Ma waxbaa ka khaldan Cashuur kordhinta Xukumadu dhowaan saartay xoolaha iyo Gadiidka waawayn?

Cashuurtu waa asaaska dawladu wax ku maamusho, hourumarka dawlada hada jirta ku talaabsatayna waxa sal u ahaa cashuur kordhin iyo ururin uu hormuud ka ahaa wasiirka hore ee maaliyada  mudane Maxamed Xaashi Cilmi, waxaana la qabaa in weli cashuuro kale oo dihin la qaabayn karo sida uu qoraal ku soo bandhigay dhowaan.

Hadaba waxa isweydiin mudan maxaa ka khaldan cashuurta ay ku soo rogtay Xukumadu dhoofka xoolaha iyo gaadiidka waawyn, oo buuq badan ka dhaliyey saaxada siyaasada oo ay hor-kacayeen Axsabta Mucaradka, isbahaysiga wadatashiga iyo xildhibaano golaha wakiilada ka tirsan.

Saddexdan amuurood midkood baa u sabab ah:

In cashuurtu culays aaney qaadi Karin ku tahay danyarta xoola dhaqatada ah iyo gaadiidlayda sida awgeed baana loo diidan yahay.

Ta labaad oo ah in arrinka musuq maasuq loo aanaynayo oo la leeyahay lacagta halkan ka soo baxdaaba jeebabka madaxda xukumaday ku shubmaysaa. Sida waxaan ka soo xigtay Qormo uu wasiirkii Hore ee Warfaafinta Warbaahinta ku baahiyey oo ahayd “Qaar baa moodaya in wadooyin lagu dhisayo, kuwaas Makasta ahi miyaanay ogayn Hayaddii  Waddooyink “Somaliland Road Authority” in la tirtiray”

Ta sadexaad oo ah in mucaaridka iyo isbahaysigoodu ku jiqsii uga jeedaan, oo shacabkana saammo u jiidayaan.

Haddaba aan taxliilinee Sababtu ta koowaadba ma noqon karto oo Neefka Ahminka ah waxa xoola dhaqatada laga siistaa  Saylada ($100) Boqol dollar , cashuurta neefka xoolaha la saaray isaga ma khusayso ee Ganacsadaha dhoofinaya xoolaha ayaa laga qaadaya, sida awgeedna culays kuma ah cashuurtaasi xoola-dhaqatada iyo danyarta toona.

Geesta kalena Gaadiidlayda haddii wadada loo hagaajinayo inay ka qayb qaataan waa u dan

Gunaanadkii xeerkii waddooyinka waa la ansixiyey,Canshuurtii ku qeexnaydna waa la ururinayaa ee laba meelood oo kala ah dhismaha waddooyinka oo ay ugu mudan tahay wadada Burco-Ceerigabo oo Madexwaynuhu dhowaan dhagax dhigay iyo jeebabka wasiirada midkay ku danbayso aan eegno.

Cali Ducaaale Faarax

Hargeisa

Somaliland