Ma rabtaa inaad noqoto qof Farxad badan, miisaanka jidhkiisuna isu dheeli tiran yahay…. Akhriso cilmi-baadhistan

Hargesa, (SLpost)- Natiijada Cilmi-baadhis la daah-furay ayaa sheegaysa in dadka xilli hore toosa subaxdii ay ka caafimaad iyo farxad badan yihiin marka loo eego kuwa hurdada ka kaca xilli dambe oo maalintii ah.

Dadka habeenkii xilli-ga dambe seexda way ku adkaataa inay toosaan wakhti hore subaxdii taasina waxay saamayn ku leedahay caafimaadkoda iyo dareenkooda farxadeed, sida ay tilmaamayso warbixinta laga diyaariyay natiijada cilmi-baadhista la sameeyay.

Somalilandpost.net oo soo xiganaysa natiijada cilmi-baadhista oo lagu daabacay Jariiradda Ingiriiska ka soo baxda ee DailyMail, Khubarada daraasaddan samaysay oo ka tirsan jaamacadda Roehampton, waxay tijaabooyin iyo baadhitaan ku aaddan caafimaadkooda iyo dabeecadahooda hurdo ku sameeyeen 1,100 isugu jira rag iyo dumar.

Celcelis ahaan 13 boqolkiiba dadkii su’aalaha la weydiiyay ayaa ahaa qaar hurdada ka toosa todobada subaxnimo iyo wixii ka horreeya, waxaanay muujiyeen qaar aan u baahan inay hurdo seexdaan todobaadka dhammaadkiisa wakhtiga fasaxa.

Baadhitaanka lagu sameeyay jawaabaha iyo macluumaadka laga helay dadkii daraasadda ka qayb-galay, waxa uu daaha ka rogay in kuwa subaxda hore hurdada ka toosa ay leeyihiin calaamadaha ugu yar ee muujinaya isku-buuqa iyo walaaca.

Dadka xilliga hore ee subaxdii toosaa waxay xaddi wanaagsan ka qaataan quraacda, sida uu sheegay khabiir cilmi-nafsiga ku takhasusa oo ka mid ah kooxda Cilmi-baadhista samaysay.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net