MA WAX TARBAA MISE WAA WAXYEELO Qalinkii Liibaan Xaaji Fagadhe Qormadii 5aad

Waa hogol-tusaaleyn ,uhiilisa dadka loo awood sheegto,waa hub aan ka horgeynaayo  qofkastoo ku howlan heyb kalsooc,waa holac lagu gubaayo dulmiga,waa mid hareer taagan halyeyga ,waa mid u hadleysa  hooyadii hanadkeeda weydey ,waa mid hal u odhaneysa umadan la heerey ,waa mid halgamayaasha ubadkii ay dhaleen hanti aan ugu deeq.

 

Qormadii 5aad

          

 

         Qiyaashow libaax baa dhurwaa, qaybi yidhi soore

·         Wuxuu yidhi hilbaha jeex bal qabo, qoon dhan baan nahaye

·         Markaasuu qabbabaalihii, qoonsadoo dilaye

 

·         Dharbaaxuu il kaga qaadayoo, hoor ka soo qubaye

·         Afqashuushle goortuu dhintuu, sii qataabsadaye

·         Qambaruursi iyo oohin buu, qoon dunuunucaye

 

·         Dawacuu kolkaa soo qabsaday, sida qisaaseede

·         Iyadoo qadhqadhi buu ilkaha, qoorqabkii xoqaye

·         Wuxuu yidhi qanjaafula xumeey, tali qaddaarkaaga

 

·         Adeer gacalle qaar iyo dalool, qaaxo iyo feedho

·         Qummud iyo baruuriyo legiyo, qawdhihii kuruska

·         Kuu wada qorsheeyeye Islow, neefka wada qaado

 

·         Markaasuu wixii qaday qabsaday, qoobab kadafleeye

·         Wax la yidhi qabiil ma leh dayooy, qayliyaha aare

·         Innagoo quruun dhanna maxaa, qado inoo diiday?

                 ( Waa murtidii xuseen )

 

 

Mas uul sameeya cadaalad ama  inuu shaqaalaha uu maamulo si  xataa ugu dhow ugu dadaalo  inuu ku maamulo waa nin garanaaya xalaasha, xaraanta, diinta islaamka, waajibaadka iyo waxa loo igmadey bal wasaaradii warfaafinta waxa ku habsadey wax aan la filayn oo xataa ah wax laga xishoodo  ooh in qolooyinkan uu madaxweynuhu usoo diro wasaarada ay yihiin jiri,dhuqurjaa ama dhaqankoodii hore ahaa niman aan uba tirsaneyn dadkooda iyo goobta ay joogaan ,imikana waa ba masuuliyiin.

 

Yaynaan sii fogaane aynu usoo noqono taxanehiinii iyo musuq maasuqa hadheeyey wasaaradii warfaafinta iyo wacyigalinta oon odhanlahaa madaxweynaha hadii aad madaxweyne dooneyso meel aad dad gaara ku xanaaneyso wasaarad cusub oo aad miisaaniyadna usameyso si ay wasaaradaa kale unabadgalaan samee taasi oo dastuurkana lagu daro in madaxweyney kastoo yimaadaa reerkiisa iyo inta ay ku shaqeysataan lagu guneeyo oo layidhaa (Wasaarada xanaaneynta iyo xigaalka madaxweynaa) .

 

