‘Ma Waallee, Wuu Miyir-qabaa!’ – W/Q: Cabdifataax Sh. Nuux

Waa habeen madaw oo haybadiisa wata, waana Goor fiid cawl ah. Dadka intii caafimaad qabtaa waa u cawaysin wanaagsan, intii ballan iyo hawl lehna waa wakhti ay firaaqo u haystaan soona rawaxeen, intii cibaadada ku fiicnaydna ay salaaddii maqrib iyo waajibkii saarnaa soo guteen, in badan oo ka mid ahina oo aan tukana ay camireen maqaaxiyaha suuqyada badhtankooda. Waa habeen aan is idhi dadku suuqa may ku soo qamaameen oo dad aanan waligay arki jirin ayaan habeenkaa arkayay, maqaaxidaad joogso Is tidhaahdaaba way camirantahay oo saacad ayaad sugaysaa kursi laga kacay hadii aad inuun nasiib leedahay. Waxaan fadhiyay maqaaxi ka mid ah kuwa ugu suuqa badan badhtama Hargeysa oo wakhti kasta camiran oo dadka buux dhaafiyeen, mararka qaarkood ayaad arkaysaa dadkii oo ku fadhiya miisaskii shaaha la dul dhiganayay oo ay Is haystaan wiilka meesha ka shaqaynayay. Markaan waxooga taagnaa, waxa nasiibku ii samaxay in wiil I garanayay uu kursiga ii baneeyay oo aan fadhiistay, isla waxoogaa markii aan fadhiyay ayaa waxaa goobta iigu yimi dhalinyaro badan oo aanu isku ayni nahay oo aanu ku ballansanayn, waxaanu galnay doodo dhaadheer oo aanu ku gorfaynayay tagtadii, ku falanqaynayay joogtada, kuna saadaalinayno timaatada. Mararka qaarkood dhawaaqayaga ayaa waxaa ku soo jeedsanayay dadka goobta nala fadhiya. Is qancin, isu tanaasul, is dhagaysi, isu garaabid iyo is-hogo tusaalayn ayay dooddu nala martay. Anagoo  isku maqan ayaanu ku war helay ninka dharka duugaa xidhan ee daasadaha iyo qalabka gudaafadaha xanbaarsan ee raamaha leh ee waxoogaa siifad ahi ka soo urayso, muu hadlin, manuu guuxin, manuu qaylin, manuu dhex galin hadalayadayadii ee waxooga ayuu sidii qof wax ka fekeraya na dul taagnaa, hoosta ayay dhalinyardii ka karahsanyihin oo waxay dareemeen culays, waxaanay si Xanshashaq ah oo hoose iskugu leeyihiin inoo wada sheekada waa nin waalane ?

