Ma Run Baa In Cabdicasiis Maxamed Samaale Ka Baydhay Siyaasiyiinta Isbahaysiga Ku Bahoobay?

Hargeysa(SLpost)-Siyaasiga hadalka cad ee Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa la sheegayaa inuu gees uga baydhay siyaasiyiinta ay saaxiibada yihiin ee ay ku wada bahoobeen isbahaysiga dimuqraadiyadeed ee KULMIYE.

Wararkan oo labadii maalmood ee u dambeeyay la hadal hayay, ayaa waxa sii xoojiyay kulan wada tashi ah oo ay isbahaysigu shalay ku yeesheen magaalada Hargeysa, kaas oo laga dhex waayay Cabdicasiis Samaale oo weliba ku sugan Hargeysa.

Wararkan ayaa tilmaamaya in Cabdicasiis Samaale qaatay aragti ah inaanu ka sii mid ahaan siyaasiyiinta weli isku duuban ee isbahaysiga, waxase la sheegayaa inaanu haddana weli ka noqon mawqifkii adkaa ee uu taagnaa kaas oo ahaa midka mideeyay isaga iyo saaxiibadiisan kale.

Lama garan karo in Cabdicasiis Samaale dhaliilsanyahay qaabka ay isbahaysigu wax u wadaan, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in Cabdicasiis Samaale dareeno siyaasadeed ka goconayo saaxiibadii.

Dadka siyaasadda faaqida ayaa aaminsan in, inkastoo ay suurtogal tahay inaanu Cabdicasiis ka sii mid ahaan isbahaysiga, haddana inay adagtahay inuu ka soo debco mawqifkii adkaa ee uu ka qaatay shirkii golaha dhexe iyo weliba go’aankii uu kaga tagay madaxtooyada iyo Madaxweyne Siilaanyo agtiisaba.

Wargeyska Geeska Afrika oo shalay ilaa xalay raadiyay Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaanay u suurtogelin inay helaan si ay wax uga weydiiyaan wararkan soo baxay.

Xigasho Geeska Afrika