Agaasimaha guud iyo Agaasimaha farsamada ee wasaarada warfafinta ayaa waxa ay ku talaab sadeen wax yaabo baabin kara shaqadii wasaaradaa ka socotey iyagoo isticmaalay in ay isku diraan dadka ka shaqeeya wasaaradaa ee walaalaha ah kaas oo ay isku dhufanayeaan modooyinka u danbeeyey iyagoo soo galiyey qabyaalad aad u xun oo aan loo dul qaadan karin taasoo shaqadii wasaarada ka dhigtey mid la kala baqo sidii siyaad bare ay dadkiisii ay u talin jireen markii uu dalka haystey waxaana ku cad in uu agaasimaha farsamada uu ku talaabsadey wax yaabo aad u xun taasoo uu la og yahay agaasimag guud iyo Maareeyaha SLNTV oo isna meesh uu yahay Magaca ciyaal meeshana ay ku dul maamulaaan Agaasimaha guud iyo Agaasimaha farsamada ,halka ay radio hargeysana ay iyagu maamulaan oo isna haysa siciid aadan cige oo shaqalaha radio hargeysa cunaha qabtey shaqalaha isagoo idaacadii weynad ay u faraysanayso Rikoodh digital ah kuwii laga siin dan jirey barnaamijyada iyadoo uu cunay  lacagtii la soo siin lahaa agaasimaha guud agaasimaha farsamada iyagoo ay ku jiraan xaalad ah waadanku waa barwaaqo ay ku odhonayaan markay isyidhaahdaan shaqaaluhu la kulma ama u sheega waxa loo bahanyey  Agaasimaa idaacadu isagu kama hadlikaro waayo waxa uu kaba baqanayaa inamadan qaarba noocyihiin ee xanaanada ujooga ama guneynta.

 

Waxa kale oo  jirta in uu Agaasimaha guud wado qorshe uu doonayo inuu ku guulaysto taasoo ah inuu maareeyaha inta  uu maqan yahay uu amaro adag ka soo saray shaqalaha ka shaqeeya tvga qaranka s/land isagoo warqado ku dhejiyey albaabada uu leeyahay laguma qayili karo sigaarna laguma cabi karo balse ay qaad iyo sigaar ay ku cabaan qaar u adeega agaasimaha guud iyo agaasimaha farsadma oo ay isku dhow yihiin isagoo albaabo badan oo shaqaluhu ku shaqeyn jirey uu u dhiibay inamo ay ilmaadeer yihiin Agaasimaha farsamada oo iyaguna saacad walba ku qayila oo dhex fadhiya , bal hadaba miyaaney shaqaalahini isku xuquuq ahayn waa  yaab inagu cusub.

 

Waa dameer iyo labadiisii daane Maareeyaha SLNTV waxa uu soorogay lacag dhan  150$(boqol iyo konton dollar) oo aanay baarlamaankuna ansaxin khasnad dawladeedna ku dhicin una xisaab sanayn dawlada oo uu khasab kaga dhigay inay wariyeyaahsu soo ururiyaan oo ay kasoo qaadaan . ma danyartaa la dhacayaa mise wariyayaashu way baadhasho tagayaan oo ganacsatada ayey dhacayaan qofkastaa jawaabteeda isagaa heysta taa macno iigama baahnidin si kastaba ha ahaatee waxaa la hirgaliyey 150$ (boqol iyo kontankaa dollar) waxaanay jeebadiisa ku dhacaan maareeyaha .  

 

 Musuq maasuqan uu bilaabey miyaanu aheyn kii uu shaley nin aan waxba geysan ku wanjalaayey ee uu madaxtooyada ka dhex ooyey waxa la cunaa miisaaniyadii ka dibna odhadka loo soo direy wasaarada oo aan cid is hiifta wax qabyaalad ku dhaqma ama is xulufeysi ka jirin  isagu miyaanu ka sii darneyn markuu yidhi dadkii shacbiga ahaa ee tvgu inuu u adeego loogu talo galey inuu yidhaa halaga soo qaado 150$ . Hadaba waxa is weydiinle yaa waxan wada ,cidkale ma wado sida xaqiiqda ah hadaad rabtaan waxa wadaa waa shaqsiyaad ku abtirsada madaxweynaha iyo maareeyaha waxaana kamida dumar la sheegey inuu qaar uwada dhaqmaan hab dhaqankii gaalada ama reer yurub oo uu la saaxiib yahey ama ah waxa afka qalaad looyaqaan (girlfriend) Allaanu ka magan galney taas iyo wixii fusuq ah makaas ayaa masuuliyad lagu aaminey waa mucjisooyin inagu cusub aynu duceysano.

