Ma sinnin

Inkasta oo uu Aadamuhu siman yahay marka la eego dhinacyo badan oo noloshiisa ka mida sida: Waxqabadka hawalaha qar, baahida, badhaadhaha iyo ku waxyaabo kaleba haddana waa kuwo kala gaddisan marka siyaabo kale loo eego. Qormadan aan qalinka u qaatay ee aan rabo in aan wax idinka xasuusiyo intiinna garanaysa, inta aan dhaadanaynna aan ku baraarujiyo waxa ay ku qotontaa oo ay ka hadlaysaa Ragga iyo dumarku ma siman yihiin xagga magta.

Allaha raxmaanka ahi isagaa mahad iyo maamusba iska lehe, markuu bani’adanka abuuray ugu horraynba waxa uu abuurkiisa taagay ragga, isaga oo sameeyay abbahen Aadam. Kadibna baahi uu bani adamku isku baahan yahay awgeed Alle waxa uu jeexay feedhisa si uu udhamaystiro Is daboolidda bahiyaha Aadamaha. Ilaahay waxa uu jeexay feedhi Aadam kadibna waxa uu abuuray Hooyadeen Xaawa. Haddaba waydintayda jawabta ugu horraysa ee aan ka bixinayaa halkan ayay ka bilaabmaysaaye Ilaahay muxuu Xaawa iyo Aadam isku si ugu abuuri waayay soo muu awoodayn,? Muxuu dhobo lamida tii Aadam uu ka sameeyay uga samayn wayay iyana ee uu Feedha Aadam uga jeexay. ?

Taasi miyaanay ina tusahayn ugu horrayntaba kala duwanaanshaha quwadeed iyo awooddeed ee uu Alle kala siiyay labdaa Insaan ee uu abuuray. Miyanay tani awood dherada iyo Qiimo gaara u lahayn ragga. Alle Adame kasta oo meel isugu yimadda waxa uu u sameeya jiid iyo dhabbo ay maraan oo sugan si ay u nooladan nolol wanagsan oo aan is qabqabsi lahayn. Haddaba nololi waxa ay dhadhan yeelata marka ay kala sarrayn iyo is qaddarin la isku hayaa jirto. Qofka bani’adamka ahi waa mid xagga Ilaahay iyo xagga bulshada dhexdeedaba qiimo kuleh. dhiiggisu ma’aha mid iska furan ama aan micno iyo muhiimad toona lahayn. Waxa ay diinta Islaamku inoo shegtay in haddii qof lagu xad gudbo oo u qof kale ku gabbod falo dhigiisana daadiyo, looga jaro oo loo qisaaso. haddaba haddi la is cafiyo mag iyo xoolona lagu heshiiyo side loo kala qadanayaa. Wiil iyo gabadh ma isku mid baa, Addoon iyo mid xori ma isku magbaa. Bilawga horeba aan fahanno horta dadka sidee la iskugu qisaasa ama loo kala xaq mariyaa. Waxa aynu soo qadanaynaa laba hab oo kamida hababka la isku dilo ama dilku uu u dhaco.

  1. Dil badheedha iyo
  2. Dil gef u dhacay.
  1. Haddii dilku uu yahay mid badheedh ah oo qofkan si ula kaca loo dilay waxa uu mudan yahay in qofkii dilka gaystay isagana la dilo si danbiga looga maydho maydka dhintayna dhiigiisa loogu gudo. Ilaahay waxa uu yidhi:

النفس با النفس..اية45 سورة المائدة) ..أن)

“Naftii naf disha haloga gooyo”

Tan waa laga siman yahay rag iyo dumarba, waa ama nin ha ahaado ka wax dilay iyo kala dilayaaba ama gabadh ha ahaado.

  1. Haddii uu dilku u dhaco si gef ah Waxa lakala qadanayaa mag oo qofka wax dilay lama dilaayo. Tusaale ahaan waa qofka gaadhi la jiidhsiyo si aan badheedh ahayn, xabbad aan lagu wadin oo ku dhacda iyo wixii kale ee la hal maala.

Sidee magta loo kala qadanayaa?

Haddii uu maydku yahay gabadh Waxa ay tahay magteedu 50 Halaad.

Haddii uu yahay Nin ama Lab isna waa 100 halaad.

Haddaba maxaa kenay kala duwanaanshaha?

Wax yaabaha ugu wayn ee kala duwananshaha keenay si aan u fahanno waxa aan ku soo koobayaa aniga oo tusale iyo sharraxba ka bixinaaya dhawrkan qodob:

  1. Ugu horrayn labada magac ee Nin iyo gabadh ma’aha ku wo siman. Waayo marka aad maqasho magac Lab waxa aad dareemaysaa hoggan iyo ad adkaansho. Gabadhana jiliic iyo dabacsanaan.

Islamar ahaanta ugu horraynba gabadhu waxa ay u baahantahay wax ay ku tiirsato marwalba oo maamula hogganna u noqda, sidaa awgeed Ilaahay waxa uu ayad dhan inoogu shegay in ay raggu dumarka ka yihiin mas’uul iyo hoggaan.

