Ma Ogtahay: Qormo-aqooneed isugu jirta dhaqan, diin, saynis, taariikh IWM

Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr

Ma ogtahay in wadanka Indonesia uu ka kooban yahay in ka badan 13 000(Saddex iyo toban kun), oo jasiiradood, isla markaana uu yahay wadanka ay ku nool yihiin muslimiinta ugu badan ee dal qudha ku wada nooli, xorniimadiisana uu ka qaatay wadana Holland 1947.

Ma ogtahay in gabadhii ugu horeysay ee Muslim ahayd ee si dimuqraadi ah loogu doorto jagada raiisal wasaarenimo ee wadan Islaam ahi ay ahayd Benazir Bhutto, oo uu dhalatay Pakistan, gabadhani waxa ay wadankeeda raiisal wasaare ka noqotay laba jeer oo kala ah 1988-1990 markaas oo ahayd 35 jir, iyo waliba 1993-1996, waxaanay labada jeerba xukunka uga dagtay kacdoon shacab. Ma ogtahay in wadanka adduunka ugu dhulka yari uu yahay uu wadanka la yidhaahdo Vatican ka, waxaanu leeyahay baxaad dhuleed oo dhan 44 hikter.

 Ma ogtahay in

  • boqorkii dunida ugu da’da yaraa 1986 uu ahaa King Mswati, xiligas oo ay da’diisu ahayd 18 sanno oo qudha, boqorkani waxa uu haystaa wadanka Swasiland oo ka mid ah 5ta wadan eek u yaalla koonfur Afrika.
  • Ma ogtahay in ay shinidu awood u leedahay in ay aragto nooc ka mid ah fallaadhaha ay cadceedu soo dayso oo loo yaqaan Ultraviolet Rays, falladhan indhaha dadku ma arki karaan, waxaana loo aaneeyaa in ay sababaan kansarka maqaarka ku dhaca, waxyeelana waxa ay gaadhsiiyaan dalaga beeraha.
  • Ma ogtahay in ay haweenka ama dumarku yihiin noolaha kaliya ee dhasha joojiya marka ay waydaan, xayawaanada kale waxa la sheegaa in aanay dhasha joojin ee ay dhalmada kala fogeeyaan marka ay waynaadaan.
  • Ma ogtahay in jidhkeena meesha ugu adagi ay tahay lakabka ugu sarreeya ilkaheena, lakabkaas oo loo yaqaano “Enamel”, waxa uu ka adagyahay lafaha !!!, waana lakabka ilaaliya ilkaheena.
  • Ma ogtahay in wadankii ugu horeeyay ee Afrikada madaw ahaa, ee xornimadiisa qaataa uu ahaa Wadankii loo yaqaanay “Gold Coast”, ama “xeebtii dahabka”, haddana loo yaqaano Ghana, kaas oo madaxbanaanidiisa helay 1957, waxa madaxweynena ka noqday Kwame Nakruma .
  • Ma ogtahay in socdaalkii ugu dheeraa ee Nabi galo in uu galay, Nabi Maxamed (Salalahu Calayhi Wasalam), waxa uu Nabigu habeen qudha ka socdaalay Maka waxaanu tagay Qudus, halkaas oo uga sii gudbay Samada tododbaad, waana habeenkuu Ilaahay ummada islaamka ah ku waajibiyay salaadaha shanta ah.
  • Ma ogtahay in fiidmeerta iyo nibiriga dhasha ah, aanu midkoodna lahayn indho, balse ay ku socdaalaan jabaqda soo noqoshadeeda ama dayaanka “Echo”, taas oo u sahasha in ay wax ugaadhsadaan si ay cunto u helaan.
  • Ma ogtahay Masjidka barakaysan ee xaramku uu yahay masaajidkii u horeeyay ee laga dhiso dhulka korkiisa, masjidkan waxa dhisay labadii Nabi ee is dhalay waa Nabi Ibraahin iyo Nabi Ismaaciil Calayhima Salaam, Masaajidkii labaad ee la dhisaana uu ahaa Masjidka Qudus oo uu dhisay Yacquub Calayhi Salaam.
  • Ma ogtahay in ninkii koowaad ee sameeyay laambadaha kaydhku uu ahaa Thomas Alpha Edison, oo dhalasho ahaan Maraykan ahaa, Edison markii ku jiray hawshan waxa la sheegaa in uu guuleydareeystay 999 jeer, oo uu guuleystay markii 1000 aad.
  • Ma ogtahay in suurada Quraanka ka mid ah ee uu aayadadaheeda dhamaantood uu ku jiro magaca Ilaahay ee “Allah”, ay tahay “suuratu Mujaadalah”, ama Suurada aynu u naqaano “Qadsamic”.
  • Ma ogtahay in bidaarta uu sababo khalkhal ku dhaca hoormoon ama dheecaan ay raggu leeyihiin oo loo yaqaan “testesterone” , waana sababta ay ragga oo qudhi bidaar u yeeshaan ee aanay dumarku bidaar u yeelan.
  • Ma ogtahay in magaca haluhu marka aanay dhalin la yidhaahdaa uu yahay “Abeer”, hasha neef walbaaba jaqona loo yaqaan “Hebed”, hasha ogol neefka ay dhashay oo qudha jaqistiisana waxa la yidhaahdaa “Toojo”.

