Ma Shir baa…Ma ‘Sheer’ baa…Mise waa Sharweyneba! – QORMOOYIN TAXANE AH

“Siddaha xuubka caarada wa kaa, aayihihii sudhane,

Soddonkiinnan bay tahay in aad, suubbisaan talo e’,

Saqaf baad tihiin Kaahinow, seesku dhiig yahaye,

Sahan yahow maqnaa Beelihii, waydin sugayaane,

Ninna sawd ma yeesheen haddaan, seynta loo buline,

Salka geed ka huriyaad tihiin, saar ka guud baxaye,

Hayin aynu wada saran nahay, baad hor socotaane,

Surraddiisa idin kaa u xidhan, saab hadduu jabo e’,

Surmo-seegtadaydii horiyo, sogordahaan eeday,

Laga yimi sinsaarooyinkiyo, seymahaan galaye,

Maantaba sisibi waa jirtaa, yaan sibiibixanne,”

 

Maansadii Saxansaxo ee Gaarriye ee Harar, 17/10/1987kii

SHIRWEYNAHA KULMIYE

 

Arar iyo ardaa la isu soo fadhiistaba la dhaaf. Unuunkii ayay taagan tahay. Bishii Maarj, 2008dii ayaa Hudheelka Ambassador lagu soo xidhay Shirweynihii 2aad ee Xisbiga Kulmiye oo markaa ama beryahaa ahaa mucaarad macangag ah. Qaybta 2aad, Qodobka 16aad ee Xeerkii uu berigaa go’aamiyay Shirweynahaasi waxa ku qornaa:

Waa Faqradda 2aad ee Qodobka 16aad: Shirweynaha Xisbiga waxa la qabtaa shantii sannadoodba hal mar. Haseyeeshee, si looga duwo Shirweynaha Xisbiga sannadka doorashada Madaxtooyada, waxa shirweynaha 3aad ee Xisbiga la qabanayaa afar sannadood ka dib, maalinta uu dhammaado shirweynaha 2aad ee Xisbigu.

Marka aynu raacno waxa Xisbiga Kulmiye u yaal, miyaanay ahayn in Shirweynaha 3aad la qabto 2012kii? Ma innagaa qaldan mise 2008dii ilaa 2012kii afartii sannadood ayaa ku buuxa? Kulmiye xaggee ayuu ka dhaafayaa Xeerka uu dhigtay? Dad badan ayaa u haysta in ay Reer kulmiye Xeerarkooda akhriyaan ama dib u eegaanba. Dastuurkii ka soo baxay Shirweynihii 2aad ee Maarj 2008dii ayaa maantana ka soo baxay Shirweynahan 3aad oo aan dib loo eegin ee sidiisii lagu daabacay. Faqraddaa 2aad ee Qodobka 16aad sideedaas ayay u qoran tahay oo aan biyo is-marin. Bal ka warrama.

Inta kale ee Dastuurka adiga oo aan u tegin, ayay Faqraddan 2aad u kala baxdaa wax Xeer ah iyo wax go’aan ah oo mar keliya ay tahay in la adeegsado. Tusaale aan soo qaadanno: Shirweynaha Xisbiga waxa la qabtaa shantii sannadoodba hal mar. Waa qayb ka mid ah Faqradda 2aad ee Qodobka: 16aad, waana Xeer mar walba taagan ilaa inta laga beddelayo. Qaybta 2aad ee Faqraddan 2aad ee Qodobka 16aad waxay odhanaysaa: Haseyeeshee, si looga duwo Shirweynaha Xisbiga sannadka doorashada Madaxtooyada, waxa shirweynaha 3aad ee Xisbiga la qabanayaa afar sannadood ka dib, maalinta uu dhammaado shirweynaha 2aad ee Xisbigu.

Qaybtan sare, ma aha Xeer bal se waa go’aan ay tahay in mar keliya la adeegsado. Bal se aqoon-darrada siyaasadeed ee Xisbiga Kulmiye ka dhex jirta ayaa saamaxday in ay ilaa maanta sidaasi Dastuurkooda ku qornaato. 1162ka ergay ayaa midna akhriyi waayay Dastuurkaas oo isku deyi waayay in uu saxo, markaas ayay doonayaan in ay dal iyo dadba ku xukumaan hoggaankaa qalloocan iyo geeddigaa baas ee aan sahanka iyo horseedka midnaba lahayn.

