Ma laga yaabaa Inay Is-waafaqaan Maansada Hal-door iyo Barnaamijka Qiimee Qofkaagu? – Qalinka: Khadar Maxamed Faarax

Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr

Maansadan uu magaceedu yahay “Hal-door”, waxa curiyay Siciid Maxamuud Gahayr “Hargeysaawi”, waxaanay soo baxday 13/06/2011. Siciid waxa uu si mug iyo miisaan leh u akhriyay gabay uu magaciisu yahay “Hal-maal” oo uu Allifay Abwaan Maxamed Aw Cali Cartan “Hal-deeq”, oo ka warramaya halgankii dib-u-xoreynta qaran ee ay SNM hormoodka ka ahayd oo uu Hal-deeq allifay xilli la sheegay in SNM laga saarayo manhajka waxbarashada Somaliland. Gabayga Hal-maal waxa ku suntan magacyada in ka badan 70 ka mid ah mujaahidiintii ugu caansanayd, horseedkana ka ahayd SNM oo isugu jira siyaasiyiin, saraakiil milatari, abwaanno, madax-dhaqameed iyo heesaa. Waxa kale oo ku ladhan dhacdooyin iyo gobo muhiima oo ku ladhan halkan SNM. Isaga oo Abwaanku la yaabay ka saarinta manhajka xusayana muhiimadda taariikhda.

Siciid kolkii uu gabaygaas akhriyay waxa ay la noqotay in uu bogaadiyo  Abwaan Maxamed Aw Cali Cartan “Hal-deeq”, oo allifay gabay taarikhi ah iyo in uu xuso dhacdooyin xus leh hal-door badan oo isugu jira Siyaasiyiin, Guurti, Suldaanno, Aqoonyahanno, Ganacsato, Suxufiyiin, Abwaanno, Qoraayo, Haween, Ganacsadeyaal, Ururro iyo askhaas uu u arkay in ay Somaliland u qabteen dhacdooyin mudan in taariikdu xusto, oo aan gabaygaa ku xusnayn. Hal-doorkaas oo isugu jiraa kuwo nool iyo kuwo geeriyooday, oo kala noolaa qarniyadii 19aad, 20aad iyo 21aad ee Miilaadiga. Ugu Dambayn, Siciid waxa uu xusayaa in aan marnaba bulshada iyo taariikhdu illaawi doonin halyeeyga u hagar-baxa ciidda hooyo. Toloow ma laga yaabaa inay meelo badan iska waafaqaan tixdaas Hal-door iyo natiijada ka soo baxda barnaamijka Qiimee Qofkaaga oo cidda ku guuleysata loo aqoonsanayo Hal-door? Waa la eegi haddii Alle idmo.

 

Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr
Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr

Maansada Hal-door waa tan:

