-na Isfahamkii ayaa laga saxeexay, Socdaal danbena waa la iskugu soo laabanayaa.

Taasi waxa uu Go’aankeeddu in la helo Ciidanii qaban lahaa Mideynta Soomaliya ee Carbeed in Saldhigiisu noqdo Magaaladda Berbera, laguna wareejiyo Haamaha Shidaalka, Garoonka Diyaaradaha iyo Dekedda oo ay Isticmaali karaan. Horta Maalgashigii Somaliland ee la filaayey iyo barwaaqadii la tilmaamayey, waxay keentay Bog-dooxii Somaliland, geedi-socoodkii Dimuquraadiyadda ee Somaliland.

Tusaale, ahaan dal marka uu Inqilaabka dhaco ee Xukun Miletery qabsado ayuu Madaxweynuhu isticmaali karaa wareegtooyin, waxayn ogsoonahay tiraba intii geedi socodka Somaliland la carqaladeyey, inta jeer ee Komishankii Qaranka lagu faro-geliyey hawshiisi, sida ku dhiirashadda leh ee la yidhi Beeshii Caalamka ee dimuquraadiyadda iyo ha’yaddaha qarankaba arrimaha dhinaca dhaqaalaha wax ka taraayey in Mar keliya uu yidhahdo Madaxweyne Siilaanyo baxa.

Maanta Kaadhadhkii Diiwaangelinta raggaa Urur-saday, marka loo eeggo mudada inoo hadhay waa 5-bilood ee lagu mudeeyey doorashadda madaxtooyadda iyo kala qaad dib loo dhiga jirin, oo markaa tii lacagta loo hayey Madaxweynuhu diiday ma mid aan loo hayninbuu intaa uu meel kasoo saaro geynayaa. Somaliland waxa lagu muslaxaayey intaa uu Siilaanyo ku simo doorasho xor ah. Arrinka Soomali-weynta ahi wuu soo shaac baxay waa dhagar culus, waxaan digniin u dirayaa umadda reer Somaliland ee ku kala nool daafaha aduunka iyo gobollada dalku inay difaacdaan qaranimadooda. Waxanan leeyahay ka gilgisha arrinta dhagarta ah ee Jamacatul Carab iyo Madaxweynahoodii u maleegayaan. Waxa albaabada la inooga soo xidhaayey, waxa la inoo go’doominaayey waxa laga faraxalanaayey qaranimadii Somaliland iyo Gooni isku taageenii. Umaddani dariiq adag ayey usoo martay qaranimadeeda.

Waxaynu og-soonahay wixii ka dhacay Xeebta Jasiira ee gawraca cad ee diir soocd ah loo geystay. Waxaynu oggayn raggii saraakiisha ahaa iyo ku xigeenadii dagaalkii 1977-kii dabadiisii sida badheedhka ah loo laayey, waxaynu ogsoonayn xasuuqii Malka Durduro, Berbera, Burco Ceerigaabo iyo Hargeysa, sidii Umadda loo laayey, sidii loo xasuuqay, sidii calooshooda u shaqeystayaasha loogu soo kireystay iyo wixii gaadhay. Nin-baa yidhi “ayaan badanaa dhulkaygu aqoondaranaa dhashiisu, Ilahay hadii wax siiyo iloowsha dhowaa dadkiisu”. Madaxweyne Siilaanyo oo surwaalkii halganka inoo gashadday, inuu Maanta dhabar jabkeena iyo dhagarteena ka taliyo in badan oo Somaliland ku nool ayaan aaminsanayn, caawa’se anigu waxaan xaqiiqsaday Inaynu Dalqo bahal ku jirno. Sidaas daraadeed Umadda Somaliland waxaan ugu baaqayaa inay isku taagto Feejignaan iyo difaaca qaranimadooda.

Waxa ayaan darro ah xisbiyadii qaranku, Faysal Cali Waraabe hore ayuu caddeystay inuu dhisaayo hoggaan wanaagsan oo ka dhasha Xamar oo tiisu waa caddaan, Cida uu kaaliye u ahaana Waa Siilaanyo, Cida kale eek u wehelisaana waa Saaxibkay Muuse Biixi, oo manta waftigaa waa kamid, waxa ayaan darro ah hoggaamiyaashii Xisbiyadda qaranku inay dhagarta intaa le’eg u qariyaan Shacabka Somaliland. Arrimaha khilaafka loo geliyey Xisbiga Ucid iyo cadaalad falkiisa waa Mabaa’dii laga dareemayo Musharrax Jamaal cali Xuseen iyo garabkiisa. Dalkani inuu si yar ku galbado raali kama nihin, intaa Somaliland jecelna sidaas si lamid ah ayaan ka rajeynaynaa, waxaanan leeyahay gacmo wadajir ayey waxku gooyaanee dalka hala badbaadiya.

Anigoo ah Xildhibaan Maxamed Faarax qabile, kana soo jeeda gobolka Saaxil Waxaan leeyahay Beesha Caalamka ee aanu Saaxibka nahay ee mudada dheer nala soo halgantay, wixii dalka la iidinka saareyey, wixii naloo go’doominaayey, wixii naloo carqaladeynaayey gunteedii Maanta waanu haynaa, waxaanu iidinka Codsanaynaa inaad gurmad degdeg ah oo lagu samata bixinaayo qaranimada Somaliland kusoo gaadhan iyo dadka aan waxba galabsan ee la majara habaabiyey. Waxaan baaq u dirayaa dhamaan Ururada Caalamiga ah iyo Un-ka ee u dhisan hanaanka dimuquraadiyadda iyo xuquuqal insaanka inay dadka masaakiinta ah ee indhaha loo saabiyey eeggaan, waxaan xisbiyadda dalka leeyahay Waar haloo cadeeyo Umadda mawqifka Siilaanyo waynu aragnaa, Cidda la saaxib ah ee dad horjoogta ee dad daba joogo, Waar dadkiina u warama. Hadii aanu Xisbiga soo socdaa dadka dhagarta uga digin isaga iyo kan maanta dalka khiyaameeyeyba waa isku mid. Somaliland Waxa Maanta ku dhacay aamuskeedan Afweyne marka umadda aamusto wuu shakiyi jiray, Xukuumaddu aamuska Umadda may garan, rikoodhkeedii bay maskaxda ku haysataa, waxbaa u biniixay. Waxa uu yidhi abwaan Qaasim maalintii federaalka lagu dhawaaqay “ Hanqal taaga Geediga dad-yari waa u hamuun qabay, balse heerka tiradoodu noqon la hubsan doonee, ilaa miirta ay iibsadaan ma hakan doonaan, Hoggaamadda usii da’aa Wadbaa soo hanuunsaday’e”.

Guntii iyo gaba-gabadii Waxaan Leeyahay shacabka Reer Somaliland, Maanta ama ta Siilaanyo ayey noqonaysaa ama waxay noqonaysaa Umadda masiirkeedii iyo tacabkeedii difaacataa oo garashadeeda isku daadihisa, oo ka gilgilata qaran jabka manta fooda inagu soo haya”.

Waa Bilaahi Tawfiiq

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile.

Hargeysa/Somaliland