MA QIIRAA MISE WAA QARAAR

Markasta oo qorshe la samaynayo, aragti la curinayo, is-beddel la unkayo waxay u baahan tahay in la helo daraasad si cilmiyeysan loo baadhay, cilmi-baadhistaas oo ay samayeeyeen dadkii ehelka u ahaa. Nuxurka ka soo baxa daraasaddaas na, xukuumadda iyo cid kasta oo fulinaysaa ba ay ku go’aan qaadato, lagana diyaariyo siyaasad lagu hirgeliyo laguna joogteeyo. Haddaba, inta badan ama dawlad ha ahaato ama urur maxali ah e, waxaa aynu ka marag nahay in intooda badani ay gaadhaan go’aamo ku yimaada GOLE-KA-FUUL oo aan ku dhisneyn daraasada ee ay keentay kolba laydhu halkay u qaado (SOO BILIG, SII BILIG). Go’aanadaasa waxaa ka dhasha in aanay noqon kuwo
joogta ah ee ay marka wakhti yar la wado, laga tago dibna aan loogu soo noqon. Waxaana keenta aqoon yari dadka ka haysata sida wax loo qorsheeyo, iyo qorshaha la dhigto sida loo fuliyo.

Umad dhan waxa lagu dhaqaa maaha inay ku timaado kolba masuulka ay khusaysaa siduu aragti ahaan qabo iyo sida uu isagu is-leeyahay wax way ku hagaagayaan. Xukuumadda Mudane Siilaanyo mudadaas lixda sanno ah ee ay xukunka dalka haysay wax-qabad muuqda way samaysay oo dhinacyo badan taabanaya, waxay na sidoo kale samaysay ballan-qaadyo iyo waajibaad aan hirgelin. Sababta ay u hirgeli waayeen na ay ahayd inay bilawgii hore aanay ka fiirsan waxa ay ku timi iyo sida loo sii joogtayn karo.

Waxaan halkan hoose idin la wadaagi doonaa dhawr arrimood oo xukuumaddeenu ay ku soo saartay go’aan xukuumadeed, ha ahaado, digreeto madaxweyne, mid wasiir iyo amar ka yimi saraakiisha ciidanka bee. arrimahaas oo ku saabsan qeybo kala duwan, wakhtiyo kala duwan na ay soo saartay dawladdu. Arrimahaas marka si qoto-dheer loo eego wax way ka hirgeleen laakiin, may noqon mid sii waarta. Waliba arrimahani haddii sidii loogu tala galay loo fulin lahaa waxay qeyb weyn ka ahaan lahaayeen horu-socodka bulshada iyo dalka ba. waa intaan ka xasuustay waa laga yaabaa in la helo in intaa ka badan.

45kii Maalmood ee joogteynta ol-ole qaran oo Nadiifinta Magaalooyinka ah

Boqolkii Cisho ee ugu horreeyay ee Dawladda Axmed Siilaanyo ay xukunka haysay waxay soo saartay bandhig la yidhaahdo BOQOL CISHO, BOQOL WAX-QABAD IYO DHEERAAD. Waxaa ku jiray wax-qabadyada ku jiray in 45kii cisho ba hal mar dalka oo dhan ay ka qabsoomi doonto maalin ol-ole nadaafadeed ah oo looga gol-leeyahay ilaalinta nadaafada iyo kordhinta bilicda magaalooyinka. Waxaa na ka qeyb-galay madaxweynaha iyo dhamaan shacabka oo dhan, arrintanina waxay ahayd mid aad loo soo dhaweeyay, qeyb weyn na ka ahayd wax-wada-qabsida bulshada iyo isku-xidhnaantooda. Shanti sanno ee ugu horreeyay ee xukuumaddu xilka haysay waxaa la qabtay mar ama laba. Waxaa xigtay sannadkii 2015kii bishii afaraad oo la qabtay mar saddexaad. Ololahni muu noqon mid joogta noqda, halkaas na waa lagu iloobay.

Mamnuucidda gaadiidka Bidix-layaasha ah

Bishii Juune ee 2012 ayay Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ku dhawaaqday in dalka laga mamnuucayo gaadiidka bidix-layaasha ah (Shookaanta midigta ku leh) isla markaana aan dalka la keeni doonin wixii ka dambeeya bisha September ee isla sannadkaas 2012ka. Go’aankaasina wuxuu ka soo baxay Golaha wasiirada. Waxaana ku dhawaaqay Wasiirkii Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka ee wakhtigaa Mudana AXMED CABDI XAABSADE. Waxaa uu wasiirku sheegay in dawladdu ay soo saartay sharci dalka ka mamnuucaya in laga isticmaalo gaadiidka shookaanta ku leh midigta wixii ka dambeeya dhammaadka bisha September ee 2012ka.

Wasiir Xaabsade waxaa kale oo uu sheegay in guddi loo saaray ku soo samaysa daraasad ku saabsan sida looga gudbi karo caqabadaha baabuurta bidixlayaasha ah, go’aankanina yahay mid ka soo baxay Golaha Wasiirada Somaliland. Go’aankan ay soo saartay xukuumaddu wuxuu ahaa go’aan aad u wanaagsan faa’iido badan na bulshadu ka heli lahayd, walaw ay adkaan lahayd in si fudud loo hirgeliyo, hadana wuxuu wasiirku sheegay in muddo 10-sannadood ah gudaheed ay ku soo af-jarmi doonto gawaadhiga shookaanta midigta kuleh. Hadda ba go’aankan ay soo saartay xukuumaddu ma filayo inay xataa hadal-hayntiisu soo dhaaftay sannadkaas 2012ka.

Mamnuucidda Isticmaalka Bacda

Bishii April, 2015 waxaa uu MadaxweyneSilaanyo, waxa uu digreeto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-3178/042015 uu dalka kaga Joojiyey Isticmaalka Bacaha iyo Fayo-dhawrka Deegaanka. Waxaa uu madaxweynuhu sheegayin ay reebban tahay soo dejinta iyo ka-ganacsiga noocyada Bacda ee kala duwan sida Bac-miikada, Bacda ila-qabada, bacaha Shirkadaha iyo Dukaamada ee Xayaysiiska Ganacsiga. Isticmaalka BACAHA oo bilicda iyo deegaanka ba dhib weyn ku haysa, waxaana loo qabtay isticmaalka bacahaas muddo saddex bilood ah oo ku ekayd bishii todobaad ee sannadkii 2015. Waxaanay xukuumaddu sheegtay in wakhtigaa loo qabtay wixii ka dambeeya ciddii lagu qabto isticmaalkeeda ay mudan doonto ganaax weyn. Bacuhu na waa agabka kaliya ee loo isticmaalo dhamaan wixii lagu qaadanayo. Iyadoon laga fikirin wixii baddal u noqon lahaa ayaa go’aankaasi yimi lama na fulin waana sababta ay u noqotay Barkuma-taal.

Digreetanadani waxay daba socotay maalin uu madaxweyne Siilaanyo uu uasteeyay in dhamaan dalka oo dhan ay ka qabsoonto ol-ole nadaafadeed oo magaalooyinka oo dhan ah. Madaxweynuhuna wuxuu bulshada Somaliland ku dhaqan gaar ahaanna Caasimadda Hargeysa kala qeyb galay ol-olaha waxaa kale oo madaxweynaha ku wehelinayay dhamaan masuuliyiinta sar-sare ee xukuumaddiisa.

 

W.Q: Maxamed Jaamac Meygaag (Action)

Action50@gmail.com

Hargeysa, Somaliland