Sooyaalku wax buu hufaa’e

Dhacdaba magac baa ka hadha’e

Dadkuna kala haybad roone

Haddiyo qudhu way baxdaaye

Hadduu ifka xay ku noolyay

Amay ajashiisu haaddo

Halyeegu xusuus leh gaara

Qofkaan hagran ciidda hooyo

Bulshadu ma halmaanto goorna

Hal-maal waa gabay mug weyn leh

Halyeeyo muclaa ku duuggan

Kolkiii halgankee dagaalka

SNM heeryada ka maagtay

Raggii heersare ka gaadhay

Hoggaanka siyaasaddeeda

Hujuum iyo weerar loollan

Ma-jeeste hayaamay duurka

Hormoodka abwaan gabyaayay

Hantida faxalkii ku kaabay

Intii hinjiseen hadh joogsan

Habeenkana seexdan wayday

Markaan halacsaday tixdaada

Garaadku wuxuu higgaadshay

In aan hambalyiyo salaamo

Hal-deeq kuman goor bogaadin

Ku saaro hu’gii sharfeede

Hal-doorkan gardaardshay uunka

Intuu ka haleelo maanku

Halmaal ku labee boggiisa

Hilaad qarnigii la dhaafay

Midkii kaba sii horreeyay

Markuu hungureeyay ciiddan

Heshiis ingiriis dabraaya

Hoggaan dhaqan baa badweynta

Hargaha kaga guud saxeexay

In Diiriyeyaal harqoodka

Markay hakiyeen Jasiirad

Xabsiga u hoydaay la seexshay

In Faarax caddaan huleeshay

Intuu hadafkiisa qeexay

Hagoogta warkii ka qaaday

Bashiir hadhcad weerar gaalka

Xaraama-cunii hilaadda

Sidii hilib laysu boobay

Jugtii Herer dhiig dareeray

Hormood Madar baa nabdeeyay

Tacliin Maxamuud u hawlgal

Aqoon u hillaaci maanka

Walaw xinjir looga hoorshay

Hirkii Qabillaan ka baaqan

Dadkana himir iyo naq siiyay

Higsiga libintaan yaraanin

Hirgeli Guuleed cammuudna

Runtii Mahad baa ah hawlkar

Halkeer dugsiguu bilaabay

Sidii haro loogu doolo

Harraad ardaydii ka biiyay

Halyeeygu xusuus leh gaara

Qofka hagran ciidda hooyo

Bulshadu ma halmaanto goorna

Hal-doorka gardaadshay uunka

Intuu ka haleelo maanku

Hal-maal ku labee boggiisa

Hawaa lixdankii na qaadday

Hashii milaygii u fooftay

Dhul aan hiddaheedu oollin

Garaad “hakiyaay” ku dooday

N.U.F hubsiimo yeedhay

Hoggaanka sarkaal an leennay

Qacdii derej hoos la geeyay

Mid aan khibrad haybsannayna

Hu’gii xiddigaha la saaray

Raggii hammigoodu keenay

Haleelada loo sinnaaye

Hadhuubka bah ay dhamayso

Inaan halacsiga la fiirin

Ku biimay halaag af-tuura

Kongii han-yaraanta diiday

Lugooyo halsaa badheedhay

Hortaba Xasan-Kayd guddooma

UFAA hanaqeen ku taalla

Dhulkeenna kolkii habsaanka

Hagaas la qorsheeyay reeba

Aqoonyahan horuumarkeenna

Waysiyo u biyaystay haanta

Kolkii hanjabaadda toogad

Hulluuqin garsoor dhawaaqay

Hubkaan gurtay baan qarsoomin

Cismaan iyo, Baashe heellan

Baruud iyo Madar halyeey dhe

Halyeeygu xusuus leh gaara

Qofkaan hagran ciidda hooyo

Bulshadu ma halmaanto goorna

Hal-doorka gardaadshay uunka

Intuu ka haleelo maanku

Hal-maal ku labee boggiisa

Markii Burco lagu heshiiyay

Inaan hanaqaad dhaqaaqno

Ammaan ma huraan ahaaye

Dadkeennu inuu is heero

Inay holcamaan colaado

Halbawle inaan is-goyno

Rabbaa u hanuunshay guurti

Hafeefta rasaas bakhtiisa

Ibraahin halkiisa buuxi

Hagaag taladeed ma seegin

Cabdaa hiirtiyo allayka

Hubkaa dhiga noogu waanshay

Garaadki horseed nabdaynta

Heshiisyo samee badbaado

Si aan haqab-beel ku taamno

Aw Muuse dabiib hurguunka

In hoos qabaw lagu negaado

Suldaan hanad Maxamed Faarax

Hanaayo nacaybka kow gal

Hub-dhigid wuu ugu horreeyay

Xoraynta hal sheeggan gaysay

Ergayn hidi oo dedaalna

Suldaan Cabdi baa halyeey ah

Hanfiga uga joogsan khayrka

Inaan hirdannoon is-layno

Gadaalna in loo hijroodo

Saleeban horjoogsay aafo

U haadi gacmaa rug doog leh

Go’aan u habboonna qaaday

Halyeeygu xusuus leh gaara

Qofkaan hagran ciidda hooyo

Bulshadu ma halmaanto goorna

Hal-doorka gardaadshay uunka

Intuu ka haleelo maanku

Hal-maal ku labee boggiisa

Dalkeenna hal-door siyaasi

Halyeey hagayaa tisqaadshay

Habayn qaramaynta ciidan

Dadkoo hal ah oo midooba

Hantida lacagteenna khaasa

Cigaal hinji oo abaabul