 

Agaasimihii hore ee maamulka iyo xisaa baadka ma waxa loo ceebeynaayey isagoon waxba lagu heyn in lagu dadaalo sidii meesha looga saari lahaa oo loo sameyn lahaa wax kastoo usuuro galinayaaya in laga saaro balse waxa uu yahey xasan  nin ka kaliya ee maamulka wasaarada kamid ahaa ee ka soo jeeda gobolka Awdal oo xataa aheyd in laga xishoodo waayo Somaliland Xul kuma dhisna ilaa hada ee Xal ayey ku dhisantey  taasina waxay aminaysaa waa Xulkee marka ay timaado inuu ninkastaa aqoon ku yimaado waana marka aan wasaaradan la arkeyn khaddar cali gaas,Axmed saleebaan weyne iyo C/rashiid jibriil iyo maangaabyada bilaa cilmiga iyo aqoonla aanta meesha ku jooga maga caabi maayo laakiin shaqaale tvga ku cusub oo mudo yar xataa saxaafada joogey ayaa la yaab dhalisey inay xafiisyada maamulku markey maqanyiin iyagu fadhiya oo farta ugu yeedhaayey ragii ay udaba fadhiisanlahaayeen aqoon iyo waayo aragnimaba taasna ay keento aqoon la aanta saxaafadu la bilatey intii xukuumada siilaanyo iyo siyaasan xun (ABAAH QASKA) ahi ay socotey oo ku cusub wasaarada warfaafinta.

 

Nin is faanshey waa Ri isnuugtey ilaa hada anuu xataa ninkii hal kalmad ii faa ideeyey waxaan u ahayaa qadarin iyo xushmad ma soo koobikaro laakiin ninkastaa halkaasi ayaan uga mahadnaqaa waxaanan u ogsooney in ay yihiin ma calimiinteydii waxaanan urajeynayaa dhibta ku habsatey inuu alle ka saaro uguna badalo badal kheyr qaba.

 

Shaqaalaha Tvga Qaranku waxay musha harka qaadan jireen 5 bisha ilaa maalintii uu khadal gaas looga dhigey maareeyaa tvga qaranka wuxuu gaadhsiiyaa 18 bisha si uu bilo uga dhexsaaro oo uu hadhow iyagoo aan qaadan 4 bilood loogaadho miisaaniyadii kale maxaa se sababay? Waxa sababay waxa uu si dadban booskii Agaasimihii maamulka iyo xisaabaadka ee hore Xasan yare booskiisii oo uu khaddar xasan cali gaas u maga caabay wiil ay ilmaadeer yihiin si ay wadanka u dhacaan waxaana laga yaabaa dhawaan inay dhacdo gadood iyo shaqajoojin

Duqii noo qab weynaa wakaa, qooqa loo dilaye

·         Qaddaarkii Illaah iyo Rabbaan, quud ka sugayaaye

·         Qudhaydaan u yaabaye miyaan, idin qasaarteeyey

·         War ma anoon qudraba haynin baa, qamash ka soo waaqsan?

 

·         Anna qayb libaax weeye taad, igu qasbaysaane

·         Dadka igu qoslaayiyo kobtaan, ka qalbi diidaayo

·         Qadayeey adduunyo uma socon, waad i qaharteene

·         Qadankii dariiqiyo haddaan, qaniimadii waayey

·         Labadii qofee nagaga hadhay, qaafadii dumarka

·         Tii quruxda roonayd hadday Cali, la qooqayso

·         Qudhoo kaliya baa nagu hadhoo, qalabku noo yiile

·         Tana qaata Naadaba ragbay, qaac u shidataaye

 

Liibaan

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

LASOCO…………….