Ma ogtahay

  • Ma ogtahay in gacanka loo yaqaano Sues Canal, ama gacaka Suweys, ay samaysay dawlada Ingiriisku, iyada oo samayntiisuna qaadatay mudadii u dhaxaysay 1857-1869, intii xilligaas ka horeysay gacanka Suweys meesha uu ku yaallaa waxa ay ahayd barri, maraakiibta ka imanaysa Yurub ee u socdaalaysa Aasiyana waxa ay ka wareegi jireen Koonfur Afrika, safarkaas oo qaadan jiray waqti badan.
  • Ma ogtahay in sahamiyihii Christopher Colombos uu yahay, ninkii daahfuray qaarada Ameerika sanadkii 1492, isaga oo ugu horayn helay Jasiiradaha Bahama Islands, una bixiyay Sansalvadore , taariikhdii ka horeysay 1492, caalamku wax xidhiidh ah lamuu lahayn Ameerika.
  • Ma ogtahay in dhamaan unugyada ku jira jidhkeenu ay leeyihiin Bu oo ah xudunta dhexe ee laga maamulo unuga, marka laga reebo Unugyada cascas ee dhiiga kuwaas oo aan lahayn bu.
  • Ma ogtahay in shabeelka dhadigiisa loo yaqaano Kuti, halka shabeelka labkiisana looga yaqaan Aareeye.
  • Ma ogtahay in kulaylka oogada cadceedu uu yahay 6000 degree Celscius, halka kuleylka ubucda hoose ee dhulkuna ay ka tahay 5700 degree celcius, heerkulka qofka caafimaadka qabaana uu yahay 37 degree celcius, qofka leh heerkul ka aad uga hooseeya ama aad uga sarreeya 37, dhakhaatiirtu waxa ay u tixgeliyaan in uu yahay qof xanuunsanaya.
  • Ma ogtahay in garigu yahay noolaha ugu dheer noolayaasha ku uuman dhulka guudkiisa, Nibiriguna uu yahay noolaha noolaha ugu miisaanka wayn noolayaasha badda ku jira.
  • Ma ogtahay in labada wadan ee Somaliland iyo Madagascar ay xornimadooda qaateen, maalin, iyo bil iyo sannad isku mid ah, waxaanay labadoodu xornimada ka kala qaateen Ingiriiska iyo Faransiiska taariikhdu markii ay ahayd 26/June/1960, sanadkaas 1960na waxa loo yaqaanaa sanadkii Afrika, waayo waxa xoroobay wadamo badan oo Afrika ku yaalla.
  • Ma ogtahay in ay jireen saddex gabayaa oo Nabi Maxamed SCW, difaaci jirey kuwaas oo kala ahaa Kacab Binu Maalik, Cabdilaahi Binu Rawaaxa, iyo Xisaam Binu Saabit.
  • Ma ogtahay in mabda’ii Shuuciyada ama hawl iyo wanti waddaaguu ahaa fakir uu lahaa nin la odhan jirey Karl Marx, isla markaana lagu tilmaamo in uu ahaa fakir ka soo horjeeda diimaha oo dhan.
  • Ma ogtahay in hawada sare uu ku yaallo lakab loo yaqaano Ozone layer, lakabkaas oo ka samaysan nooc Ogsajiinta ka mid ah oo la yidhaahdo “Ogsajiin 3”, waxa uu gaashaan inooga yahay falaadhaha cadceeda ee loo yaqaan Ultraviolet Rays, hadii uu lakabkaasi dalooshamana waxa dhulka soo gaadha fallaadho badan oo waxyeelo u leh dadka iyo daaqaba.
  • Ma ogtahay in geedka garanwaaga lagu arkay gayiga Somaliland, markii u horeysay 1950, halkii koowaad ee lagu arkayna ay ahayd Bulluxaar, waxaana geedkan markaa loo yaqaanay Maskit o ah magaciisa Ingiriiga ah, magaciisa cilmiga ahina waa Prepois Juliflora .
  • Ma ogthay in sadka Geelu yahay 13 bilood, sadka adhiguna yahay 5 bilood, sadka lo’duna yahay 9 bilood, sadka Maroodiguna yahay 21 bilood iyo 24 maalmood, halka sadka Bisadaha iyo Ayduna ka yahay 63 cisho oo qudha.