Inaan hog ku aasno guusha

Rayaale hankii ka weecay

Markii Awdal lagu hadlaayay

Hannaynta Cartaa jideeyay

Halkuu ka masuulyay jeerba

Hubaal Cali baa ka muuqday

In uu hal-adayg lahaado

In haayad xisaab la taago

Ammaan Sanyaraa ku hosystay

Aqoonsi inaan haleelno

Hir dheer u dul fuul Siciidki

Hoseeg Fagadhaa ka giigay

Marnaba ka hollodin dalkiisa

Qacdii xilka loo hibeeyay

Hab fiican Ramaax ku caan bax

Higtii birta gaadhi hooyay

Markuu weriyuhu higaadshay

Huq iyo naxdin baanu jaarnay

Haddiisa ayaa idlayde

Caluu hodo Eebbe saaray

Halkeer sixid Dawlad Hoose

Jiciiryo Xuseen hannaan dhig

Komiishan rag baa habeeyay

Rag baa hadimada ka leexday

In Ciise halyey yay loo qir

Rashiid himilKeen wanaaji

Difaac jara haan shisheeye

Muwaadinka heego geeya

U heegan shirqool cid qooli

Hurdada ku ledaay na seexshay

Markay hirigtahay dhan raacin

Tiraan la helaynin koobta

Horseedkiyo Nuuxna ii qor

Hanuun Culimaa u taagan

Yatiin huqda uu ka biiyay

Intuu hiil fidiyay Geeddi

Intuu masjid Haadi taagay

Isheennu halaalac dhawrtay

Sidii hayinkuu u qaaday

Baxnaanshay dar hayntu wiiqday

Hawl iyo hadal toosinoo san

Haddaan daljir Aadan siiyo

Waddani hambalyuu i leeyay

xaquu Dirir “haa” ku qeexay

Intuu Haaruun caddeeyay

Intuu Almis hoga-tusaayo

Gobtiyo Berberaawi halista

Halsaa intixaar fadwooday

Halyeeygu xusuus leh gaara

Qofkaan hagran ciidda hooyo

Bulshadu ma halmaanto goorna

Hal-doorka gardaadshay uunka

Intuu ka haleelo maanku

Hal-maal ku labee boggiisa

Tixdiyo hal-abuurka maanso

Horfule qalin-maal ah diirran

Horscod badan baanu leennay

Cigaa hadimada sharaystay

Harraati labkoon cid heerin

Halyeey qarankeen u hiishay

Hoggiisu cadda dheh Muumin

Inaan horor loo ciyaarin

Hawraar waddanoo dareen leh

Hun uunka habaabsha laalid

Abwaan Barkhad loogu hay xus

In aan habrashada gumeyste

Halkuu rabo loola aadin

In aan kufri loo hadaaqin

Langadhe cadaw baa ku hiifay

Inaan heensaha qabiilka

Marnaba lagu haybsan yoolka

Hillaab Cabdillaahi fayday

Habkii farta loo dhigaayo

Hummaaga ekeyn qurxoon leh

Galaal habigiisu keenay

Qallooc hubiyaay waxsheegga

Hawaal-warran waayo maanso

Mar waa halgamaa cajiiba

Kol waa qalin-maal hufnaan leh

barbaar hilin buu u jeexay

Haddeerto asteeyay Boobe

Dhab Jaamac qoraa hareergal

RED SEA hammigay kor yeeshay

Warbaahin kol uu ka hiisho

Hawraarta maqaal gargaara

Jamaal diric weeye hoo leh

Hilfaa hangash buu u laabay

In aan u hadaafno gooni

Abwaan Canbalaash u hayb ah

Halaanhal buraanbur jiifto

Hayaay Faadumo digniin leh

Halyeeygu xusuus leh gaara

Qofkaan hagran ciidda hooyo

Bulshadu ma halmaanto goorna

Hal-doorka gardaadshay uunka

Intuu ka haleelo maanku

Hal-maal ku labee boggiisa

Haween waxtarlaanu leennay

Hayaan dhinacooda giijay

Cusbital huqda lagu daweeyo

Ednaa hindisiha ku keentay

Hargeysiyo Jaamacaadka

Haddeer Foosiya xarriiqa

Berbera cilmi lagu habaayo

Barbaar hibaloo la muujo

Hantaaq dibadyaal la ciidmo

Hormoodnimo Faadumaa leh

Daryeelka dhallaan hantaaqan

Suhuuri hubaal u doodday

Habayn bandhig loo han waynyay

Horseedka Ayaan Cashuur dhe

Markuu dal-sankii hiqleeyay

Halaagga dhirteenna gaabshay

Degaan Shukri baa u hiil ah

Agoon hagardaamo gaadhay

Dhis hooy Weris baw yagleeshay

Milgaan samo hiifin goorna

Halyeeygu xusuus leh gaara

Qofkaan hagran ciidda hooyo

Bulshadu ma halmaanto goorna

Hal-doorka gardaadshay uunka

Intuu ka haleelo maanku

Hal-maal ku labee boggiisa

Hantina Rabbibaa na siiyay

Markay horumarin ahaato

Hab wacan Dahabshiil tilmaaman

haadyada waddadiyo dhiskooda

Telsoom dan guud u heellan

Cabdaan hal-qabsaday samaanta

Cismaan Geellaha Hargeysa

Holkiyo dhisay Jaamacaadka

Hoyaay amintii Biriishka

Hantida Oomaarki dhiibay

Hirgelin Axmedbaa u ciidmay

Run khayr Baxsanaa horyaala

Hal-muceed Khadar baa kalkaasha