Maalgashiga Heshiis dawladda Shiinuhu Fulinayso oo Somaliland iyo Itoobiya ku dhex Maray Dalka China

Beijing, (Ogaal)- Dawladaha Somaliland, Shiinaha iyo Itoobiya, ayaa markii u horreysay kala saxeexanaya heshiis ballaadhan oo saddex geesood ah, kaasoo dhigaya in dawladda Shiinuhu samayso Jidad loogu talagalayo Tareennada, Waddooyin Laami ah iyo Dhuumo Saliidda qaada oo isku xidhi doona Dekadda magaalada Berbera ee Somaliland iyo waddanka Itoobiya.

Waxa kale oo heshiiskaas qayb ka noqon doona in Gaas iyo Saliid aan bislayn oo dalka Itoobiya leeyahay laga dhoofiyo Dekedda Berbera, taasoo Shiinuhu maal-gelin ku samayn doono, isla markaana Dhuumo Itoobiya ka soo qaada Gaastaa oo gaadhsiiya Dekedda Berbera dawladda Shiinuhu samayn doonto. Sidaana waxa lagu sheegay War-Saxaafadeed xalay ka soo baxay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Qoraalka War-Saxaafadeedkaas oo dhammaystiranina waxa uu u dhignaa sidan: “Weftigii uu hoggaaminaayay Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo gudo-galay hawlihii ay u tageen Waddanka Shiinaha ayaa illaa immika waxa ay gaadheen guulo ballaadhan, guulahaas oo ay iyaga iyo dawladda Shiinuhu iyo weliba Ethiopia isku afgarteen iskaashi dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha iyo ganacsiga ah.

Waxyaalaha ugu waa weyn uguna muhiimsan ee heshiiskan ka mid ka ah ee  ku jira waxa ka mid ah in Gaasta  Ethiopia laga dhoofiyo Dekedda Berbera, isla markaana waddanka Shiinuhu gacan ka geysto sidii loo samayn lahaa Dhuumihii  qaadi lahaa Gaasta Ethiopia ee gaadhsiin lahaa Dekedda Berbera.

Waxa kale oo laysku afgartay in Dekedda Berbera  laga sameeyo xarun ballaadhan oo lagu kaydiyo laguna sifeeyo Saliidda Ceedhin iyo Gaasta labadaba.

Waxa kale oo heshiiska ku jira in waddanka Shiinuhu uu Somaliland ka aqbalay inuu wax kala qabto ama ka fuliyo ballaadhinta Dekedda Berbera oo mashruucaasi uu yahay mid Dekedda Berbera ka dhigaya mid u adeegi karta Geeska Afrikada Bari oo dhan.

Waxa kale oo heshiiska ku jira waddooyinka xadiidka ah ee tareennadu Maraan  iyo waddooyin caadi ah oo isku xidhaaya waddanka Ethiopia iyo Somaliland. Heshiisyadan oo la kala saxeexanayo maalmaha soo socda waxa lagu kala saxeexan doonaa xaflad ballaadhan oo saddex geesood ah oo ay u dhan yihiin Waddammada Ethiopia, China iyo Somaliland

Maalgashigan iyo mashaariicdan ayaa noqon doona horumar laxaad leh oo lagu tallaabsaday oo wax weyn ka beddeli doona dhaqaalaha waddanka iyo nolasha bulshada guud ahaanba marka ay hirgasho ee ay dalka soo gaadho.”

Hargeysa News Desk

somalilandpost08@gmail.com