“Maaha markii ugu horaysay ee Baashe xumaanta waa caadayste…” Cali Guray

 

Hargeysa(SLpost)-Guddoomiye ku xigeenka sadexaad ee xisbiga Ucid Cali Guray ayaa guddoomiye ku xigeenka golaha wakiilada Baashe ku eedeeyay in loo soo dhiibay inuu ku qabsado mikirifoonka Cirro isla markaasna uu yahay xumaan caadayste.

Waxa uu sidan u sheegay mar uu warbaahinta ka hadlaayay“Waxii shalay golaha ka dhacay eeda lama wada wadaagayn ee dhinacbaa iska lahaa eeda,waliba dhinacaa waa la soo diray oo waa la isticmaalayay, oo kuwo ka xishooday ayaa lacag isticmaalaya  oo odhanaaya xumaantaas samee adigu, maaha markii ugu horaysay ee Baashe xumaanta waa caadayste, xagee lagu arkay madal uu gudoomiyahii fadhiyo oo uu kuxigeenkii kala wafreego hogaamintii, guddoomiye Cirro wax uu shalay ka hadlay oo kaliyaata sharci, kan kale muu durin sharcigii oo qodobkii uu keenay ma odhan waa beentii, mid kalena ma keenin ee fariin uu siday oo ahayd ku qabso mikirifoonka ayuunbuu fuliyay.”