  1. Dumarku waa kala badh xag diineed iyo xag caqliyeedba. Taasna Rasuulka ayaa xadiis saxeexa inoogu shegay. Waa laga yaaba in aad is waydiiso siday u noqdeen kala badh xagga dinta iyo caqliga. Waxa ay u noqdeen 1. Xagga diinta. Miyanay dumarku wakhtiyo dhan oo ay raggu cibaadaysanayaan iyagu iska fadhiyin oo aanay fasax ay Rabbi ka haystaan awgii iskaga cunin iskagana fadhiyin Salaad la’aan iyo Soon la’aan. Miyaan jihaadka ragga uun lagu wajibin iyagana laga dhafin. 2. Xagga caqliga. Dumarka waxa ku badan cadifadda uma dulqadan karaan dhib yar oo soo gadha, malaha awoodda rageed ee uu ninku wax ku nidaamiyo ama ku kala wado. Waxa ay u badan yihiin ka fikirka xagga adunyada iyo waxyaabaha yar-yare e dul yaal. Hankooduna intabadan waxa uu ku mashquulsan yahay wax dhaw oo carruurtuba ku qanacdo taana waxa caddaysayba maahmahda Soomaliyeed ee ah “Haweenku waa dhallaan cag wayn”. Sidaa daraadeed naftooda mas’uul kama noqon karaan   tukalena looma diro.
  2. Marka dhaxalka la qaybsanaayo Ilaahay waxa uu inooshegay in Ninku qaato Laban laab inta gabadha. iyana waxa ay daliil cad u tahay in uu ninku ka mag sarreyo gabadha madama u isaga oo nol iyo iyada oo nol ay kala xoolo bateen.
  1. Ninku waa hoggaanka gabadha isaga ayaa maamula oo la waydiisanyaa, masruurfaaya oo u talinaaya. Ma is waydiisay wali maxaa ninka WALI looga doni waayay ee gabadha looga doona Wali bixiya oo meheriya marka la guurinayo.? Waa nuqsanta gabadha iyo dhamaysnaanta ninka. Haddba ku darso tanna oo caqligeennu mawaxa uu odhanayaa haddii uu ninku hoggan yahay hala sinnaado cidda uu hogganka u yahay. Haddii ay taasi Haa tahay. Muxuu madaxwaynu ulasinnan wayay shaqaalaha laga bilaaabo Wasiir ilaa shaqaale hoosad ee uu mid waliba inta uu madaxda u yahay uga mushahar sarreeya.

Intan oo qodob waxa aan u soo qatay in aan isla fahanno u jeedada wayn ee ka danbaysa kala sarraynta ragga iyo dumarka xagga magta. Intan oo kaliyana ma’aha ee waxa la heli karaa kuwo intan kabadan oo wada maangal ah.

Waxa haddaba iyana xusid gaara mudan in aanu Ilaahay caddalaad darro awgeed u kala badin magta ee ay tahay caddalad dhamaysa. Sababtuna waxa ay tahay. Ragga waxa ku dhacda dhib Adduun oo dhan Haday tahay   hoggaan, quudin, nafaqayn, dagaal, cibaado, Ilaalin iyo dhammaan waxa hawl addunka taalla oo idil. Dumarka iyaga nasta, cabba, cuna jiifa oo guryaha haka bixina ayuu Alle yidhi. Haddaba miyanay caddalad ahayn in Ragga dhibka iyo culayska badan ee haysta awgii magtoodu noqoto 100 halaad oo ay noqoto abaal celin iyo koru qadis iyo ilaalin dhiiggodiya. Dumarkana miyaanay u ahayn naxariis oo anu Ilaahay waxyabo badan o dhiba ka dul qadin iskana nasta odhan waxa aad tihiin indho qabawsiye. Haddana aan mag dhammaysa la siin oo an loga dhigin 50 halaad si aan loo fududaysan.

Dhammaan Saxaabadi Rasuulka, Taabiciin iyo culimada islaamka Imaamyada sida Imaamu Shaafici, Abu-Xaniifa. Imaamu Maallik iyo Imaam Axmed Binu Xanbal Waxa ay isku raaceen iskuna waafaqsan yihiin in ay magta Gabadhu tahay 50 Halaad ta ninkuna 100.

Hadal iyo dhammaan waxa aan ku soo gaba gabeeyay maqalkayga Hadalka Ilaahay ee ah. “Uma habbona qof muslima nin iyo gabadh toona haddii Ilaahay iyo rasuulksu arrin gooyaan in ay dood iyo hadal ka galaan.” Markaa walaalayaal aynu Hadalka qadanno oo ka tagno is waydiiinta ah maxay ukala bateen iyo side ukala badan yihiin. Waayo Waa xikmad rabbi ee adna sidaa u daa oo u qaado.

Nada Yuusuf Cumar

Bahda Hiil Qalin

Guddoomiyaha Qoys

Qoyskaab26@gmail.com

Umuayuub2011@hotmail.com