Intaan kacay ayaan ku idhi soo fadhiiso oo nala wadaad sheekada iyo doodda, balse ayaan-darradu waxay ahayd markii ay ka sii wada jeesteen dhalinyaradii iyagoo karahsan ninkan sidan u eg. Waxaanan isku dayay inaan agtiisa fadhiisto si aan waxoogaa ula wadaago waayaha iyo wakhtiga uu ku gadaaman yahay. Waa qof aad arkayso inuu shoog haysto, mararka qaarkoodna ah maqane jooga, intuu mar kaliya hadalka ii bilaabay ayuu iwaydiiyay hal su’aal oo aan u waayay jawaab u qalanta; wuxuu si deggan oo ay ka muuqato xikmadi iigu yidhi su’aashan oo ahayd (Ma Leedahay Distoor Aad Naftaada Ku Xukunto?) Fajac, amakaag, af-kala qaad, u qaadan-waa iyo mahadho adduun ayay igu noqotay. Waxay igu qaadatay qaddar daqiiqado ah inaan isku dayo inaan su’aashaa ka jawaabo, maskaxdayda waxaa ku soo dhacaya mawjado sida badda is-hirdiyaya oo jawaabo ah, oo hadana marka aan is idhaa ku dhawaaq aan ka masuugayo anoo is leh ‘armaad khaladaa jawaabta.’ Aamsunaan yar oo kooban ka bacdi, ayuu igu idhi, ‘Ma Lihid Miyaa Distoor?’ Aniga oo ku farxay hadalkaa afkiisa ka soo baxay ayaan si deg-deg ah ugu jawaabay kuna dhawaaqay inaanan lahayn Distoor. Intuu si qurux badan dhulka u dhigtay alaabtii uu xanbaarsanaa ee xashiishka iyo gudaafada u badnaa, ayuu si waafiya jawaabtii iigu bilaabay wuxuuna igu yidhi, anigu waxaan leeyahay distoor aan ku dhaqmo, ma jabiyo oo waan ilaaliyaa, waan dhawraa, waan ixtiraamaa,waanan ilaaliyaa, wuxuuna si waafiya ugu sii daray disoorkayga waxaa ka mid ah inaanan iska tagin aroos aan la iga soo dalban, inaanan iska raacin oo aanan sii dhawayn gabadh aanu meher iigu xidhnayn, inaanan maalin kasta qof iska shaxaadin ee aniga la I shaxaado, inaanan sumcad-darro la igu caayin, laakin waalli hadii ay doonan ha Igu caayaan, inaanan wax xadin oo aanan tuug noqon oo aan la igu sheekaysan, inaan suuqyada iyo faras-magaalaha hore uga hoydo oo aanan ku habsamin sida Eyda oo kale, inaan ixtiraamo dadka waawayn oo aanan ka nixin, waayo qof waalan ayay ii haystaan, inaan isku dayo inaan riyaha iyo Eyda kala badbaadiyo habeenkii saqda dhexe, inaanan ku gamcin oo aanan seexan goobta aan doono laakin aan samaysto goob aan seexdo oo aniga ii gaara, iyo waxyaabo badan oo aanan halkan ku soo koobi karayn. Mar waan u qaadan waayay, marna waan u qushuucay, marna way iga degi wayday, kumaan fekerin in qof sidan ah uu ku jiro cilmi caynkan oo kale ahi, ma soo dhigan oo maan samaysan distoor aan naftayda ku xukumo, laakin kan waalida lagu sheegaya wuxuu leeyahay distoor. Intaan sara kacay ayaan is idhi madaxa ma ka dhunkataa, se isaga ayaan igu simin oo intuu si dagdaga u kacay ayuu iga  dhaqaaqay, wuxuuna igu  soo tuuray hal kalmad oo sida waranka laabtayda toos u abaartay iguna noqotay bar aan iga go’in oo aan xasuusan doono saacad kasta oo noloshayda soo marta, wuxuu igu yidhi, Wiil Yar ayaad Tahaye Distoor Samayso,” anigoon u jawabin ayuu goobtii ka jarmaaday. Habeenkaasi wuxuu iigu dhamaaday qiiro, wuxuu ii noqday hoge-tusaalayn wanaagsan, waxuu ii ahaa dardaaran aanan ka helin in badan oo fayow oo saacad kasta ka sheekaysa wax aan faa’ido badan lahayn. Wuxuu i tusay in waayaha iyo wakhtigu uu ka dhigay wax waalan, laakin ay wali maskaxdiisu fayawdahay, balse isaga iyo in badan oo kale ay u baahan yihiin cid wax u qabata oo wax tarta, haseyeeshee nasiib-darro, dadkii ay ku dhex noolaayeen ka waayeen daryeel, wax u- qabasho & tabaabushayn, iska daa inay wax u qabtaane ay saacad kasta iyagu sii waalaan. Waxaan dib u celiyay xusuustayda, waxaana sida onkodka maskaxdayda ku soo dhacay nin kale oo lagu sheegi jiray inuu waalan yahay, laakiin hal xikmad oo dhaxal-gal noqotay ku qori jiray gidaar kasta oo uu arko, taasi oo qofkasta oo  garaad leh oo arkaa ay ilmo indhihiisa ku soo istaagi jirtay, halkaasi ereyna wuxuu ahaa “Shaqo La’aantu Dad Badan Waxay Ka Dhigtay Sidii Wax Waalan” taasi oo aanu been ka sheegin runtiina ay tahay. In badan oo maanta la leeyahay way waalan yihiin haddii ay inuun shaqo iyo meel ay ku madadaashaan, kuna nastaan ay helaan ay noqon lahaayeen qaar loo aayi lahaa, laakin dadkoodii, ehelkoodii, qaraabadoodii iyo xukuumadoodiiba ay noqotay qaar ay gabtay, laakin waa wax la dhawri karo inuu waayaha iyo wakhtigu uu mar u hiiliyo, Illahayna garab qabto oo uu ka dhigo qaar mar danbe loo aayo. Shacabka iyo dhalinyarada waxaan leeyahay, dadku ma wada waallee way miir qabaane, dharkooda uskaga ah iyo maryahooda jeex-jeexan qofna ha ku qiimaynina, lana sheekaysta inta aad is leedihiin way waalan yihiin, waxaad ka heli doontaan waano dhaxalgal ah oo aad u aayi doontaan, waxaanan sheekadayda ku soo gunaanadayaa ‘Ma Waalee, Wuu Miyir-qabaa!’

Qalinkii: C/fataah Sh.Nuux Jaamac ( Suldaanka)

Social  Activist

Email: Samriye99@hotmail.com

Mobile:4474468