Xisbiga Kulmiye iyo Guddida diiwaan-gelintaba waxa looga fadhiyaa sharciyadda la leeyahay waxa ku qabsoomay Shirweynihii 3aad ee Xisbiga Kulmiye 28/4/2014ka. Marka xeerka iyo Dastuurka Xisbiga Kulmiye la raaco miyaanay ahayn in uu Shirweynahaas 3aad qabsoomo Maarj 2012kii ama ugu dambayn Maarj 2013kii, haddii uu Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye u kordhiyay muddo sannad oo ah xaq dastuuriya oo uu leeyahay?

Shirweynayaasha Xisbiga Kulmiye side loo abaabulaa ama loo aloosaaba?

Mala-awaal ma aha. Waa Xeer. Dastuurka Xisbiga kulmiye ayaa qeexaya. Wuxuba waxay ku xardhan yihiin Qaybta 2aad, Qodobka: 16aad, Faqradihiisa 3aad ilaa 7aad. Halkaas ayaad ka wada helaysaan. Aan idiin taxaba. Faqradda: 3aad: Shirweynaha waxa qabanqaabinaya Guddi-Qabanqaabo oo uu soo magacaabo Guddoonka Xisbigu, Guddida Fulinta ee Xisbiguna ansixiyo. Maqallay in la sameeyay, si ay u hawl-gashayba.

Faqradda: 4aad: Tirada ergooyinka Shirweynaha Xisbiga waxa go’aaminaya Guddida Fulinta. Waxaynu wararka ku haynaa in la go’aamiyay 1162 Ergey. Faqradda: 5aad waxay odhanaysaa: Shirweynaha Xisbigu wuxu ka kooban yahay b. Tirada xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga, t. Dhammaan xubnaha Xisbiga eek u jira Golayaasha Qaranka, j. Ergooyin ka socda Laamaha Xisbiga ee dalka iyo diabddiisa,  

Faqradda: 6aad waxay odhanaysaa: Tirada Ergooyinka Shirweynaha Xisbigu kama yara laban-laab tirada Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga. Qodobka: 27aad, Faqraddiisa 1aad ayaa dhigaysa: Golaha Dhexe ee Xisbigu waa hay’adda hagaysa hawlaha Xisbiga inta u dhexeysa labada shirweyne, waxaanu ka kooban yahay 170 (boqol iyo toddobaatan) xubnood oo aanay ku jirin xubnaha ku soo gala Golaha xilka ay hayaan dartii (Ex-ufficio members).

Xisbiga Kulmiye mararka uu Shirweynihiisa qabsanayo xaggee ayuu ka keenaa Ergooyinka fadhiisanaya? Waa qodobka 16aad, faqraddiisa: 7aad oo odhanaysa: Qaabka ergooyinka loogu qaybinayo Gobolladu dalku waxay ku salaysnaanaysaa codadka guud ee doorashadii ugu dambeysay ee Golaha wakiillada saamiga Xisbigu ka helay Gobol walba.

Tuugna ma xado, laaxinna laga jari maayo. Xeerkaas ayaa Xisbiga u yaal, ayaandarradu se waxay tahay in wixiiba reer loo qaybsaday. Oo reeruhu miyay u sinnaayeen Xisbiga Kulmiye? Sidaas ayaa Ergooyinka lagu soo xulay iyada oo la duudsiyayo Xisbiyiyiintii daacadda u ahayd xisbiga ee sida la yaabka leh ugu adeegtay, hanta iyo waqtina ugu hurtay. Shuruudda keliya ee eryeynimada ayaa reer laga dhigay. Sidaasaa ninkii raga ahaa iyo gabadhaii gabadha ahaydba wax ku waayeen.

Xataa haddii aynu ka soo qaadno in shirweyne qabsoomay, su’aashu waxay tahay: xilalkiisii ma gutay? Jawaabtu waxay noqonaysaa MAYA. Meel fogba ha ka doonin, maxaa yeelay Shirweynahaas 3aad ee la leeyahay waa uu fadhiistay ma dooran Gole Dhexe oo xilka Shirweynaha sii haya inta Shirweynaha kale la gaadhayo. Bal ka warrama qaab-darrada iyo yuhuun-xumida la doonayo in dalka lagu maamulo. Xisbi aan Gole Dhexe lahayn ayaa la leeyahay taladii dalka ayuu hayaa? Dalkee dee? Dadkee dee? Xisbigee dee? Xukunkee dee?

Xubnahaa Golaha Dhexe ee maqan ee aynaan garanayn halak ay ka imanayaan iyo ciddda ansixinaysa, ayaa berri ka maalin la leeyahay iyaga ayaa soo saari doona murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye. Hadda ogaada Xisbiga Kulmiye oo keliya Madaxweyne uma noqon doono e’, Jamhuuriyadda Somaliland oo dhan ayuu u noqon doonaa. Ma suurtowdaa? Oo xagee laga dheelaa?

(La soco……………………………………….)