Ma ogtahay

  • Ma ogtahay in xuruufta luqada Ingiliishka lagu soo kobo odhaah ah “The quick brown is fox jumping over a lazy dog”, halka luqada Soomaaligana laga soo kobo weedh uu sameeyay Cabdilaahi Suldaan Timacadde, weedhaas oo ah “Sheekeena, wiilkiisa Curad, gabadhuu qabi jirey, foox la’aan ma heesi karto”.
  • Ma ogtahay in unuga dheer unugyada jidhkeenu uu yahay unuga dareen wadka, unugaas oo farriin isaga maskaxda oo ku jirta madaxa illaa cidhbaha hoose ee jidhkeena.
  • Ma ogtahay in maqaarkeena ay ku jirto maado loo yaqaano Melanin, oo ay shaqadeedu tahay in ay inaga difaacdo fallaadhaha cadceeda, sidoo kalena masuul ka ah soo saarista midabka maqaarka jidhka, dawooyinka ay haweenku isticmaalaana waxa ay shaqada ka joojiyaan Melanintaas, sidaas darted dumarku marka ay dawadaas isticmaalaan jidhkoodu malaha awood uu midab ku yeesho, kulaylka cadceedana uu ugu adkaysto.
  • Ma ogtahay in jabhadii koowaad ee Afrikaanka ahayd ee diyaarado lagu weeraraa in ay ahayd jabhadii Daraawiishta, ee uu madaxda ka ahaa Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, jabhadan waxa uu Ingiriisku diyaarado ku weeraray 1920kii.
  • Ma ogtahay in saxaabigii koowaad ee waran dar ilaagay ugana ama u ridaa in uu ahaa Sacad Binu Waqaas.Sacad waxa kuu mid yahay 10kii saxaabi ee janada loogu bishaareeyay iyaga oo nool.
  • Ma ogtahay in idaacadii koowaad ee Afsoomaali ku hadasha ee hawada soo gashaa in ay ahayd Radio Hargeisa, oo markii koowaad la dhagaystay 1952.
  • Ma ogtahay in markii koowaad ee la tijaabiyo Nukliyeerka lagu dhuftay laba magaalo oo uu Jabaanku lahaa kuwaas oo la kala odhan jirey Hiroshiima iyo Nagasaaki, ganistaas nukliyeekuna ay Jabbaan ku khasabtay in uu is dhiibo, sidaadna uu ku afjarmay dagaalkii 2aad ee adduunku.
  • Ma ogtahay in figta Ifris, oo ah figta buureed ee adduunka ugu dheer loogu magacdaray, ninkii koowaad ee ay u suutogashay in uu figtaas gaadho, isla markaana uu cabiro dhererka figta, ninkaasna la odhan jirey George Everest.
  • Ma ogtahay in aad maalintiiba indho la’dahay illaa 30 daqiiqadood !!!!, ha moodin wax kale, 30kaas daqiiqadood waa ilbidhiqsiyada aad indhaha kolba isku qabanaysid.
  • Ma ogtahay in Sir Isac Newton uu yahay Saynisyahnkii daahfuray cufisjiidadka dhulka, Xisaabta kalkulaska, iyo waliba saddex xeer oo khuseeya socodka walxaha, xeerarkaas oo loo bixiyay xeerarka socodka walxaha ee Newton.
  • Ma ogtahay in Cismaan Binu Cafaan lagu naanaysi jirey “Du nuureyn”, ama kii labada nuur lahaa, waxaana taas loogu bixiyay waxa uu nasiib u helay in uu guursado laba hablood oo uu Nabi Maxamed SCW, uu dhalay.
  • Ma ogtahay in uu Macaad binu Jabal ahaa Saxaabigii, u cilmi badnaa asxaabta rasuulka mark laga hadlayo xalaasha iyo xaaraanta ama culuumta fiqhiga, sidaas na waxa cadeeyay Nabi Maxamed SCW.
  • Ma ogtahay in uu ilmada indhaheena ku jiro Enzyme loo yaqaano Lysozyme kaas oo ilaaliya indhaha, baabiiyana xayawaanada ili ma aragtayga ah ee indhaha gala, xayawaanadaas oo ay ka mid yihiin bakteeriyada iyo fayrasku.
  • Ma ogtahay in ururka Qaramada Midoobay lagu dhisay magaalada Sanfransisco oo ku taalla Maraykanka, sanadkii 1945.

Ma ogtahay.

  • Ma ogtahay in ninkii u horeeyay ee dastuur sameeyaa uu haa nin Giriig ah oo magaciisa la odhan jirey Xamuraabi.
  • Ma ogtahay in ay dhamaan walxaha cirka laga soo tuuraa, ay dhulka ku soo wada gaadhi lahaayeen waqti isku mid ah hadii aanu jirin Caabbiga hawadu, walxuhu ama dhagaxaan ha ahaadeen ama waraaqo ha noqdeenbee.
  • Ma ogtahay in ururkii Sahnuuniyada adduunka ee ujaeedadiisu ahayd in ay Yuhuudu qabsato Falastiin, lagu aasaasay magaalada Balse ee wadanka Switzerland sannadkii 1897, waxaana mabda’aas taageeray 1917kii wasiirkii arrimaha dibada ee Ingiriiska Balfour kaas oo ahaa Yuhuudi haysta dhalashada Ingiriiska.
  • Ma ogtahay in Nabiyada afar ka mid ahi ay Carab ahaayeen afartaas Nabi oo kala ah, Huud Calayhi salaam, Saalax Calayhi salaam, Shucayb Calayhi Salaam iyo Nabi Maxamed Salalaahu Calayhi wasalam.
  • Ma ogtahay in Nabi Suleymaan uu Ilaahay siiyay awood aanu siinin cid kale, waxaanu Nabigaas Ilaahay u sakhiray dabaysha, shayaadiintuna waxa ay ahaayeen qaar u adeega isaga.
  • Ma ogtahay in 17ka October Somaliland looga aqoonsan yahay maalinta shuhadada, iyada oo ku beegan 17/October/I984.Maalintaas waxa Burco-Duuray ka dhacay dagaal aad u qadhaadh oo dhex maray SNM iyo Dawladii Maxamed Siyaad Barre, waxaana goobtaas ku geeriyooday tiradii u badnayd ee SNM ahayd ee meel ku wada geeriyoota, waxaana dadka maalintaas dhintay ku jirey Mujaahid Lixle.
  • Ma ogtahay in dagaalkii Adwa uu ahaa meeshii koowaad ee Afrikaan u ku jabiyo reer Yurub.Sanadkaas oo ay taariikhdu ahayd 1896 Ethopia ayaa jabisay Talyaaniga oo rabay in uu qabsado dhulkeeda.
  • Ma ogtahay in badda ama harada ugu dhanaanka badan harooyinka adduunka ka jiraa, ay tahay Dead Sea ama badda dhimatay taas oo ku taalla wadanka Jordan.
  • Ma ogtahay in Somaliland ay tahay wadnaka 131aad ee ugu dadka badan dalalka adduunka, oo ay ku noolyihiin 3,500, 0000(Saddex Milyan iyo Shab Boqol oo kun) oo qof, isla markaasna ay ka dad badan tahay 133 wadan oo caalamka ka mid ah.
  • Ma ogtahay in Jasiirada ugu ballaadhan jasiiradaha aduunka ku yaallaa in ay tahay Jasiirada Greenland, taas oo hoos timaada maamulka wadanka Holland.
  • Ma ogtahay in qofkii koowaad ee Afrikaanka ahaa ee ku guuleysta billad sharafeedka caalamiga ah ee nabadu, uu ahaa Baadarigii Koonfur Afrika ee Desmond Tutu, kaas oo billada ku helay ka soo horjeedsigiisii siyaasadii midab kala sooca ee South Africa ka jirtay.
  • Ma ogtahay in buurta ugu dheer Somaliland ay tahay buurta Surad ee ku taalla Gobolka Sanaag, gaar ahaana caasimadiisa Ceerigaabo

Diyaarintii
Macallin Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
Noradin Secondary School Biology Teacher
saedmgahair@hotmail.com